Bulsho Weynta aduunka waxa Taariikhda ugu sugan in ay Xusaan oo ay Xasuusnadaan Dhacdooyinka Dagaal ee Taariikhda ku soo Maray.Waxa ay wadamadu isku amanaan hadba inta Dadka wadankaasi ay Xasuuusan yihiin wixii soo Maray iyo Raadkii taariikheed ee laga soo Gudbey.Kuwa aan ku tusaale qaadan wixii soo Maray,Bugaagtana ku dhigan,Isla markaasina aan ka Fogaan Dhibaatooyinkii ay ku soo Jabeen waxa lagu tilmaamaa kuwo aan ka faa,ideysan casharada Nolosha ama horumar aan ka sameyn karin.
Aduunyada dagaalo iyo dhibaatooyin ayaa soo maray,masiiboyin dabiici ah sida dufaano,daadad,dhul gariir iwm ayaa halakeeyey.Masiibooyinkaasi waxa ku naf waayey boqolaal iyo boqolaal kun oo qof bale Malayiin
ruux ayaa hal mar ku wada Geeriyoodey Masiibooyinkaasi dabiiciga ah.sidoo kale waxa aduunyada faro baas ku haya Dagaal la isku qaatay hub iyo sun kala duwan,Dagaal dulmi ah,Mid xornimo lagu raadinaayey oo Gumeysi lagula dagaalamay,Mid dhul boob iyo balaadhsi ku saleysnaa intuba wey soo dhaceen.Dagaaladaasi waxa ku soo dhintey dad badan oo horteen aduunyada camiri Jirey.Dagaalka waxa ku hoos Jira awood sheegasho.Dagaal waxa sii Huriyey is xulafeysi.boqolaal kun oo qof ayaa la soo duugay oo ku naf waayey gardaro iyo dagaalo sad bursi ah.Dagaal Diimeed ayaa Wakhtigan huraya,Dagaal gooni goosi iyo Xornimo cusub ayaa Baxaya.Casrigii dagaalka aayaa dib u soo noqonaya.
waxa la isku tijaabiyey hubab iyo sun ama xabado nool oo Malayiin qof nafahoodii la tagey.Dad badan ayaa 100 qof meel qudha kaga wada Jaray.ninka Cadaanka ahi marka uu wax dilo maaha Argagixiso.halka Ninka muslinka ahi haddii uu xitaa isku day sameeyo uu yahay argagixiso weyn.
gumaad iyo xasuuq ah ayaa la soo arkey,Nafo si fudud dhiigoodii loo xalaleystey ayaa la soo daawadey.Tijaabinta Aqoonta cilmiga science-ka laga gaadhey ayaa dhibaato badan aduunka ku keentay.Qumbulad iyo Atomic Bomb ayaa wadamo lala dhacay,Horishima waxa lagu dhuftey atomic bom 118,661 ayaa ku dhimatey.74,000 ayaa nagasaki ku dhimatey august 1945.Dad ayaa mag dhow ku qaata ilaa wakhtigan xasuuq loo geystey Sida Yuhuuda.
Sun iyo Cuduro ayey hawada ku soo daayeen si loo dhamado oo aan looga tiro badan.Xanuunka dilacay dawadiisiina iyaga ayaa haya oo Tijaabo ayaa lagu dilaayey dadkaasi.Dhaqaalena waa laga raadinaayey.
Taalo ayaa loo dhisaa dadkii Ku dhintey dagaalada iyo Xornimada,Taalo ayaa loo taagaa Madaxda,Sarkaalada ciidan,Ciyaartoyga,Fanaaniinta iwm.10,000 inta si dhib yar loo dilo aya halkii lagu xasuuqey taalo laga taagaa oo Sanadkii hal mar la xusaa.Maxaa flower iyo ubax la soo dhigayaa,Maxa la iska oohinayaa,Waanu ka xunahay,Khalad dhacey ayey aheyd.Madaxda ugu caansan ama halgankii gobanimo doonka ayaa taalooyin looga dhex taagaa Magalooyinka caanka ah.Malaayinkii sida u kaska ah loo soo dilay waxa maanta loogu baroor diiqaa ubaxyo la soo dhigo xabaalihii lagu duugey ama halkii xasuuqu ka dhacay.Nin wadan ka qoran geesiga lagu dhaarto ayaa wadan kale ka ah Dambiile gacan ku dhiigle ah oo laga raadinayaa.
Somaliland halkee ayey ka dhisan yihiin taalooyin Xasuuseed oo loogu talo galay in dadku ay ku xasuustaan Taariikhda dagaal ama halgan ee la soo galay.Diyaarada Kheyriyada ama Kaaraha hub ka dhigista ayaa markasta oo la hor maraayo ku xasuusin karta ayaamo murugo iyo naxdin lahaa oo wadankan taariikhdiisa lagu suntey.Sawirada madaxdii hore ee Xijaabatey ayaa Caasimada Jidka wadnaha u ah ku dhex Yaala.Sawiro kale waxa la soo saara Ayaanta Xuska Taarikhda SNM"Gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesiga".Waxaan Mar hore war ku maqlay in Madax weynuhu Yidhi taalada xasuusta Snm waxa laga taagi doonaa Baligubadle.
dadka soomaalida ahi arimo badan taalo Xasuus ah kama sameyn karaan ama Taalooyin badan oo lagu xasuusto Taariikhdii tagtay lama taagin.Waa bulsho aragtiyo kala duwan ka qabta dadka caanka ah ama Waa bulsho arimaha siyaasada,sugaanta iyo Taariikhdaba ku kala fikir duwan.waa Bulsho dagaaladii iyo Dhacdooyinkii hore qoloba si gooni ah u xusto una fahansan tahay.reer kasta ninka ay ku fanaan waa nin meelo badan kaga jira musuqmaasuq,dagaal,maamul xumo etc.Siyaasiga dhaqankaasi leh rag ayaa Difaacaya oo looma soo dhawaan karo.geesiga reer hebel waa gacan ku dhiigle reer kale la col yihiin.
Isku soo wada Duub Gaalo ubax la soo dhigo Banaanka ama Qubuuraha lagu duldaadiyo ayey kaga Jawaabtey Xasuuqii dagaal ee Dawladahoodu geysteen,Soomaalidana waxaan Jirin Muwaafaqo xaga Qaranimada ah iyo Taageero wanaag oo laga sima yahay,Maxaa Yeelay qabiil kastaa si gaar ah ayuu wax u rabaa.Taalooyinka la taagana waxa bulshadeena kaga badan in dadka caanka ah loogu magac daro xaafadaha,wadooyinka,dugsiyada,garoonka diyaaradaha iwm.