Kooxda Kubadda Cagta ee ku Ciyaareysay Saylada ayaa maanta hal iyo eber kaga badisay Kooxda Horyaal, kadib markii galabta Ciyaar aad u qurux badan ku dhex martey Garoonka kubadda Cagta ee ee Maxamed Mooge.
Ciyaartan dhexmartey labada Kooxood ee ku kala Saylada iyo Horyaal oo ka mid ahayd tartanka bisha ramadaan ka socda garoonkaasi. Ayaa ahayd Ciyaar aad u xiisa badan oo dadweynihii daawanayey soo jiidatay, kadib markii koox waliba soo bandhigtey Ciyaar aad u qurux badan.
border=1 cellSpacing=0 cellPadding=0 width=100 align=center>
 |
|
Ciyaartan oo ay dawashadeeda ka soo qeybgaleen Gudoomiye kuxigeenka Ururka RAYS Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), iyo Xildhibanada Ururkaasi uga qeybgelaya tartanka doorashada golayaasha Deegaanka oo kala ahaa Sakariye Cabdi Sulub, Ilhaan Xassan Cali, Xasan Saleebaan, iyo Maxamed Muuse, waxaanay ciyaartaasi ku bilaabantey jewi qurux badan oo dadweynihii dawanayey soo jiidatey,taas oo koox waliba dardar la soo gashay garoonka, oo ay ciyaartu ahayd weerar iyo weerar-celis ayaa markii ay Ciyaartu socotey rubuc ayaa waxa goolkii 1aad keenay kooxda Saylada, qeybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhamaatey hal iyo eber.
Markii la isugu soo noqday qeybtii labaad ee Ciyaarta oo koox waliba dardar kula soo noqotey garoonka,Inkasta kooxda ku Ciyaareysay magaca Horyaal ay soo bandhigtey Ciyaar qurux badan waxay iska lumisay fursado badan oo ay heleen. Waxaanay Ciyaartii ku dhamaatey hal gool oo ay heshay Kooxda ku Ciyaareysay Saylada, halka kooxda kale ee ku ciyaareysay Horyaal aanay wax gool ah keenin.
Ciyaartan oo ka mid ah tartanka bisha ramadaan ka socda garoonka kubadda Cagta ee Maxamed Mooge ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa maalgeliyey oo dhigay koobkaasi Urur-Siyaasadeedka RAYS, oo ku tilmaamay inay koobkan u dhigeen sidii dhalinyarada looga ilaalin lahaa inay bartaan balwadaha, isla markaana Ciyaaraan Kubadda cagta.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland