Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaahi Wa barakaatuh.
Marka hore Ramadaan Kariim. Waxaan ilaahay dhammaan Muslimiinta uga baryayaa inuu Camalkeena ina aqbalo,Ramadaanteeda kalena Khayr ,Nabad iyo Cibaado Saalixa inagu gaadhsiiyo,Walaalayaal sidaad la wada socotaan waxaan ku dhex jirnaa tobankii habeen ee bisha Ramadan ugu danbeeyey, tobankaas habeen oo ay ku jirto habeenka la yidhaahdo "Habeenkii Leylatul-Qadriga". Marka waxaa su´aal u baahan inaan is weydiino muxuu habeenkaasi habeenada kale kaga duwantahay ama uu kaga fadli badan tahay?
Jawaabtu waa sida soo socota.....
Laylatul-Qadrigu waa habeen fadligiisu aad iyo aad u wayn yahay,
waxaa ka mid ah...
(1) Waa habeen
camalka la qabtaa uu ka khayr badan yahay midka la qabto kun bilood (yacni 83 sanno iyo 4 bilood) oo habeenkaas uusan ku jirin.
(2) Waa habeenkii Quraanka Lawxul-Maxfuudka laga soo dejiyey, iyadoo la keenay meel la yidhaahdo gurigii Cizziga iyo Sharafta, dabadeedna qayb-qayb Nabiga SCW loogu soo dejiyey, muddo saddex iyo labaatan sano gudohood ah.
(3) Waa habeenka Lawxul-maxfuudka laga soo dejiyo oo laga soo qaado sannadka waxyaabaha dhacaya, sida wixii dhimanaya, wixii dhalanaya, risiqa iwm, iyadoo loo keenayo oo loo dhiibayo malaa´igta u xilsaaran arrintaas.
(4) Waa habeen malaa´igta la soo dejiyo, iyadoo uu ka mid yahay Malaku Jibriil, habeenkaa Allaah SW ayaa karaameeyey, kitaabkiisa ku xusay. Waxaana qof kasta oo muslim ah u haboon ah inuu ku dadaalo sidii uu u haleeli lahaa habeenkaas qaaliga ah, oo uusan u seegi lahayn, habeenkaasi waa habeen Ilaaheey uu ummaddan u gaar yeelay, qofkii haleelana khayr dhammaantiis ayuu haleelay, Rasuulkuna SCW isagoo fadliga habeenkaas ka hadlaya ayuu wuxuu yidhi: "Qofkii Laylatul-Qadriga kaca (yacni habeenkaa cibaado sameeya) isagoo aaminsan, ajar iyo xasanaadna Ilaahey ka dalbanaya waxaa loo dhaafayaa dambigiisii hore". Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Habeenkaas maadaama uu yahay mid fadli wayn leh, ahna mid aad iyo aad qofka muslimka ah ugu muhiim ah, ayaa Asxaabtu waxay jeclaysteen inay ogaadaan habeenka uu yahay, qaar iyaga ka mid ahi waxayba ku riyoodeen inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, markaa ayaa Nabiga SCW wuxuu yiri: "Ku dadaala Laylatul-Qadriga habeennada tirada is-dheer (kisiga) ah, sida 21, 23, 25, 27, iyo 29, oo ku jiraan tobanka ugu dambeeya Ramadaanka." Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Markii uu Rasuulku SCW sidaas yidhi ayaa waxaa la ogaaday inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, gaar ahaan habeennada kisiga ah, laakiin axaadiista badankood waxayba sii cayimeen oo ay sheegeen inay tahay habeenka 27-aad, iyo kuwa kaleba waxaa haboon in dadaal dheeraad ah la sii-siiyo, oo si fiican loogu dadaalo, iyadoo cibaado lagu soo jeedayo.
HADAAN OGAADO HABEENKA LAYLATUL-QADRIGA MAXAA LEEYAHAY?
Maadaama asxaabtu aysan ogolayn in waqti muhiimaddaas lehi uu dhaafo, ayaa Caa´isha oo ahayd xaaskii (sowjadii) Nabiga SCW waxay Rasuulka SCW ku tidhi: Haddii aan ogaado habeenka uu yahay Laylatul-Qadrigu maxaan leeyahay? Markaas ayuu ku yidhi:waxaad aqrisaa ducadan:
"ALLAAHUMMA INNAKA CAFUWWUN, TUXIBBUL CAFWA, FACFU CANNII"
....oo ay macnaheedu yahay "Ilaahayoow waxaad tahay Ilaah cafin badan, jecelna cafinta, ee i cafi." Waxaa xaddiiska wariyey Axmed Ibnu Maajah iyo Tarmidi.
Waa Qalinkii:Cawil Axmed Maxamed(Cawil dahable)
Holland