Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


WAAN DEGDEGAYAA WAKHTIGAA IGA DHACAAYA…..! by qalinkii abdihakim_marrayare1


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Waxaan halkan kasalaamayaa dhammaan umadweynta muslimka ah gaar ahaan waxaan sigaar ah usalaamayaa kuwa afsoomaaliga

Waxaan halkan kasalaamayaa dhammaan umadweynta muslimka ah gaar ahaan waxaan sigaar ah usalaamayaa kuwa afsoomaaliga ku hadla ee qoraalkan akhrisan kara oo aan leeyahay waa tobanki danbe ee ramadaane  ilaahay ha inaga dhigo kuwa uu la kulan siiyo laalatul qadrigiisa iyo inu ilaahay acmaasheena inaga qaado.

Waxaan iyana sallaan lamid ah hawada umarinayaa shaqaalaha saxaafada kala duwan.

Wakhtigu waa goorta somalida xoola dhaqatada ahi ay odhan jireen geed iyo qof ayuunbaa lakala garankaraa ama goor hiimse hiimse ah

oo umada muslimka ahina ay salaadii subax usoo weyso qaateen ama ay tukanayaanba qaarkood,codka diiga oo dhawaaqa hada han oo kale ayaa isna kabaxaaya hereeraha xaafadaha iyo jaararka ka agdhaw guriga uu ka ambaxay  marxuum socdaal kadis ah kaga safrey magaalada Addis abba ee xarunta dalkani Ethiopia,isagoo usii jeeda magaalada Jigjiga ee ismaamulka somalida Ethiopia oo uga sii kicitimaayey halkuu  deganaa oo ahayd magaalo xeebeedka Bosaaso Bari ee maamul goboleedka Puntland Somalia.

Gaadhigu waa mid xili habeynku dedan yahay baxa si uu maalin weynta oodhan usii gucleeyo,waxaanu shaqeeya inta badan inta cadceedu soo jeedo.

Sallaama waa mid kamid ah gaadiidka ganacsi ee dawladu iska leedahay waa mid leh suuq balaadhan oo Somali ah,laba cisho kahor ayaad tageysaa xafiiska si aad uhesho tigidh aad ku safarto ilaa jigjiga.

Gaadiidka shirkadaha ganacsi ee ukala goosha Addis-jigjiga ayaa ah kuwo suuqoodu yahay dadyawga somalida ah ee ka kala yimaada dhammaan gobolada iyo degmooyinka afka somaliga lagaga hadlo ee mandaqada geeska Africa,oo midba ceesaantii ceelkan Addis ababa ay keento,aan xuso akhristaw muraadyada inta badan ay uyimaadaan dadka somalida ahi halkan waa Addis ababe:

1.Xaalado caafimaad.

2.Adeega safaaradaha iyo dal shisheeye usocdaal ha ahaato mid sharci umaraaya dhoof ama mid tahriib iyo nidaamka qardajeexa ee liibiya oo hada ah meel ay cagtu ku badan tahay horena dad badani ugu caano maaleen halka tiro kale oo badanina ay ku halaagsameen badaha waaweyn ee Midterenianka ee libiya iyo taliyaanga udhexeeya.

3.Waxbarasho.

 Saaxiibkeen waxa uu kamid ahaa dad Somali ah oo muddo badan kusoo noqnoqonaayey safaarada Sweden balse waxa uu dhameystey wakhtigii iyo ayaamihii yaraa uu dunida kulahaa,iyadoo bishan barakeysan bilawgeedii lagu aasey magaalada boosaaso.

Shakhsiyan waxa uu ahaa adoon ilaahay u hogaansan oo salad badan kuna dedaala acmaasha saalixa ah,kaftanka iyo soo dhaweyntuba waa laba sifo oo marxuumka lagu xasuusto.                                                                                                                                 Goor casar ah oo aan sugaayey salaadi ayuunbay ahayd markii aan qabtey telefoonkeyga mise shakhsi kale oo ay iska agdhawaan jireen  marxuumkan ayaa war naxdin leh isheegay oo ahaa inuu gaadhi dhacey isla markaana ay kudhinteen laba qof oo uu kujiro marxuumkan aan magaciisa qariyey ee  qalinku  qoraayo.

Waxa uu ahaa aqoonyahan culuumta dhaqaalaha ka dhameystey jaamacada Camuud ee gobolka Awdal islamarkaana waxa uu ka shaqo galey hay’adaha ka hawlgala Puntland gaar ahaan waxa uu muddo sideed sanadood ah usoo adeegay UNhabitat,Save the children iyo kuwo kale oo badan.

Waxa uu ahaa saaxiibkeen qoraa hal abuur ah oo hada uun diyaariyey buugaag dhawr ah, qoraal maalmeed kusaabsan arrimaha bulshada,dhaqaalaha , siyaasada iyo dhaqanka ayaa laga daalacan jirey bogoga rayiga dadweynaha ee wargaysyada/webebka maxaliga ee Puntland oo uu si joogto ah wax ugu qori jirey marxuumku.

Qoraalka iyo qalinka ayaa ahaa labada wehel ee saaxiibkeen.

Maaha qariib in uu qof uhayaamo aakhiro oo ah bogcad aan lagasoo noqon balse waxaan hubaa in ka akhriste ahaan inay jiraan dad badan oo waliba qaraabadaada ahi inay  uguureen gobtaas iyada ah sida:

 

Awawgaa iyo ayeydaa,

 

Aabaha/hooyada……………………………………

Iyo qaar kaloo badan oo ah dadka kugu xeeran ee aad wadaagtaan deegaanka aad kaga nooshahay aduunyada.

Umaan qaadan qalinka inaan ku xasuusiyo murugo iyo xanuun badan oo  waayo hore kusoo maray ama qaar hada aad ujoog utahay balse waxaan ula jeeda inaad adigu laftigaagu baraarugsanaato markasta dhimashadu inay tahay wax iman kara oo aan ubaahanayn in la ahaado damiin iyo wahsi oo ah laba ficil oo gadaal aad farta uga qaniini doonto.

Goblan talo aduunyoy Nina tii magaadho                                                                 goldoloolo hoosiyo

gabal lagama waayo.

Erayadan sare ee farshaxanka iyo dhihitinka wanaagsani ka dhadhamaayo waxay kamid yihiin hees uu alifay isla markaana uu codkiisa macaan ku luuqeeyo Heesaaga,Abwaanka Hal abuurka weyn ee Maxamed Aadan Dacar,runtii abwaanku waxa uu inoo sawirey dhalanteedka aduunyadu inuu yahay wax aan loo inti faacsan Karin siduu bini aadamku ka filanaayo balse tahay wax hoosta ka madhan oo maalinba heer joogta.

Farxada,caafimaadka,taajirnimada iyo noloshuba maaha wax uu isku haleyn karo qofka fariidka ah ee aadka ufeejigani balse waxa xisaabta ugu jirta inay jiraan arrimo kale oo bari ay wax is bedelayaan.

Akhristaw hadaad maanta faraxsan tahay ku talo gal inaad bari murrugoon doonto,hadaad caafimaad  haysato ogaw inaad xanuunsan doonto bari,sidoo kale hadaad maanta taajir tahay oo aad bariiskaaga haysato bari faqiir ayaad noqon kartaa waxa kale oo iyadana aad xisaabta ku dartaa hadaad saacadan aad joogto nooshahay ha ku fikirin saacada ku xigta inaad noolaaneyso ee ogaw ma ogid wakhtiga aad aduunyada sii daaqi doonto.              Maaha kow iyo laba inta qof ee shil baabuur ku halaagsamay ee aynu usoo joognay ama aan kamaqley asxaabta iyo dadka kale ee aynu nolosha ku kulano ee waxa jira dadbadan oo aan qalin  iyo qawltoona lagusoo bandhigi kareyn oo gaadhi la rogmadey ama gaadhi kale dusha kamarey wadada udhaxeysa jigjiga iyo Addis abba ama meelo kale oo badan.

Waxaan ogahay in akhristaayaasha qaarkood baadhayaan sababta aan uqaatey qoraalka sare ee ciwaanka u ah sheekadan dhabta ah ee aan qalinka idinkusoo gudbiyey,waxa igu kalifay inaan ciwaankan qaato,kadib markii laysheegay in marxuumkan uu qalinku ka sheekeynaayo uu dad badan oo ahaa dadka ay iskugu dhawdhawaayeen oo kula taliyey inuu bishan ramadaan iska dhameysto oo marxumku ugu jawaabay erayadan ah WAAN DEGDEGAYAA…WAKHTIGAA IGA DHACAAYA…..!.

Wakhtigan marxuumku ka hadlaayey muu ahayn siduu isagu islaha ee waxa jirtey talo alle iyo socdaalkiisa oo ahaa mid xaga alle ka qorshaysnaa oo marxuumka iyo dadka kalena ka dednayd waana arrimaha muujinayo awooda alle iyo itaal yarida aadanaha.

Waxaan inta badan maqalaa iyadoo muslimiintu ku duceysanaso ilaahayow mawtul qafle ha nagu dilin,

 

Waana duco lagu daceysto ta ugu mudan inkastoo meelkasta iyo xaaladkasta alle laga magan galyeysto oo aanad awoodba ulahayn inaad isku filaato.

Waxaan dhammaanteen alle inooga tuugayaa inuu inagu dilo inagoo ku dhex jirna kheyrkiisa faraha badan iyo acmaasha uu inaga doonaayo alleheen aaaaaaaaaaaaamin.

 

Fiiro gaar ah:

Akhriste waxaan si xushmad leh kaaga raali galinayaa haduu jiro qaladaad dhacey intii aan kujirey soo gudbinta fariintan murugada leh ee dhabta ah.

 

W/qalinkii abdihakim_marrayare1@hotmail.com

abdihakim_marrayare1@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.