Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Iskuulkii Loogu Magac daray Abwaan Hadraawi Oo Dhismihiisii Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Magaalada Hargeysa


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Hargeysa (HWN):- Iskuulkii uugu baaxada weynaa ayaa waxaa laga bilaabay dhismihiisa Waaxda gacan libaax ee Magaalada Hargeisa gaar ahaan Xaafada Daami,

Hargeysa (HWN):- Iskuulkii uugu baaxada weynaa ayaa waxaa laga bilaabay dhismihiisa Waaxda gacan libaax ee Magaalada Hargeisa gaar ahaan Xaafada Daami, Iskuulkan ayaa waxaa loogu Magaca daray Abwaanka weyn ee caanka ka ah Dhulalka Somalida Abwaan Max,ed Ibrahim Warsame (Hadrawi) Hirgalinta iyo Hindisaha Iskuulkan ayaa waxaa iska laheyd Maskaxdeedana ay ka soo baxday Fannaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise Botan, kadib markii in badan ay qurbaha uuga ololeynaysay hirgalinta


Iskuulka
n,

 

Iskuulkan ayaa noqon doona kii uugu horeeyey ee laga dhiso Xaafada daami isaga oo ah Dugsi sare, Xaafada Daami ayaa waxa ka yaala Hal Dugsi Hoose dhexe kaas oo ka tirsan dugsiyada ay dawladu maamusho marka laga imaada Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

 

Haddaba waxaa shalay si rasmi ah loo bilaabay Dusigan sare ee (Hadraawi Secondary Shool) kaas oo ay bilaabeen Guddida Iskuulkaas oo isugu jira Boqorro, Salaadiin, Aqoonyahanno, Culimo, Maamulka Xaafada, Masuuliyiin ka tirsan Xukumada.

 

Waxaa ugu horeyn hadal kooban Madasha ka soo jeediyey Gudoomiyaha Guddidaas Suldaan Daakir Xassan Khaliif kaas oo ka waramay mudadii hakadku galay hirgalinta iskuulka iyo sababihii keenay in Iskuulka hore loo bilaabi waayo, waxaanu yidhi Suldaanku: Maanta oo Ramadaan ah waxaanu aad iyo aad uugu mahadcelinaynaa Alle scw iyo Shacabka reer Somaliland, Xukumada gaar ahaan Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada, Barkhad Jama Wasaarada Waxbarasada, Dawlada Hoose oo gacan weyn naga siiyey dhismaha iskuulka dhinaca farasada iyo sugidda hanaan socodka shaqada.

Waxaanan aad u amaanayaa dhamaan umada Reer Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan Masuuliyada ay iska saareen Iskuulkan darteed.  waxaana uugu bishaareynayaa inuu Iskuulkii bilaabmay oo maanta ay farxadweyn noo tahay,

Dhinaca kale waxaa iyaguna Madasha ka hadlay Aqoonyahan Xassan Sheikh oo kamid ah Masuuliyiinta Xaafada kaas oo isagu horeyna u dhisay Dugsiga Hoose ee Daami, waxaanu Sheegay sida ay uugu faraxsan yihiin Deegaan ahaan Dhismaha Dugsigan Sare kaas oo ah kii kobaad ee laga hirgaliyo Xaafada Daami.

 

Boqor Axmed Ugaas Iman ayaa waxaa uu isna dhinaciisa uugu baaqay Bulshada Somaliland iney hiil iyo hooba la garab istaagaan Iskuulkan.

Ugu danbeyntiina waxaa Madasha ka hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Mudane: Barkhad Jama Hirsi waxaanu sheegay sida ay xukumad ahaan uuga go,an tahay daryeelida bulshada deegaankan isagoo Tusaalayaal u soo qaatey iney tiraba laba jeer imaadeen M/kuxigeenka oo dhagax dhigay dhismaha wadada daami Iyo Marwada Madaxweynaha oo iyaduna deeqo raashin ah keentay Xaafada, waxaanu si gaar ah u xusay waxqabadka xukumada ee dhinaca Tacliinta Bulshada deegankan Daami, ugu danebeyntiina waxaa uu u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka aheyd hirgalinta Iskuulka Xaafada isagoo si gaar ahna u xusay Fannaanada Maryan Mursal Cise oo uu ku tilmaamay qof qabtay wax qiimo weyn u leh Bulshada Xaafada.

 

Hadhwanaagenws/Office
Hargeysa, Somaliland.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.