Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qurba Jooga Reer Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Oo Kulan Casho Sharaf Ah Isku Arkay Hotel Summer Time Ee Magaalada Hargeysa+Daawo Sawirada.


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 11, 2012
Hargeysa(HWN):-qurba jooga reer Somaliland ee ku sugan dalka gudihiisa ayaa habeenkii xalay kulan casho sharaf ah ku yeeshay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-qurba jooga reer Somaliland ee ku sugan dalka gudihiisa ayaa habeenkii xalay kulan casho sharaf ah ku yeeshay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Kulankan casho sharafta ah oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Hotel Sumar Time ee magaalada Hargeysa ayaa  qurba jooga Somaliland kaga wada hadlayeen xaalada uu haatan ku sugan yahay dalku ayaa waxay si wayn u soo dhaweeyeen horu marka uu dalka ku talaabsaday mudadii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay wixii laysku odhan jiray Somaliya.

115%; FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt">Fanaanada caanka ah ee Sahra Halgan oo ka mid ahayd dadkii sida weyn uga dhex muuqday kulankan casho sharafta ah ee maamulka Hotel Sumar Time u sameeyey dadka qurba jooga ah ee ku sugan dalka gudihis oo ka hadashay kulankan  casho sharafta ah ee ay isku arkeen qurba jooga reer Somaliland ee haatan ku sugan dalka ayaa waxay u soo jeedisay dadka qurba jooga ah ee haatan ku sugan dalku inay maskaxda ku hayaan halgankii iyo dhibaatadii loo soo maray xoriyada ay maanta haystaan shacabka Somaliland iyada oo u soo jeedisay dadka qurba jooga ah inay caruurta ku barbaariyaan taariikhda halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray xoriyada Somaliland.
Sidoo kale dadka qurba jooga ah ee ku sugan dalka gudihiisa isla markaana ka soo xaadiray kulankan casho sharafta ah ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen horu  marka uu dalku ku talaabsaday waxaanay ugu baaqeen shacabka Somaliland inay halkaa ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan horu marka dalka.
Wakhtiyadan oo kale ayaa sanad kasta waxa dalka yimaada dadka qurba jooga ah eek u dhaqan wadamada dibada kuwaas oo soo booqda  dalkooda Hooyo isla markaana garab istaaga horu marka uu dalku sanad kasta ku talaabsado iyada oo qurba jooga Somaliland ay kaalin muuqata kaga jiraan horu marka dalka.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.