la odhan karo hebel wuxuu nadiif ka yahay tuuganimada,munaafaqadda,beenta,iyo lugoynta m/waynaha,waxaa iswaydiin leh haddii aan Yara taabto wax qabadka xukuumadda ee labada sano u dhamaaday haddii runta loo hadlo waxay soo dhaafi la,dahaya waqooyig iyo galbeedka hargaysa iYadoo la odhan karo wax qabadku ma gaadhin sadexda degmo ee ugu balaadhan hargaysa ee kala ah DEGMADDA GACAN-LIBAAX,DEGMADDDA AXMED DHAGAX Iyo DEGMADDA MAXAMED MOOGE,oo ah halbowlayaasha xukuumaddu inta badan ay ka dhoofaan indhahoodana ku arkaan dayaca ka muuqda wadooyinkooda, BIYO LA,AANTA baahsan,iyo adeegii kale ee asaasiga,inkastoo ay xukuumaddu ka hirgelisay 11 CEEL DOOXA XUUMBA WAYNE oo uu sabab u yahay aqoonyahaynka Da,da yar ee ku taqasusay soo saarista biyaha,shidaalka iyo macdanaha ee isagoo shirkad aad u wayn oo ku taala maraykan kana qaadan jiray mushahar dhan 50,000 DOLLAR,kana doortay inuu wadankiisa hooyo ka haqab jiro dhinaca biyaha,macdanta iyo shidaalka waa wasiirka macdanta iyo biyaha DR:XUSEEN CABDI DUCAALE Waxaa kaloo soo labeeya halyeeyga wayn ee qaaliga ah MUDANE MAXAMED XAASHI CILMI oo ka dhab sheegay dhaartii lagu dhaariyey oo sameeyey waxyaalo layaab leh Oo qof allaah u naxariistay mooyaane aanu qof kale samayn karin Mudan maxamed xaashi cilmi waxaa wasaaradda maaliyadda loo dhiibay yadoo khasnaduhu isgaraacayaan Oo khasnadiina ay ooyayso,kana ooyayso masuulkaas dhan ee la lu,gooyey ee meel la fadhataystay loo dhiibay xaalkiisu wuxuu noqon doono,allaah{swt} wuu ku asturay
Mudane maxamed xaashi cilmi xilkii wasiirnimo ee uu umadda ugu dhaartay,wuxuuna sameeyay dakhli ururin la yaableh wuxuuna kaga dhabeeyey in shaqaalihii iyo ciidamaddii Qaranka oo muddo shan bilood mushar la siin inuu farta ka saaro mushaharkooda,wuxuu kaloo sameeyey lacagtii guumbarta ee burco oo bedelaadiisa uu sabab u ahaa, Sideedaba m/waynuhu marka uu dad nadiifa doorto oo xilka sidii la rabay ay uga soo baxaan amaanta wuu la leeyahay laakiin wuxuu isagu gaar u leeyahay maaha. Ninkastaba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira waa laga yaabaa wasiiro kale oo miisaan shacabkooda ku leh oo waxqabad dhab ah sameeyey sida wasiir AXMED CABDI XAABSADE Wasiir C/RIZAAQ KHALIIF AXMED,WASIIR CABDI AW DAAHIR,WASIIR C/CAZIIZ SAMAALE,WASIIR MAXAMED CARAALE NUUR{DUUR},WASIIR FAARAX GEEDEEYE,IYO WASIIRO Kale oo sharaxaadoodu ii saamaxayn,haddaba waxqabadka xukuumadda ee intii ay laba sano jirsatay inkastoo aanay gaadhin wax qabad la taaban karo sida boorama,saylac, Berbera,Burco,laas-caanood,iyo Ceerigaabo oo la odhan karo M/waynuhu muu hagranee waxaa dib u dhigay wasiiradda oo soomaaliland u yaqaana xaafadaha ay ka soo Toosaan,Waxaa m/waynaha jamhuuriyadda soomaaliland la gudboon mar haddii laba sano ku dhamaadeen oo gobolada iyo hargaysa badankeeda ay u arkaan laba sano Sano oo khasaare ugu filan,habar roob lehay ayaa waxaa laga hayaa daad walalac yada oo uu dugeedii helay waa laga yaabaa qayb yar oo hargaysa ka midi inay ka Xanaaqaan labadaas sano ee 2% noqonaysa waxqabadkii xukuumadda,mudane m/wayne waxaan kugula talinayaa warqadda laguu daabacayo ee lagaaga dhigayo labo sano OO guul ku dhamaaday oo ay ku odhanayaan been ma sheegayaashu waxqabadkii xukuumaddu wuxuu noqday 85% iska hubi oo wasiiro fara badan ayaan beeshooda dhex tegi Karin oo haddii ay tagaana maryo dhiigle ay kala furanayan,wasiiradana ugumaad talo gelin inay iska dhex fadhiyaan hargaysa balse waxaad ugu talo gashay in wasiirka iyo BEESHIISU iyo gobolka u metelo ay yihiin kuwo aanay fiintu dhexmiranayn waxqabad dhab ahna ka hirgelin kara haddii ay noqon lahayd biyo la,aanta gobolada,dhaamam la,aanta Waxbarashada,Caafimaadka,Beeraha,iyo Garoomadda dayuuradaha oo ah kuwo ka wada siman casriyeeyntooda iyo KM-kooda,Mudane M/wayne waa inaad ku dadaashid Sadexda sano sidii goboladas dayacayn waxqabad cadaalad ku dhisan ugu samayn lahayd,waana inaad samaysid isku shaandhayn xoogleh oo wasiiradda kuwooda aan beeshooda Kalsooni iyo cod ku lahayn aad daaqadda ka saartid kuna bedeshid wasiiro miisaan leh sababtoo ah waxaad soomaaliland u furtay wada hadal aad iyo aad u qaaliya oo ah Fursad mustaqbalka horseedi karta aqoonsi caalamiya,waana inaad ku dadaashid sidii aad u soo afjari lahayd colaadaas ka jirta buuhoodle iyo taleex loona heli lahaa ummad Isku hadaf ah kuna walaaloobay diinta islaamka,dhiig,dhalasho iyo qadiyadda soomaaliland waxaa markhaati ma doona in la gaadhi karo himiladda aad hiigsanaysid ee ah Dal isu furan bari iyo galbeed,bad iyo beri kana wada dhexeeyeen calan,lacag,manhaj waxbarasho,caafimaad,wadooyin,ganacsi iwm.
Mudane m/wayne waa inaad samaysatid laba agaasime madaxtooyo oo ah rag miisaan leh oo ehlu diina kana soo warama gobolada aad u igmatid xaaladooda sababtoo ah Haddii aad maayarada iyo badhasaabyada waraysatid xog dhab ah ku siin maayaan,wax kastana waa dhan yihiin ayey ku odhanayaan yaga oo eeganaya masaaliixdooda Agaasimayaashaasi waxay kala yihiin agaasimaha gobolada bari,iyo agaasimaha gobolada galbeedka,waana inay noqdaan kuwo aad soo xulatid laakiin aanay noqon kuwo Dilaaliin ku soo xulaan si lagaaga qariyo xaqiiqada jirta,agaasimayaashuna waa inay noqdaan kuwo awood buuxda leh oo u kuurgeli kara wasiirada waxqabadkooda iyo xog sugana Ka soo uruurin kara gobolkasta culimaaudiinkiisa, madaxdhaqameedkiisa, aqoonyahaynkiisa, siyaasiyiintiisa,ganacsatadiisa, dhalinyaradiisa iyo haweenkiisa.
Mudane M/wayne arrimahaas haddii aad ku dhaqaaqdid waxaa ku fududaanaya sadexda sano oo kuu noqonaya insha-allaah sadex sano oo ka waxqabad iyo dadaal badan labadan Sano ee xukuumaddaas u buuxsamay,waxaadna noqonaysaa M/waynihii koowaad ee dhab sheega kana gungaadha hadafkiisa.
Qalinkii:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood:
Hargeisa Somaliland Rep.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga