Tani markii ay dhawaan soo baxday inuu shaqadii ka fadhiistay madaxii laanta af-soomaliga ee BBC yusuf garaad cumar, waxa soo baxayey suaallo ay is-weydiinayeen dadgowga af-soomaaliga ku hadla ee geeska afrika degan. Balse ilaa hadda jawaab looma hayo suaalahaa ay is-weydiinayeen.
Inta aynaan bilaabin cida noqon doonta madaxa laanta, aynu soo bandhigno weriyayaasha talladu ka godo.
liiska weriyayaasha, magacyadooda iyo gobolada ay ka soo jeedaan.( kuwa Bush House jooga).
-18pt; MARGIN: 0cm 0cm 0pt 36pt; mso-list: l0 level1 lfo1" class=MsoListParagraphCxSpFirst>1) Maxed maxamuud cade........ gobolka......galguduud/ koonfurta soomaaliya
2) c/rahman koronto................. gobolka....... Hiiraan/ koonfurta soomaaliya
3) kaati ciise.............................. gobolka....... galguduud/ koonfurta soomaaliya
4) maxed ibraahim macalimow...gobolka.... Banaadir/ koonfurta soomaaliya
5) ahmed cabdi nuur.................. .gobolka...... ceelbuur/ koonfurta soomaaliya
6) farxaan maxed jimcaale........ gobolka........ Hiiraan/ koonfurta soomaaliya
7) maxed maxamuud dhoore.... gobolka........ galguduud/ koonfurta soomaaliya
8) yusuf xasan............................ gobolka.......... galguduud/ koonfurta soomaaliya
9) c/laahi c/risaaq..................... gobolka.......... Banaadir/ koonfurta soomaaliya
10) c/nuur sheekh isaxaaq...................................puntland
11) c/laahi xaaji...................................................puntland
12) yoonis cali nuur..............................................Hargaysa/ somaliland
13) c/risaaq Haaji siraad......................................Berbera/ somailand
sida ku cad liiska waxaa xarunta BUSH HOUSE isku dhal-dhalay weriyeyaal reer koonfureed ah. Dhammaan weriyeyaashani waxay xaruntan ku deegaameeyey madaxii ka tegay shaqada ee yusuf garaad cumar. Markaa al eego taariikhda laanta af-soomaaliga ee BBC-da, weli lama arag weriyeyaal soc u ah sidan oo kale.
Yaa noqon doona madaxa?
Way iska cadahay inay goobtani noqotay xarun reer koonfureed, oo madaxa soo baxaa noqon doono nin amma gabadh reer koonfureed ah, balse waxa is-weydiin mudan weriyeyaasha tirada yar ee reer puntland amma reer somaliland ma ka dhexqaadi doonaan jagadan, mise awood ayaa lagu muquunin. Sidii hore u dhacday yusuf garaad wuxuu ka dhexqaaday jagadan weriyeyaal reer somaliland ahaa oo ay ka ahaayeen: adan nuux dhuule, yoonis cali nuur, cawke, c/salan hereri iyo c/risaaq H. Siraad. Hadaba hadii weriyayaasha reer koonfureedku heshiin waayan, waxay tani fursad u siinaysaa kuwa tirada yar ee reer puntland iyo somaliland inay midoobaan oo ay ka dhexqaataan jagadan.
Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Hargaysa, somaliland.