Gobolka iyo kuxigeenkiisa iyo weliba Xoghayaha Dawladda hoose ayaa warbaaahinta la hadlay, waxayna Sheegeen in Safarkii ay Markii hore halkan ku mareen ay ku soo noqdeen isla markaasna uu guul ahaa safarkaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo warbaahinta la hadlay wuxu sheegay in shuruudihii ay bulshada deegaanka Buuhoodle u arkayeen in ay nabadda soo celin karto ay fuliyeen isla markaasna ay xukuumadda ka goantahay inay deegaankaas buuhoodle ka dhaliso nabadgelyo waarta.
Hogaamiye saleban ciise Axmed Xaglatoosiye oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda shuruudihii ay u soo bandhigeen oo dhan ay fulisay, waxaanu uga mahadnaqay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo sida wanaagsan ee geesinimada leh ee ay u fulisay shuruudihi nabaddu ku xidhnayd oo dhan.
Mar la waydiiyey tirada maxaabiista loo soo daayey ee ay wataan wuxu sheegay in 68 Maxbuus oo ka xidhnaa deegaanka Buuhoodle, sidoo kale wuxu xusay in Ciidankii Cidhiidhiga geliyey Nabadgelyada Buuhoodle Dib looga soo qaaday isla markaasna Shacabka deegaankaasi ay aad u soo dhoweeyeen.
Mr. Xaglatoosiye wuxu rajo fiican ka muujiyey nabad ay qaataan shacabka deegaanadaasi, wuxuuna sheegay in taladu ay ka go´do shacabka Buuhoodle isla markaasna ay imminka u muuqatay Rajo fiican shacab deegankas wuxu sidoo kale sheegay in soo dhoweyn ballaadhan uu ka rajeynayo shacabka Buuhoodle isla markaasna ay u diyaar garoobayeen illaa maanta sidii loo soo dhoweyn lahaa weftiga aan hogaaminayo ayuu yidhi.
Gebogabadii waxa la filayaa in weftigani ay berri u jarmaadi doonaan dhinacaas iyo deegaanka Qorulugud, Una sheegi doonaan cid kasta oo nabadda diidanayd in Wax waliba nabad gelyo ku soo dhammaadeen wax dhiig ah oo danbena aanu daadan, dagaal danbena aanu dhici Doonin.
Mustafa Cismaaan Cabdiraxmaan Mustafa Teacher
Hadhwanaagnews/ Office Burco