Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Guul daradu waa sirta guusha by MUUSE MUSTAFE ISMAIL


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 11, 2012
Marka hore alle ayaa mahad mudan naxariis iyo nabad galyo kor kiisa ha ahaato rasuulkii alle iyo intii ku raacday xaqii lala soo

Marka hore alle ayaa mahad mudan naxariis  iyo nabad galyo kor kiisa ha ahaato  rasuulkii alle iyo intii ku raacday xaqii lala soo diray salaam kadib .waxaan qalinka u qaatay in aan wax ka yara taabto guuldarada iyo inta ay u jirto guusha, guusha iyo guul daradu waa laba shay oo is daba jooga  inta badan guul daradu  maha wax joogta ah oo uu qofku ku nagaado balse waa shay la soo darsa qofka marka uu ku guda jiro himilo uu is leeyey xaqiiji .



size=4 face=Calibri> 

Guul daradu  waa shay laga soo kaban karo sida  jabniinka oo kale  waxayna   salka ku haysaa qalad   uu qofku sameyey kaas o o ku qotoma qorshe la.aan iyo  aqoon la.aan ama xirfad daro qofka haleesha waxa hubaal ah qofkasta oo raadinaya guul in uu la kulmayo caqabado kala Gadisan kuwaas oo ka hooreya himilida iyo guusha uu u oomanyahay  iyada oo loo bahanyey in  dhexda loo xidho loona dhabar adaygo sidii looga Dabaalanlahaa caqabadahaas kala duwan loogana  dhabayn lahaa himilida  guusha

 

Guuldaradu  waxa ay bani aadamka u horseedaa in  uu baadho kadibna daraseeyo sababihii dhaliyey guul darada iyo mawjadihii uu la kulmay mudadii uu ku guda jiraay halganka guusha .Taas oo qofka  u sahlaysa in uu ka weecdo tubtii uu u marayey guusha kuna baydho toobiyaha toosan halkaasna waxaynu ka ogaan Karnaa in guuldaradu laga dhaxlo khibrad iyo waayo aragnimo.kugu hagta dhabaha guusha .

Waxaynu inta badan  awoodeena usigu Gaynaa sidii aynu u qarin lahayn Guuldarada ina lasoo darista balse caqabad wayn ayey ku tahay ka midho dhalinta Himilida iyo toosinta Nafta iyo  in Daaha laga rogo oo laga Gun gaadho wixii sababey Guuldarada Ma jirto himilo aan Lahayn adaygeeda iyo duruufteda  Balse hadii aad Doonayso sii wadida iyo ka midho dhalinta Hadafkaga  waa in aad noloshada u Diyaarisaa sidii ay uga hortagi lahayd mawjadaha guul darada .

Hadii aynu yara milicsano tariikhdii iyo waayihii ay soomareen madaxdii hore iyo kuwii dunida wax kusoo karodhiyey waxaynu arkaynaa in dhamaantood ay wada fashilmeen, marar badan balse ayna quusan ilaa ay ka gaadheen Himilidii ay inta badan daba joogeen.waxaynu tusaale u soo qadan karnaa .

Abraham Lincoln oo  ahaa madaxwaynihii lix iyo tobnaad ee maraykanka laguna  tiriyo   madaxwaynayashii ugu fiicnaa ee soo maraa aqalka cad ee looga arimiyo maraykanka, Mudo ku dhawaad sagaal iyo labaatan (29) sano ayuu Guul daro ku dhex jiray isaga oo aan marnaba quusan ilaa uu ka gaadhay riyadiisii .waxaynu ka halkaas  ka dheehan karnaa in Abraham ka faidaystay waayo aragnimdii uu ku soo caano maalay mudidii uu wadaha ka ahaa tareenka guul darada isaga oo ka hadlaya guuldarada waxa uu yidhi ((MA GUULDARAYSANAYSID HADII ANAD KA HADHIN HIMILADADA AMA WAXA AAD WADO)) .

 

Hadaba guul  darada ugu xumi waxa ay  tahay marka aad rajo beesho  taas oo ku dhaxal siisa  in aanad waligaa gaadhin hadafka aad hiigsanayso sidaa awgeed guul daradu waa salaanka loo koro guusha  Guntii iyo gabo gabadii waxaan maqaalkan ku soo koobayaa ((GUUL DARADU WAA SIRKA GUUSHA.WAANA SIRTA NOLOSHA ))

 

Alla mahad mudan

Qalinkii / MUUSE MUSTAFE ISMAIL           

Aqoon_2015@live.com

SUDAN - KHARTOUM


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.