Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Oo Faahfaahiyey Qodobo Nabad Lagu Gaadhayo Oo Ay La Galeen Xaglo-toosiye


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 11, 2012
“Wax la dadajiyo nabad-baa ugu fiican. Runta markaan kuu sheego soo qaaditaanka iyo farsamadda iyo sida meesha looga soo guurayo nidaam millitir ayay iska leedahay oo hawshii ayaa la guddo galayaa oo la waddaa mooyaane hawl"Wasiir Cadami

Hargeysa (HWN)- “Waxaanu ku faraxsan nahay in wada hadaladan maalmahan socday waa mid mugle oo maalmahan laga shaqaynayey oo nasiib wanaag hadda hirgalay oo bilowgiisii si fiican u bilaabmay weeyaan.Waayo wax kastaaba ififaalo ayay leeyihiin colaadunna ififaallo ayay leedahay nabadunna ififaalo ayay leedahay, waxaan maanta muuqda ififaalihii nabadda ayaa bilaabmay,”Sidaa waxa yidhi  Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka hadlayey qodobo uu sheegay in xal nabadeed lagu gaadhi karo oo ay la gaadheen Weftigii uu Hoggaaminayay Saleebaan Xaglo-toosiye, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Sool joogto dib looga soo qaado aagaasi iyo in la

sii daayo maxaabiistii kooxaha nabad diidka ah lagaga qabtay dagaaladii ka dhacay jiidaas.

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumaddu ay aqbashay in ciidanka qaranka ee ku sugan Sool joogto dib loo soo qaado, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Weftigii Buuhoodle ka yimi ee tiradda badnaa oo ay hoggaaminayeen madax-dhaqameedka iyo siyaasiggooda. Dabadeedna si fiican ayaa wixii ay la yimaadeen oo nabad lagu gaadhi karo iyadda oo aan la sii jiid-jiidin waa la isku ogaaladay, waanna labadii qodob ee nabadda ee in badan la odhan jiray iyaga ayaa hortaagan oo waatii soo qaadista ciidanka ee Sool-joogto laga soo qaado oo la keenno aagga sowkee ee ilaa iyo Qori-lugud loo soo qaado waa qodob xaasaasiya oo laga heshiiyey weeyaan.”

“Waxa kale oo isagunna muhiim ah dadkii lagu qabtay xilligii dagaalku dhacay oo iyagunna markaa gacanta lagu hayo oo jeelasha ku jira iyagana waa la ogolaaday sii dayntooda oo wixii farsamo ahna dawladda Somaliland ayaa dhammaynaysa,”ayuu yidhi Md. Axmed X. Cali Cadami. oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidanka qaranka dib looga soo qaadayo jiidoodii hore ee sool-Joogto maalinta Axadda ee bari, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Wax la dadajiyo nabad-baa ugu fiican. Runta markaan kuu sheego soo qaaditaanka iyo farsamadda iyo sida meesha looga soo guurayo nidaam millitir ayay iska leedahay oo hawshii ayaa la guddo galayaa oo la waddaa mooyaane hawl galka ka soo dhamaatay ma jirto, laakiin Axadda ayaa loo qabtay in la soo qaado ciidaanka.”

 “Haddii nalagu ammaanayo iyo haddii kaleba waxaanu ku bedelanay Nabad.” Ayuu yidhi  Wasiirka Gaashaan-dhiga oo la weydiiyay waxa Somaliland ku bedelanayso heshiiskan ay la gashay Saleebaan Xaglo Toosiye waxa uu ku jawaabay

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.