salaam calaykum ramadan kariim dhaman dadyawga Islam ah, waxay Haydn 19 June 2012 malintii aan kasoo baxay madarka berbera international airport, waxaan ukicitimay xaggaa iyo dhankaas iskutaga gobolada midoobay ee carabta ama UAE ninba sida uu uyaqaano oo aan magaalo madaxdeeda dubei aan kusii nagaaday qadar 12saac ah anigoo usii jeeda dhinaca midka mid aha casimadaha ugu horumarsan qaarada asia ama AASIYA waa magaalo madaxda malaysiya ee KUALALAMBUR.
horaa loo yidhi nimaan dhulmarin dhaayo la,aa waxaan xasuustay hadalkii ilahay ee ahaa (qul siiruu fil ardi fanduruu kayfa kaana caaqibatul ladiina min qablikum) markaad dhul martaba waxaad lakulmaysaa waxyaabo badan
oo awoodaha ilaahay kutusinaayasida bad wabiyo iyo buura dhadher iyo cimilooyin kala duwan.
hadaan usoo dhadhaco dulucda maqaalkaygan waxaan hawada kusii jirnay ugu yaraan lixsacadood markii aanu kadegnay kuala lambur international airport qof waliba waxa uu aaday meeshii passporada iyo sharcigaad dalka kugalayso lagu hubinaayay dabcan aniga iyo dhawr qof oo kale manan haysan wax fiisa ah ama ogolansho markaa waxaa lanoo diray imigrationka ama waaxda socdaalka halkaas waxaa lanagu waydiiyay su,aalo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen xagaanu kanimid iyo waxaanu usocono dhamantayo waxaanu sheegaynay inaanu nahay dalxiisayaal raba inaanu joogno muddo hal bil ah waxaa lanaga codsaday inaanu tusno haddii aanu wax kharash ah sidano waayo qofka dalxiiska ahi dee waa inuu lacag sitaa oo dalka wax soo galiyaa intaa markaanu dhamaynay ayaa fiisihii hal bil lanoogu dhuftay sidaa saanu magaalada kugalnay ninba ceesaantii celkeentaye markii aanu iswaraysanay intayadii wadda socotay waxay nin walba ujeedadiisu noqotay caafimaad iyo inuu dhakhter uyimid halkan,
markii naanu malin joognay nin waliba waxa uu uhawlgalay siduu hawshiisa ubilaaban lahaa oo dhakhterkuu ubaahnaa ula kulmi lahaa markaad dhakhter u baahato waxaad ku khasban tahay inaad kaxaysato qof meesha kala yaqaana oo muddo joogay amaba waxay dadka qaarkood ubaahanayaan turjuman ileen dadkeenu luuqada englishka badankoodu mayaqanan ama madaneeyanba oo iskuma dhiban inay bartan lakin mantoo kalaa loo baahanyahay dani iskuma kaa sheegto oo waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo, waxaa jirtay islan halkan timid oo dhakhter doonaysay ayaa waxay wayday wax somali ku hadlayaba markasay tidhi hooyo ilen aflaga tagay ayaynu ku hadalnaa dabcan lagama tagin oo afkeenu waa hodan lkn waxay ujeedadu tahay dadkuba iyagoo afkooda ku hadlaaya ayay hadana bartaan luuqadaha caalamiga ah sida englishka oo kale. aan usoo noqono mawduuceenii qofkaa lakaxaysanayo sida badan waa inamo halkan uyimid waxbarasho iyo qar dhoof doon ah oo buufis galay oo UNTa kadiwaan gashan in laqaadana sugaaya hadaba ileen dadka ilaahay masinee oo waa sidaa faraheena oo kalee dadkaa waxaa kamida qaar aad is odhanayso malaha somali maha kuwani naxariis darnidooda mararka qaar waxaa lay sheegay in ay sameyan waxaad kanaxayso oo qof damiir islamnimo lihi kafogaado waxay laheshinayan dhakhterkii ay bukan ugeeyeen oo waxay odhanayaan matalan hadii qofkan operation lagu sameeyo ama qalin oo kharashkiisu noqdaan 35,000 oo dooler waxaad kaqaadaa 40,000 oo dooler waayo waanu kusoo heshiinay markaa qofkii oo markii horaba dhibanaa ayaa hadana budhcad dhakhtareed kudhacday waxaas oo dhan waxaa kasii daran wadanku waa wadan nidaamle oo matalan xagga dhakhaatiirta haddii baaqi kugu hadho sida badan somalidaa way aamini jireen oo dee dadka somalida ah sida badan waxbaa loo soo diraa markaad balan qabsato oo lasoo fasixi jiray oo dhakhterka ayuu kasoo bixi jiray hadda se taasi majirto sababtoo ah qaar badan oo turjumantii bukanka iyo dhakhterka u dhaxaysay ayaa lacagtii qofkiina kaqaaday dhakhtrkiina aan siin taasina waxay albabkii aaminaada kaxidhay somalidii marka lacagtu kago,do lagu sii lahaan jiray oo hadda haday lacagtu kaa dhamato waa calayhaa intaa iyo in kaloo badan ayaa halkan kajirta ee ninkii imanayaw hamoogaan
mohamed ibraahim mahamuud
kualalambur
mohamedmusse67@yahoo.com