Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Fanaanka Caanka ah Ee CABDI SHIRE JAAMAC “CAYAAR- JECEL oo Doonayay in uu Kamid Noqdo Xildhibaanada Somalia oo Lagu Xiray Laaluush Xad Ka Bax ah Soona Saaray Cabshao(Akhriso)


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Anigoo ah: CABDI SHIRE JAAMAC “CAYAAR- JECEL” waxaan idiin soo gudbinayaa cabasho ka dhan ah NABADDOON XASAN CILMI JAAMAC

KU : Wasiirka arrimaha Gudaha ee DKMG  Soomalia                          0882012

KU: Gudigga farsamada xullitaanka xubnaha baarlamaanka

KU: UNPOS

Ku: AMISOM

KU: Guddigga Khilaafaadka


MARGIN: 0in 0in 16.2pt; BACKGROUND: white" class=ecxmsonospacing>Ku: Ugaaska Beesha Sade(mareexaan)

ku: Guddigga Duubabka Soomaaliyeed  

UJEEDDO: CABASHO LAALUUSH KU XIRAN XILDHIBAANIMADEYDA

Anigoo ah: CABDI SHIRE JAAMAC “CAYAAR- JECEL” waxaan idiin soo gudbinayaa cabasho ka dhan ah NABADDOON XASAN CILMI JAAMAC oo ka mid ah nabaddoonnada beesha Mareexaan, Wagardhac, ee soo xulaya xildhibaannada.

Cabashadayda oo ku salaysan in NABADDOON XASAN CILMI JAAMAC i weydiistay laaluush ah GURI IYO GAARI iyo in aan baxsho qarshka ku baxaya  nin xanuunsan oo isna  ka mid ah mudanayaasha u tartamaya xildhibaannimada. Shir ay yeesheen Ugaaska beesha Sade (Mareexaan)ee gobbollada dhexe ee Soomaaliya   , Ugaas Axmed Barre Cali (TAAKOOY), Nabaddoon Jaamac- Shire Xaashi Dhoorre iyo Nabaddoon Xasan Cilmi Jaamac, dabadeed waxaa la go’aamiyay in lix xubnood oo aan anigu ku jiro liiskooda la gudbiyo si ay uga mid noqdaan baarlamaanka.Waxaa kale oo intaas dheer in aan ka mid ahay labo xubnood ee uu Nabadoon Xasan Cilmi dhowr casho ka hor u soo gudbiyay Gudigga farsamada xullitaanka xubnaha baarlamaanka oo wali gacanta ku haya, ka dib markii uu khilaaf soo kale dhex-galay isaga iyo duubabka beesha sade.

Galabnimadii ay taariikhdu aheyd 07/08/2012 waxaa la ii soo gudbiyay Foomka codsiga XILDHIBAANNADA oo aan buuxshay, isla galabtaasna dib ugu diray Ugaas Axmed Taakooy.

Saacadu ka dib markii aan foomkii gudbiyay ayaa waxaan is maqalnay NABADDOON XASAN CILMI JAAMAC wuxuuna  i weydiistay inaan u iibsho gaari una dhiso guri (villa),anna waxaan ku iri: “Anigu xildhibaannimo ku gaddan maayo laaluush iyo qarash, arrin aan jid iyo xaq u leeyahayna u mari maayo musuq!”

Intaa ka dib, wuxuu ii sheegay inaan xildhibaannimadda weyn doono, haddaanan buuxin shuraadahaas.Intaas ka dib waxaa igu maqaalaa in uu la xiriiray Ugaas Taakooy  iyo Nabadoon Jaamac-shire kuna yiri waxbaa iska key badalay arrinta la xiriirta soo xulidda xubintii uga mid noqon laheyd jufada Wagardhaceed baarlamaanka.

UGU DAMBAYN, waxaan ka codsanayaa dhammaan hey’adaha kala duwan oo ay warqadaani ku socoto in ay arrintan  soo faragaliyaan kana qaadaan nabadoon Xasan Cilmi Jaamac talaabada ku haboon. Waxaa kale oo aan codsanayaa in guddi loo saaro go’aan ka gaarista  musharaxnimadeyda si cadaalada loo sugo. Waxaan diyaar u ahay in aan la tartamo qof kasta oo ka socda beesheyda.

TIXGALIN,

Cabdi Shire Jaamac.

__________________

Shire74@hotmail.com

002526142253

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.