Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco oo Kulan Aqooneed Ugu Qabatey Dadweynaha Reer Tog-Wajaale Barnaamij oo Qiima Badan oo Ku Wajahan Nadiifinta Biyaha iyo Fayadhowrka


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Tog-Wajaale(HWN)-Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco ayaa Magaalada Tog-Wajaale ka furtey Kulan Aqooneed

Tog-Wajaale(HWN)-Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco ayaa Magaalada Tog-Wajaale ka furtey Kulan Aqooneed, ay kasoo qeyb galeen Guud ahaanba qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaankaasi , kulankaas ahaa Barnaamij aad u qiima badan oo ku wajahan Nadiifinta Biyaha iyo Faya-dhowrka Guud oo lagu qabtey huteelka Centaral ee Magaalada Tog-Wajaale.

Barnaamij Aqooneedkan oo Socon doona mudo shan Maalmood ah islamarkaana ah Barnaamij aad u qwiima badan oo ay Bulshada kunool Magaalada Tog-Wajaale kaga faa,idaysaneyso nidaam farsamo ahaana oo lagu nadiifinayo Biyaha Wasakheysan ee Baliyada ee ay

wakhtiga Xaadirka ah isticmaalaan dadweynaha kunool Magaalada Tog-Wajaale oo ay Hay,ada Wadaniga a ee Havayoco ugu qabatey halkaasi waxa kasoo qeyb Guud ahaanba ururada Bulshada iyo Laamaha Xukuumada ee Degmada Tog-Wajaale.

Furitaankii kulan Aqooneedkan waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo soo dhaweeyay Barnaamijkan Ururada Wadaniga ah ee Havayoco ka hirgalinayso Degmada Tog-Wajaale islamarkaana, ujeedadiisu la xidhiidho nadiifinta Biyaha Wasakheysan oo Degmada Tog-Wajaale muhiimad gaar ah ugu fadhida.

“Magaaladeenani malaha ceel biyood iyo qasabado laakiin waxa aqlabiyada Bulshadu ka cabataa waa Baliaydaasi markaa waxaa la inooga baahan yahey in aynu ka Faa,ideysano Barnaamijkan qiimaha leh ee Hay,ada Havayoco inoo wado oo ku sahabsan sidii looga faa,ideysan lahaa kulankan la iskagana ilaalin lahaa waskhda Biyaha waan soo dhaweyneynaa idinkana waxaan idinku dardaarayaa inaad ka faa,ideysataan deegaankana uga faa,ideysaan”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi.

Ibraahim Xariir Diiriye oo kamid ah Saraakiisha Hay,ada wadaniga ah HAVAYOCO ee kulankan hogaaminayay oo isagu faafaahin ka bixiyay nuxurka ujeedada kulankan ayaa carabka ku dhufteyin Barnaamijkani yahey mid qiima u leh Bulshada Tog-Wajaale islamarkaana lagu sifeynayo Biyaha waskhda ah ee baliyada ee ay dadku cabaan iyadoo la isticmaalayo waxyaabo muhiim ah oo ka koban qalab daawo, iyo weel kadibana daqiiqado gudahood lagu nadiifinayo Biyihii sidaa daraadeedna looga baahan yahey in ay kasoo qerb galyaashu ka faa,isdeystaan mudada kulan aqooneedkani socdo , waxaanu Ibraahim Xariir xusey in ay Barnaamijkan iska kaashadeen Ha.yda Wadaniga ah Havayoco iyo Ha,ayada Unicef , waxa kale oo uu hoosta ka xariiqey In ay wadaan Barnaamijkan isagoo farsamo dhaqameed ah oo ay Bulshadu hogaaminayso waxaanu ku laqimay in ujeedadiisu guud ahaanba tahey in la hormariyo fahamkadadweynaha ee isticmaalka biyaha iyo sifeynta Biyahaba.

Waxa kale oo isaguna kulankan Aqooneedkan sifeynta Biyaha ah ka hadley Dr Maxamed Yuusuf Aadan oo katirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland qeybta fayodhowrka waxaanu xusey drku in xanuunada laga qaado biyihu ay cudurada ugu badan boqolkiiba sideetan waxaanu carabka ku adkeeyay xanuunada shubanku yihiin kuwa ugu horeeya ee ay keenaan Wasakhda Biyihu waxaanu sheegay in ay talaabadani kulanakn loo qabanayo islamarkaana ay Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco sida gaarka ah ugu keentay dadweynaha Reer Tog-Wajaale tahey mid boqolkiiba boqol difaac u ah wasakhda Biyaha dadweynuhuna kaga nabed gelayaan guud ahaan khataraha cudurada ay sababaan Biyaha wasakhda lihi .

Waa markii u horeysay ee Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco ka fuliso Tog-Wajaale Barnaamij noocan oo kale ah iyadoo inta badan hore uga fulin jirtey Mnashaariic kale oo ay kamid yihiin wacyigalinta Hiv/Aids iyo mowduucyo kale sida xoolaha iyo Beeraha haseyeeshee, dhamaan kasoo qeyb galayaashii kulankan ayaa siweyn usoo dhaweeyay tijaabadii u horeysay ee shaley lagu fuliyay Barnaamijkan Hay,ada Havayoco u wado dadweynaha Reer Tog-Wajaale.

Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan

Hadhwanaagnews /office Gabiley

Hiiraan2007@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.