Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Tukoow goormaad wax ogataa: marka laba nin is eegto by Jigir busuu yelem.


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 11, 2012
Sunne weeye salaantu, waana sawdka islaamka, waana sooryo gobeede, si wacan iiga gudooma.

Sunne weeye salaantu, waana sawdka islaamka, waana sooryo gobeede, si wacan iiga gudooma.


Sidaynu wada ogsoonahay cilmigan aduunka iyo masaaliixda la xaqiijinayo ee la kala dhaxlaayo   bani-aadamku  wax badan ayuu ka bartay shimbiraha iyo makhluuqa kale ee mayeedhanka ahba. Kolayba Somalidu intay daawadeen hangaraarac train kamay alifin. Gorgorna diyaarad kamay hindisin, balse taas micnaheedu maaha inaynaan waxba ka baran makhluuqa ilaahay.


Aboorka aad aragtay inta uu la’egyahay dudumada aan aragnay ayuu dhista oo naftiisa ku ilaaliya. Aboorka lagama baran guri in la dhisto oo kaliya waxaa kale oo laga bartay in midnimo iyo

wada jirku yahay sida kaliya ee wax weyn lagu qaban karo. Maahmaahaha iyo masaaladu ujeedada ay tabinayaan oo la dhuuxo micno weyn ayaa ku jira.


Tukuhu waa shimbir aad u feejig, xuunshaduna aad ayay u daman tahay. Waxaa layidhi tukoow goorma ayaad wax ogaata? Wuxuu yidhi “marka laba nin is eegto”. Xuunshooy adna? Waxay tidhi xuunsho “marka halgaada horena igu dhacdo ta labaadna igusoo socoto.


Dabcan feejignaantu waa muhiim, qofkuna  inuu aad u feejignaada waa lagama maarmaan. Waa inaad ka feejignaata cadawgaaga uu shaydaanku ugu weyn yahay, naftaada naarta ku jiidaysa, caajiska iyo wahsiga iyo wax kasta oo dhibaato leh. Qofka madaxda ah ee umad dhan amaano u hayaa feejignaanta looga baahan yahay way ka badan tahay ta qofka caadiga ah ku waajibtay waayo isaga masuuliyad ayaa saaran oo xilbuu sidaaye waa inaanu seexan.


Somaliya waa dal aynu jaarnahay sidaas darteed arimaha ka socda Xamar waa inaynu isha ku hayna. Somlailnad iyo Somaliya intii ay kala baxeen ee kala dhaqaajiyeen Xamar xaladeedu way qanayd ilaa hadana if iyo aakhiro midna ma raacsana. Dhawaanahan dhaqdhaqaayada siyaasadeed ee ka socda Mogadishu waa qaar ay dabada ka riixayaan dawlado waaweyn oo horeba gacanta ugula jirijiray iyo qaar cusub oo dhawanahan  ku soo biiray sida Turkiya. Inkasto ay u muuqato in la rabo in wax dawlad ku sheeg ah loo macmalo Somaliya hadana iyagu uma muuqdaan qaar ka daalay dagaalka iyo qaska  walina uma diyaar aha sharci iyo kala danbayn – law and order.


Si kastaba ha’ahaate, Somaliland hore ayay uga soo badbaaday mar xalado adag oo badan iyo is badalo badan oo geeska Afrika ka dhacay hadana wax waxyeeli karaa JSL ma jiraan waxaase kaliya aynu baahanahay waxooga feejignaana oo aynu indha furno oo kor wax u eegno.


Waa tii dhawaan hasaawe u bilaabmay Somliland iyo Somaliya ee wada hadal dhex maray. Sidaynu wada ogsoonahay shirarkii iyo kulamadii kala danbeeyay ee madaxda laba dal yeesheen waxaa ka soo baxay qodobo hor dhac ah oo loogu gogol xaadhayay wada hadalka bilaabmay. Qodobadii ka soo baxay shirarkaas ee qolo waliba qalinka ku duugtay waxaa ka mid ah mid odhanayay “waa in laga dhawra wadhadalada  wax kasta oo burinaaya”. Hadaba marka la eego distoor ku sheegooda Garoowe lagu soo malmaluuqay ee Xamar odayaasha aan waxna akhriyin waxna qorin ku ansixiyeen  waxaa lagu dafiray jiritaanka qaranimada Somaliland. Jiritaanka Somaliland oo kaliya laguma gafine waxaa si cad loogu buriyay wadahadakii bilawga ahaa ee u bilaabmay labada dal.

Marka dawlada Somaliland waxaa u taala hawl badan waxaana looga fadhiya sida ay u kala maaraynaso sheegashada Xamar iyo wada hadalada is baal socda. Nin la tolay bay talo joogta. Somaliland cid wax yeeli karta ma jirto hadaan dagdegeeda iyo feejigaan la’aanteedu  wax yeelin.



Jigir busuu yelem.


Mustafe C/lahi Cumar “Leedo”

mustafe49@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.