Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ururka Hiil Oo 20-kun Oo Dollar U Qaybiyey Agoonta Xaafada Daami Ee Magaalada Hargeysa


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 11, 2012
Hargeysa (HWN)- Ururka Hiil oo Saldhigiisu yahay Wadanka Sweden ayaa waxaa uu Maanta u qeybiyey Lacag dhan 2000$ labad kun oo Dollar Agoon uu Ururkaasi

Hargeysa (HWN)- Ururka Hiil oo Saldhigiisu yahay Wadanka Sweden ayaa waxaa uu Maanta u qeybiyey Lacag dhan 2000$ labad kun oo Dollar Agoon uu Ururkaasi gacanta ku hayey Shan Sanno kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 20

Labaatan qoys,

 

Qeybinta lacagtan oo ku soo beegantay tobankii danbe ee Ramadaan oo dadka aad uugu heelan yihiin Cibaadada iyo Ciida ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka socotey Ururka Hiil, Maamulka Xaafada, Boqorro, Salaadiin, Cuqaal, iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xukumada.

 

Waxaa haddaba ugu horeyntiiba Madasha ka hadlay Mr. Shiine oo isagu ku hadlaayey Afka Ururka Hiil waxaanu sheegay iney lacagtani tahay mid ay ugu tallo galeen iney agoontu ka dhigato xaqul Ciid, taas oo cadadkeedu dhan yahay 2000$, waxaanu sidoo kale xusay iney Dalka u yimaadeen iney kala qeyb galaan agoonta Ciida isagoo xusay iney doonayaan in dareenka caruurtu dhismo isla ay buuxiyaan booskii waalidiintoodii gareeyooday. Mudane: Shiine ayaa waxaa sidoo kale uu ka hadlay qorshayaasha Ururka ee Mustaqbalka dhow isagoo si gaar ahna carabka uugu adkeeyey iney ka Urur ahaan doonayaan iney dhisaan Iskuul u gaar ah Agoonto haddii Alle idhaahdo ugu danbeyntiina waxaa uu shiine uugu baaqay dhamaan bulshada Somalidu iney kala soo qeybqaadato Barnaamijkan kheyriga ah ee Agoonta Ururukooda, isagoo sheegay iney lacagtanina tahay mid Ururkooda oo kaliyaata ka timid oo aaney meel kale ka iman.

 

waxaa iyaguna Madasha sidoo kale hadalo kooban oo hambalyo iyo soo dhaweyn isugu jira ka soo jeediyaya Boqor Axmed Ugaas Iman Warasame, Suldaan Daakir Xassan Khaliif Iyo Gudoomiye Xassan Sheikh Max,ed waxaaney Masuuliyiintani si gaar ah uugu mahadceliyeen Ururuka Hiil iyo Maamulkiisa iyagoo ku amaaney dadaalka dheeraadka ah ee ay u sameeyeen dadka danyarta ah ee Xaafada Daami sidoo kalena waxay Salaadiintu uugu baaqeen dhamaan Bulshada Somalida iney ka qeybqaataan dadaalka uu Ururka Hiil uugu jiro Dadka danyarta ah iyo la Daqaalanka Takoorka

 

Hooyo Saado Diiriye iyo Wiilkeeda Sahal oo iyagu ahaa qoyskii uu ku bilaabmay Barnaamijkan Agoonta 5 Sanno ka hor ayaa dareenkooda iyaguna ku tilmaamey mid aad u sareeya maanta, Hooyo Saado ayaa waxay si qoto dheer uuga warantay Maraxaladii ay ku jireen qoyskeeda oo ka kooban 7 Caruur ah oo dhamaantood agoon ah ka hor intaanay helin gargaarka Ururka Hiil iyo hadda farqiga u dhaxeeya waxaanay Hooyo Saado tidhi:

 

waxaan xasuustaa Awlaadayda Daranyadii iyo Diiftii haysatay ka hor 5 sanno. waayo waxay wada ahaayeen kuwo aan haysan Waxbarasho tayyo leh oo dhamaantood waxay wada joogeen xaafada, waxaan ku hammiyi jiray mararka qaar inaan ka dhigo Baalashlayaal si ay uugu soo helaan nolol maalimeedka qoyska laakiin Alle fadligiisa waxaa hamigaygaas meesha ka saaray Ururka hiil oo hadda dhamaantood waxa ay wada dhigtaan Dugsiga Nuradiin iyo Madaariska Aflax iyagoo meel fiican ka maraya waxbarashada teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahba, waxaanay Inanteyda uugu yar caruurtu hadda korka ka haysaa 10 jis oo Qur,aan ah eyey hooyo saado hadalkeeda ku soo gaba gabeysay.

 

dhinaca kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay qaar kamid ah Hooyooyinka Agoonta waxaany sheegeen in Alle ka awday Daaqadii Aabaha ee Qoysaskooda ka bannaaneyd iyagoo si gaar ah uugu duceeyey Ururuka Hiil iyo cidii kale ee Islaamka aheyd ee ka qeybqaadatey.

 

Ugu danbeyntiina waxaa isna Madasha ka hadlay Barkhad Jama Hirsi oo ah Lataliyaha Madaxweynaha waxaanu Barkhad si qoto dheer dhankiisa uuga sheekeeyey Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen Agoontu iyo hadda halka ay marayaan, Barkhad ayaa ka sheekeeyey Sooyalka Barnaamijka Agoonta isagoo sheegay waxtiga ay bilaabmatey iyo sababta ay ku bilaabmateyba inuu goobjoog u ahaa,

 

Barkhad ayaa waxaa uu uugu baaqay dhankiisa Xukumada, Shacabka, Iyo waliba ganacsatadu iney Xil gaar ah iska saaraan adeega ilaha Bulshada gaar ahaan kuwooda liita, waxaanu Barkhad balan qaaday iney sidii hore iyo si ka fiicanba uula shaqeyndoonaan Ururka Hiil. isagoo ugu danbeyntiina soo jeediyey in laga wada qeyb gallo barnaamijkan oo lagu helayo Janna Alle.

 

Hadhwanaagnews/Office
Hargeisa, Somaliland.
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.