yeedhay garoonka waxaa uu degay qalbigiisa.
Waxaa xasuus mudan saacaddaa muuqaalka Mo Faarax oo hagoogtay Calanka Boqortooyada, isla markaana, taageersanayay marwadiisa, Tania, oo u dhalatay Ingiriiska. Xilligaa waxaa hareeta ka joogtay gabadha yar, 6 jir, Rhianna, ee ay dhashay ooridiisu. Waxaa hubaal ah, guud ahaan Tartanka Ciyaaraha London Olymp 2012 iyo muqaalka aan soo sheegnay in ay ladh ku kicin karaan dhallinyarta hanka leh marka ay ogaadeen halka uu ka soo kicitimay Mo Faarax iyo maqaamka uu maanta taagan yahay. Haa adiguna waa aad yeeli kartaa.
Mo yaraantiisii waxaa uu ku soo koray degmada Feltham ee Galbeedka London, halkaas oo degaan u ah dadka caddaanka degel fadhiga ah, waxaa uu had iyo jeer ka biyo diidi jiray loollanka iyo ismaandhaafka ka taagan dhaqamada kala duwan arrintaas oo u soo jidi jirtay dirir gacan-ka-hadal ah.
Sida uu sheegay, Alan Walkinson, macallinkiisii Jimicsiga, Mo dhowr maalmood ayaa iskuulka laga eryay ka dib markii uu dagaalamay isagaa oo digniin hore qabay. Waxaa uu la soo kacaamay bulshada Somaaliyeed oo markaas aad u tira yaraa. Inta aanu afka baran, waxaa uu ku jiray difaac. Mararka qaarkood dagaal ayuu ka kicin jiray dugsiga uu wax ka barto Feltham Community School. Sidaa waxa yidhi macallinkiisii hore.
Wax badan oo ay u muuqatay in dugsiga laga eryo, waxaa mar kasta ku hagoogan jiray macallinkiisa Jimisciga (PE) Mr. Walkinson kaas oo dareensanaa in Mo uu hibo u leeyahay ciyaaraha. Haddii aanu arrinku sidaa u dhicin, ma dhacdeen in heeska calanka Britain laga tumo garoonka iyo in dalka Britain ay u soo hoyoto Billadda Dahabka ee 10,000 Meter.
Guul: Mo Faarax, oo iska reebay orodyahannada Tariku Bekele, Ethiopia, iyo Galen Rupp, USA tartankii kama danbaysta ahaa ee raga, 10,000-metre, halkaas oo uu ku qaaday Billadda Dahabka ah.
Mo Faarax waxaa uu 1983 ku dhshay degaanka Arabsiyo, Gabiilay ee Somaaliland. Aabahiis Mukhtar waxaa uu degenaa carriga Hingiriiska, hase ahaatee, waxaa uu hoyadiis ka soo guursaday dalka gudahiisa. Halkaas ayuu Mo ku dhashay waxaana uu ku soo barbaary yaraantiisii in uu ku cararo dhul buuralay ah oo jooggiisu dhan yahay 4,000ft. Halkaa waxaa laga garan karaa awoodda sambabadiisa eek u soo tababartay degaankaas.
Markii ay dadiisu 7 ahayd, waxaa loo qaaday dalka Djibouti si uu u la noolaado qarabadiisa, isla markaan looga dheereeyo colaada ka taagnayd dalkiisa. Mo markaas waxaa lagu naanaysi jiray Bine Bine; iyada oo loogu magic daray filim qosol ah oo uu aad u jeclaa.
La Soco Qaybta 2aad
 |
|
Qalinkii: Xasan Cumar Hoorri hassanhorri@hotmail.com Hargeysa, Somaliland |