Bisha Ramadaan ee barakaysan qofku waxa uu bilaabaa hirgelinta iyo adkaynta acmaasha wanaagsan iyo sifooyinka Muuminka dhabta ah ee xijaabku ka mid yahay,Muslimad kasti ha adkaysato sharafta xijaabka ee Alle ugu deeqay.
Xijaabku wuxu ka mid yahay waajibaadka Alle Ummadda u jideeyey,ee ku amray in ay ku dhaqmaan,Alle Isagaa korreeyee,waa og yahay dadka uu Isagu abuuray,waxa ku habboon iyo waxtarku waxa uu ugu sugan yahayba,xijaabkuna waxa uu ka mid yahay waxyaalaha Alle ku karaameeyey ee ku sharfay dumarka,kaas oo u ah qiime iyo dhawrsooni,oo ka dheeraynaya xumaha iyo raacista hawada,kana badbadinaya dhibta.
Alle wuxu amray dumarka in ay qaataan xijaabka,oo is asturaan:
يا أيّها النبيّ قل لأزواجك وبناتك ونساء المؤمنين يدنين عليهنّ من جلابيبهنّ ذالك أدنى أن يعرفن فلا
يؤذين وكان الله غفورًا رّحيمًا (ألأحزاب)
Aayadda:Nebiyohow ku dheh oo u sheeg haweenkaaga iyo hablahaaga iyo dumarka Muuminiinta ahba in ay xidhaan jilbaabkooda,arrinkaasi waxa uu ugu yaraan keenayaa in la garto oo aan la dhibin,Allena waa denbi dhaafe Raxiim ah oo naxariis badan.
Xijaabku waa shey Alle subxaana watacaalaa,ina faray Allena Isagaa u cilmi badan, oo og waxa inoo habboon,ee sharafteenna iyo wanaaggeennu ku jiro,haweeney sidata xijaab iyo mid aan sidanin sharafta u dhexaysa qofna kama qarsoona.
Muslimadda xijaaban waxay huwan tahay xushmad iyo sharaf aan qiimeheeda la koobi karin,ta qaawanna ninka xun oo dhan ee qalbigiisu aanu khayr ku jirin,ayaa daawasho isha la raaca oo halkaa denbiga ka gurta,iyaduna illeyn waa sababtii fidnadaase denbiga ka dheregtaa,oo qaybteeda ka qaadataa.
Alle waxa uu ina farayaa asturnaanta iyo akhlaaqda wanaagsan rag iyo dumarba,waxa laga rabaa in ay indhohhoda ka daboolaan waxa aan loo bannayn,oo aanay ku eegin, sidoo kale farjiyadooda(dhiska tarankooda)xifdiyaan oo ilaaliyaan:
قُلْ لِلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ذَلِكَ أَزْكَى لَهُمْ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ وَقُلْ لِلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ (النّور)
Aayadda:ku dheh(Nebi Allow)Muuminiinta oo u sheeg in ay indhohooda daboolaan, oo ilaaliyaan oo xafidaan ilaaliyaanna farjiyadooda,arrinkaa ayaa u saafinimo badane, Alle khabiir buu u yahay waxa ay samaynayaan oo waa og yahay,oo ku dheh una sheeg dumarka Muuminiinta ah in ay indhohooda ilaashadaan oo hoos u dhigaan,oo ay ilaaliyaan farjiyadooda,oo aanay muujinin oo soo bandhigin quruxdooda.
Indhaha haddii lagu eego wax aan bannaanayn ragguna dumarka isha la raacraaco, ama dumarku ragga fiirfiirsadaan,waxa Rasuulku sheegay in ishu sinaysato:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"العينان تزنيان وزناهما النّظر والفرج يصدّق ذالك أو يكذبه"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: indhuhu way sinaystaan oo sinadoodu waa eegmada,farjiguna waa ka rumeeya ama beeneeyaa.
Waxa Alle ina amray waa in aynu adeecnaa,haddii aynu ka tallaabsanno waxa uu Eebbe inoo dejiyey ee ina faray,waxaynnu helaynnaa abaalkeeda oo ah ciqaab,iyo Cadaab daran:
وما كان لمؤمن ولا مؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمرًاأن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضلّ ضلالا مبينًا(الأحزاب)
Aayadda:uma sugnaan qof Muumin ah(lab iyo dheddigba)haddii Alle iyo Rasuulkiisu ay amar gooyaan wax ikhtiyaar ahi,oo waa in ay amarka raacaan,kii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo amarka khilaafa waxa uu lumay,lumitaan fog.
Xijaabka iyo asturnaantu,waxa ay ka mid yihiin amaradda Alle inoo dejiyey,qofna ma dhayalsan karo,oo waa waajib la iska rabo.
Haweenaydu ciddii aan maxramkeeda iyo ninkeeda ahayn way iska asturaysaa,oo way ka xijaabanaysaa,maxramkeedu waa dadka aan guursan karin weesadana aan ka gadin,waxa sidoo kale aanay ka asturanayn wiilasha yayryar,ee aan kala saari karin, cawrooyinka iyo jidhka kale:
وَلا يُبدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلا لِبُعُولَتِهِنَّ أَو آبَائِهِنَّ أَو آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَو أَبنَائِهِنَّ أَو أَبنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَو إِخوَانِهِنّ(النور)
Aayadda:yaanay u muujin quruxdooda(dumarku)nimankooda mooyee cid kale ama Aabbayaashood ama nimankooda Aabbayaashood ama Wiilashay dhalaan iyagu ama nimankoodu Wiilashay dhaleen ama Inamada ay walaalaha yihiin.
لاَّ جُنَاحَ عَلَيْهِنَّ فِى ءَابَآئِهِنَّ وَلاَ أَبْنَآئِهِنَّ وَلاَ إِخْوَانِهِنَّ وَلاَ أَبْنَآءِ إِخْوَانِهِنَّ وَلاَ أَبْنَآءِ أَخَوَاتِهِنَّ وَلاَ نِسَآئِهِنَّ وَلاَ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ وَاتَّقِينَ اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَى كُلِّ شَىْءٍ شَهِيداً(الأحزاب).
Aayadda:wax denbiya ma leh jilbaab la´aan hadday haweenku la joogaan Aabbayaashood iyo Wiilasha ay dhaleen,Inamada walaalohood ah iyo Inamada walaalohood dhaleen iyo Dumarkooda iyo inta ay mulkiday midigtoodu,Allena ha ka cabsadeen oo ha ka baqeen,Alle wax kasta waa og yahay oo marag buu ka yahay.
Shuruudaha iyo qaabka xijaabku leeyahay ee sharciga ahi waa sidan:
1-waa in uu asturaa dhamaan jidhka haweenayda,wejiga iyo labada calaacalood mooyee,waxana khayr badan in wejiga iyo calaacalahana la asturo.
2-in aan marada xijaabku noqon mid soo jiidasho iyo qurux gaar ah leh.
3-waa in aanu khafiif jidhku ka muuqanayo ahaan.
4-waa in uu ahaado waasic oo aanu jidhka ku dhegsanayn.
5-in aanu lahayn kamkam iyo wax ka soo carfaya.
6-waa in aanu shabbihin dharka gaalada iyo siday u lebistaan,sida soorooyinkaÂ…iwm.
7-waa in aanu shabbihin dharka ragga.
8-waa in aanu ka geddisnayn lebbiska la yaqaan,oo aanu qariibnimo bixinayn.
Alle subxaana watacalaa,wuxu inoo soo dejiyey dharka iyo wixii laga samaysanayey, si aynu cawrooyinkeenna ugu qarsanno,oo ugu asturanno:
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْءَاتِكُمْ وَرِيشًا وَلِبَاسُ التَّقْوَىَ ذَلِكَ خَيْر( الأعراف)
Aayadda:Bini-Aadamkow waxannu xaqiiqadii idiin soo dejinney dhar aad ku qarsataan xumihiinna(cawrooyinkiinna) iyo baalal,dharka cabsida ayaana ah ka khayrka badan.
Alle Isagaa korreeyee,wuxu innala doonayaa sharaf iyo asturnaan wuu ina abuuray,oo inoo sakhiray Kownka iyo waxa ku dhaqanba,sidoo kale ina amray oo inoo sheegay sida aynu u dhaqmayno,waxana uu inoo soo dejiyey dhar aynu isku asturno,ogow taqwadda iyo cabsida Eebbe iyadaa dhar ah,oo kugu kellifaysa asturnaanta iyo xishoodka iyo raacidda amaradda Eebbe.
Gaaladu waxay tidhaahdaa waxa jirey waqti dadku qaawanaa,innagase diinteenna ayaa Alle inoogu sheegay in Aadan iyo Xaawo dhar gashanaayeen,oo markii ay geedka cuneen uu ka qaadmay,oo cawrooyinkoodii muuqdeen,waxa sidoo kale Aayadda kor ku xusan Alle inoogu sheegayaa in uu inoo soo dejiyey dhar,si aynu cawrooyinkeenna ugu asturanno.
waxa xijaabku u yahay dumarka sharaf iyo bilic iyo dhawrsoonaan,oo Allaa amray dumarka xijaabka,sidoo kale waxa dumarka laga rabaa in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo fidno horseedi kara oo denbi ka dhalan karo,sida is jejebinta iyo hadalka jilicsan ee qofka xun damac gelinaya:
يا نساء النّبيّ لستنّ كأحد من النّساء إن اتّقيتنّ فلا تخضعن بالقول فيطمع الّذي في قلبه مرض وقلن قولا معروفًا (ألأحزاب)
Aayadda:dumarkii Rasuulkow lama aydin mid tihiin dumarka kale,haddaad Alle ka cabsanaysaan hadalka ha jilcinina,si uu idiin damaaciyo ka qalbigiisu buko,oo dheha hadal wanaagsan oo caadi ah.
Socodka aan qoonsiga lahayn ee aan is jejebin iyo ka badbadin lahayn waa sharafta dumarka,oo si aanay isha ula sii raacin dadka Shaydaanku sito,oo aanay sabab u noqonin fidnadaa waa in dumarku si xishood leh oo qumman u socdaan:
وَلاَ يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ وَتُوبُواْ إِلَى اللَّهِ جَمِيعاً أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ {النور}
Aayadda:waa in aanay ku garaacin(dumarku)lugohooda dhulka,si loo ogaado quruxda ku qarsoon,oo Alle u toobad keena dhamaantiin Muuminiinyahay,waxa la arkaa in aad aflaxdaan,oo guulaysataane.
Dumarka dharka qaawan qaata,waxa la gelinayaa oo abaal looga dhigayaa Naarta:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:" صنفان من أهل النار لم أرهما: نساء كاسيات عاريات مائلات مميلات، ورؤوسهن مثل أسنمة البخت، لا يدخلن الجنة ولا يجدن ريحها، ورجال معهم سياط كأذناب البقر يضربون بها عباد الله".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi:ma aan arag laba nooc oo kale oo ehlu Naarka ah,dumar ah kaasiyaad caariyaad,oo dhar gashan haddana qaawan,oo leexanaya dadkana leexinaya oo madaxyadoodu yihiin sida kurusyada geela,kuwaasi ma gelayaan Jannada urteedana ma helayaan,iyo rag sita jeedallo aad mooddo dibka lo´da,oo la dhacaya Addoomada Ilaahay.
Xishoodku waa furaha najaaxa iyo dhowrsoonaanta,qofba qofkuu ka xishood badan yahay wuu ka akhlaaq iyo asluub fiican yahay:
قال صلى الله عليه وسلم : " إن لكل دين خلقاً ، وإن خلق الإسلام الحياء" وقال صلى الله عليه وسلم :" الحياء من الإيمان ، والإيمان في الجنة "
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi:Diin kastaaba waxa ay leedahay akhlaaq,oo Islaamka akhlaaqdiisu waa xishoodka,waxa sidoo kale Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam yidhi:xishoodku wuxu ka mid yahay iimaanka,oo iimaankuna Jannaduu ahaaday.
Dumarka waxa diinteennu siisay fadli iyo tixgelin,waxana hawsh ,iyo xoogsiga dusha laga saaray ragga,oo masariifta iyo baahida guud ragga ayaa masuul ka ah,dumarkuna maamulka guriga iyo qoyska iyo barbaarinta ubadka ayay masuul ka yihiin:
وَقَرْنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلآ تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ الْجَاهِلِيَّةِ الأُولَى(الأحزاب)
Aayadda:ha joogeen guryohooda oo yaanay ku dhaqmin isqaadqaadkii iyo isjejebintii jaahiliintii hore oo kale.
Xijaabku waa sharaf iyo qiimo uu Alle u jideeyey dumarka,oo waa wax xagga Eebbe ka sugnaaday,oo aanu gorgortan iyo sidanay ila tahay ka bannaanayn,mar haddii aynu nahay Muslim waa in aynu u hoggaansanno wax kasta oo Islaamku ina farayo,haddii aynu ku dhega adaygno ama sahashanno amar Eebbe inoo dejiyey,abaalkeeda ayay leedahay:
وما ءاتاكم الرّسول فخذوه وما نهاكم عنه فانتهوا واتّقوا الله إنّ الله شديد العقاب(الحشر)
Aayadda:waxa uu Rasuulku idiinla yimi qaata,waxa uu idinka reebayna ka dheeraada oo Alle ka baqa,ciqaabka Alle waa mid kulul,oo darane.
Inantu marka ay arrintu noqoto lagama maarmaan,haddii ay sidato niqaab wejiga qarinaya,oo tusaale nin guur ka damacsani doonayo in uu arko,oo iska eego way tusaysaa wejigeeda,oo xaq buu u leeyahay in uu iska eego,sidoo kale haddii haweenaydu ay tahay mid da´ weyn,oo aan filaynin guur wejiga iyo gacmaha way bannayn kartaa,oo dhar caadi ah oo asturan way iska xidhan kartaa:
والقواعد من النّساء اللآتي لا يرجون نكاحًا فليس عليهنّ جناح أن يضعن ثيابهنّ غير متبرجات بزينة وأن يستعففن خير لهنّ والله سميع عليم(النّور)
Aayadda:dumarka da´da ah ee aan rajeynayn ama filaynin nikaax iyo guur,denbi korkooda ma aha hadday xijaabka iska dhigaan,iyagoo aan tabaruj iyo isqaadqaad samaynayn oo quruxdooda muujinaynin,waxana u khayr badan hadday dhawrsooni sameeyaan,oo xijaabkooda iska sitaan,Alle waa ka maqlaya ee cilmiga leh.
Shaydaanka oo ah cadowga Bini-Aadamka oo Alle innooga digay,oo yidhi iska ilaaliya oo sida uu idiinku yahay cadowga idinkuna cadow ka dhigta,oo yanu idin hodin,waxa uu mar kasta isku deyayaa in uu dadka duufsado,oo ay Alle caasiyaan:
يَا بَنِي آدَمَ لاَ يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم مِّنَ الْجَنَّةِ يَنزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْءَاتِهِمَا(الأعراف)
Aayadda:Bini´aadamow yaanu idiin fidnaynin Shaydaanku,sidii uu uga soo saaray Aabbayaashiin(Aadan & Xaawo) Jannada,ee uu ka siibay dharkoodii si uu u tuso,oo cawrooyinkooda uu u muujiyo.
Shaydaanku asturnaanta iyo xishoodka wuu la dagaallamaa,oo wuxu u qurxiyaa dadka qaawanida iyo faxshiga Alle reebay,wuxu qofka u soo rakaabsadaa gaalada iyo dhaqankeeda,oo uga dhigaa wax wanaagsan oo u bixiyaa ilbaxnimo iyo xorriyad iyo dimuqraadiyad,iyo waxyaalo la mid ah oo lagu xalaashanayo waxa Alle xaaraan ka dhigay,qofku hawadiisa iyo Shaydaanka wuu raaci karaa,oo xumaanta wuu dhex muquuran karaa,laakiin waxa is weydiintu tahay miyay tahay wax lagu waarayo?!,oo Allihii Adduunkan iyo waxa ku dhaqan abuuray,siduu u dejiyey hab nololeedka ma lagu dhega adaygi karaa?!,mase laga baxsan karaa oo laga bixi karaa awoodda Alle:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " كل أمتي يدخلون الجنة إلا من أبى "، قالوا : يا رسول الله ومن يأبى ؟ قال :" من أطاعني دخل الجنة ، ومن عصاني فقد أبى ".
Xadiiska:Rasuulka Alle,naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi: kulli Ummaddaydu waxay gelaysaa Jannada kii diida mooyee,waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow yaa diidaya?,wuxu yidhi:kii i adeecaa Jannaduu gelayaa kii i caasiyaana wuu diiday Jannada.
Xijaabku waa ma dhaafaan
Xushmada iyo sharaftaba
Xijaabkaa u Aabbe ah
Xijaabka xidhashadiisaa
Xaqa siiya dumarkoo
Xarragiyo wanaagiyo
Xasillooni degganida
Xurmaynta waajibaadkiyo
Xeerka Alle ku toosnaan
Xalaal weeye qurux badan
Xijaab gabadhada sidatee
Xishoodku uu ku dheeryee
Xejinaysa taqwadiyo
Xukunkii Alluhu dhigay
Xeel dheeri xulashada
Xiise waxad jeclaataa
Xaas inay ahaatoo
Xurmo aad wadaagtaan
Xaasha´e uma ogolid
Xagtini inay gaadhee
Xuma ay dareentee
Ama kaa xanaaqdee
Xuural caynta dunidiyo
Xila loo bogaayiyo
Xulashay ku mudan tahay
Kuwa xumaa ku faanee
Xarragada is bidaayee
Ka xuub siibtey diintee
Xabashidiyo gaalada
Xulufada ka yeeshoo
Xijaabka intay diideen
Yidhi xorriyad dooniyo
Xaq baan raadinaynaa
Xaalkoodu duniduu
Ku xaddiday dantoodoo
Xilli kaleba may oga
Xisaabtanka ma ay gelin
Xabaal lays dhigaayiyo
In la is xashrinayoba
Xilka maanta yaallaa
Xoogsigaaga inuu yahay
Xaalkiisba ma ay oga
Xaajadu fudayd iyo
Xeel bay la tahayoo
Xariifnimo is moodiyo
Xubbigaaga maahee
Xaakimkii Allaa dhigay
Xeer dastuura weeyaan
Kii xeerin waayee
U xagliya Iblaysyada
Xilli kale ayuu garan
Kii xoog is bidayaa
Xeeshiis ha dheelee
Xurmo iyo wanaaggana
Xadhigeed ha laalee
Xaggee buu bal tegayaa
Xorriyadahan Shaydaan
Ma xal bay u helayaan
Iyagayska xaasiday
Xannaankii Ilaahay
Xumihii ka doortoo
Xaytoo is qaawiyey
Xishoodkii illaawoo
Xayndaabkii jebiyoo
Xamuurado is mariyood
Xidinxiito moodaa
Xurmo darrada qaabkiyo
Xiska iyo dareenkana
Xumbo markiiba qallashiyo
Xaangeeyadii tahay
Xijaabku waa ma dhaafaan
Xishoodkuu sidaayoo
Xushmad iyo qadderiniyo
Xulashuu u door yahay
Xaakimkii Allaa dhigay
Xikmad weeye diini ah
Xeeldheeri samihiyo
Xaaraan laga fogaadiyo
Xurmaynta amarka Eebbaha
Xaraf aan la dhayalsanin
Xadhigeeda la qabsado
Waa xaqa sugnaadee
Xijaabku waa ma dhaafaan
Xijaabkuba haweenkuu
Xaqoodii ilaashoo
U horseeday xurmo oo
U xaddiday masiirkood
Xoolohoodu waa nolol
Xidhiidhkoodu waa khayr
Xeradoodu waa Janno
Adduunkoodna waa xurmo
Xijaabku waa ma dhaafaan
Xijaabku waa ma dhaafaan
Xijaabku waa ma dhaafaan
Alle xaqa ha ina garansiiyo,oo xishoodka iyo xushmadda diintu ina farayso Alle ha innagu hanuuniyo,oo xijaabka iyo waajibkaadka kaleba kuwo adkaysta ha inaga dhigo.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w