dhegaystaana waa ooyayaa waana inaynu Illaahay ka cabsano oo baqno oo oyno.
waxaan intaas raacinayaa laba Gabay oo aan hore u tiriyay oo midina ka hadlayso Qabriga iyo dhibtiisa iyo Qiyaamaha iyo maalinta Alle la hortaaganyahay, midina ka hadlayso aduunyada iyo gaabnideeda iyo Hamiga Bani´aadamka ee ay aduunyada ka rabaan.
Waxaan Illaahay inooga baryayaa sida Bisha Ramadaan aynu u cibaadaysanayno inaynu weligeenba u cibaadaysano, dabadeedna naxariista Alle ina dul hogato oo ina dul joogto oo aynu aakhiro iyo aduunba guulaysano.
Waa kuwan labadii Gabay ee walaalayaal akhris wanaagsan
Gabayga Qabriga iyo dhibta Qiyaamaha
1. Aayadaha Quraankiyo, aan ku akhriyo diintee
2. Illaahaw Araga ii daa, Indhaha iyo Nuurka
3. Islaamnimo Illaahaw igu dil, anoo raacay amarkaaga
4. Ashahaada Illaahaw i qirsii, markay gaadho ajashayda
5. Iilka laga arooriyo qabriga, Rabaw ha igu soo oodin
7. Adhaxdayda feedhaha iyo ha is dhaafin oofta iyo laabta
8. Imtixaanka Allaw ii sahal goortay Malaa´iigtu ii iman
9. Anfariirka Allaw iga dhawr, Argagaxa iyo yaabka
10. Uunkiyo Makhluuqa oo idil, inaad adigu uuntay
11. Oo Abuurkaa yahay, gebi ahaantoodba
12. Oo aanu Illaah kale jirin, adiga mooyaane
13. Erayga san Ashahaada iyo odhaahta tawxiidka
14. Afkayga Illaahayoow ka yeedhsii oo haygu adkaynin
15. Allahayoow ayaantaa wayn iyo amarka iyo yaabka
16. Ee Insaanku idil ahaantii, Adiga ku dhawri
18. Awawyaday aabihii i dhalay iyo hooyada Aamina
19. Ayeeyooyinkay Abtiyaday iyo halka aan ku arooro
20. Uur hooyo Walaalahaan galay Inan iyo wiilba
21. Afadaan qabiyo, oorida iyo xaaska
22. Iyo Ubadkaan dhalay gebi ahaantoodba
23. Adeer,Edooyin, Ilmaadeer, iyo eheladaan sheegto
24. Iyo guud ahaan islaamkoo idil, hadaan adiga kuu tuugay
25. Allahayoow ducada iga ajiib oo aqbal odhaahdayda
26. Dabadeed ayaantaa Illaahaw ka dhowr, dhibiyo aafaadka
27. Aduunyada waxaan nahay Rabow ehelu tawxiide
28. Amintii la eedaamo Salaadaha waan u orodnaaye
29. Adigaan ku caabudnaa Rabow goor iyo ayaane
30. Alla cabsiga cibaadadu, waa nin iyo itaalkiiye
31. Adigaan Illaah ku rumaysanahay oo waad ogsoontahaye
32. Aakhiro Rabaw janadii nagu abaali, adigu aad noo sheegtay
33. Dabadeed aragaaga noo fayd Rabaw, iyo adiga muuqaaga.
34. Afartaa duco Illaah aan baryay iyo aniga ujeedkayga
35. Afar kalana waa sifo aan gaalo ku asteeyay
36. Aadan maalintaad Illaahaw ciida ka abuurtay
37. Ee Malaa´iigta ku tidhi waa Insaane u sujuuda
38. Ee Iblays inkiray ee diiday amarkaaga
39. Iyo imikay aakhiru sabaan tahay, waabad aragtaaye
40. Anagaa aduunyada u arimina ayay ku andacoodaane
41. Oo adigana ilaabe Rabaw, Illaahnimadaaye
42. Aayadahaaga waawayn iyo ma arkaan, oogo samadaase
43. Iftiinka Cadceeda iyo Dayaxu waa u Amin sideediiye
44. Xidigaha la ologa ah ee qurux ilaysaaya
45. Shihaabkaa ololayee ee Shaydaan lagu ataago
46. Uma laha aqoon falaga socod abaartiiye
47. Arligan ay ku noolyiin ee Rabaw awal ka abuurtay
48. Hadana aad Arwaaxdood dib ugu celin, goortay ka aguugto
49. Aakhirkana ka soo bixin iyagoo orodka yaacaaya
50. Maba ogsoona Ibtilada jirta iyo maalinta aakhiroe
51. Ardanbayse garan markay Eebe hor tagaane
52. Markaasay Illaahaw na celi ku odhan, oo aanu ku adeecno
53. Waase af kala qaad su´aal aan looba ogolayne
54. Abaalkiinu waa Jahanama oo aad abid ku waartaane
55. Nin waliba wuxuu Camal axadho ayuu aakhir helaaye
56. Anbiyada waydinkii dilay wax badan , kibirka awgiiye
57. In badan baad uumiyaha dhamaan ku adyadooteenee
58. In badan baad oohinta Islaam ku istareexdeene
59. In badan baad Ubad iyo Dhalaan Aabe ka disheen
60. Oo aad Caruur agoon ka dhigteen ehel la´aaneede
61. In badan baad is urusateen gaalaw idilkaaye
62. Oo Istihsaa iyo dagaal nagu asqayseene
63. Oo aad Adoon badh ka dhigteen, iibna ku gadeene
64. Urug iyo xanuun baad badeen Afrikada qaare
65. Sidaad Idinku moodeen ma aha talo Illaahay´e
66. Ifka laguma waaree waxaad socod abraartaanba
67. Marka Naftu waa amaane aayar la idinka qaado
68. U adkaysta ololka Saciira iyo naaraha Illaahay
Gabayga Aduunyada ka waramaya
1. Tixaha gabay iyo murtida, lagu tanaadaayo
2. Ee la taawiyo goortii warka, laysku tibix siiyo
3. Suugaanta la isku tixgeliso, ta iyo wawgeeda
4. Caqli taama weeye iyo , talo illaahay´e
5. Aniguna aan tibaaxo maansada, laabtu tabanayso
6. Aan tusmeeyo xaajadaan, hurdada uga toosay
7. Tuduca qaafiyada gabay aan, sugo tilmaanteeda
8. Tabtii aabahay u yiqiin, aan tacalinkii raaco
9. Hadal waa tiraab sheekiyo, iyo tix maansoode
10. Suugaantu waa dhaxal laysu tebiyo, tan iyo haabiile
11. Waa naxwaha lagu tilmaamaa khalad, laguna toosaaye
12. Tiriig baxaya wanaag buu u yahay , talo ninkii doona
13. Allana ku toosiyaa markuu , tawakalo ee raaco
14. Taaha waxaa iga keenay, tiririga iyo buuqa
15. Aduunyadaa laga tegayaa oo, abid la taagnaanayne
16.Tamar yaray ma sii foga oo waa, waxaan taamudba ahayne
17.Tilmaan hadaan idinka siiyo, oo aan idin tusaaleeyo
18. Tiro intuu Nebi Illaah soo diray , iyo barayaashii tawxiidka
19. Ee Tacadigu ka soo gaadhay, Diinta tebinteeda
20. Ee toorida badhkood lagu dilay , iyo tuuryo waran hoose
21. Taariikhda waa lagu dhigtaa , iyo Tafsiirka Quraane
22. Rusushii tolmoonayd ee Illaah , tababaree doortay
23. Iyaguba kamay tooreeyeen, oo xabaal laguma tuureene
24. Abidna kamay tahriibeen , hadaan tani ahayn beene
25. Time-keedu waa gaabanyahay , oo waa maalmo tiradoode
26. Talaatiin wiil nin dhalay , oo tacab Illaah siiyay
27. Iyo kii tagoogiisa ay ku jiraan , ee naagba weli taaban
28. Nin taajiray oo hantida Illaah, taababka u buuxsahay
29. Oo tafta marada jiidayoo, xarago la tiicaaya
30. Iyo kaan tacab weli xasilin , ee turunturoonaaya
31. Tacaliin nimuu Illaahay baray, cilmi tubihiisa
32. Iyo kaan turjumi karin magacii, ama Qalin ku teebin
33. Taranta ganacsiga nin yaqaan, tabaha loo maalo
34. Iyo nimaan talaatiin Malyuun , Taajir ku noqonaynin
35. Intaasoo nin oo kala tayo fiican, nolol ku taamkeeda
36. Nin walba hamibaa ku taagan , oo uu tiigsadaa abide
37. Ma tobnoobo Aduun oo , tabane weeyaane
38. Tog dururaya oo dahaba, haduu aadimigu toydo
39. Oo aan laga talo gelin , oo aayar lagu taabto
40. Tog kale ayuu u baahdaa, ama haradii Taana (Tana Lake)
41. Turaabka ciidaa deeqa oo, looma taag helo´e
42. Waxba yuu gabaygu ila taraarine, waxaan ku soo teeday
43. Waa tacab qasaar ninkii, tan isku ilaabaaye
44. Tukashada salaadaha badiya , oo xaqa ku toosnaada
Mohamoud Jama