Hargeysa (HWN) Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Somaliland Mawliid Waris Cabdilaahi ayaa ku amray shirkaddaha Qashinka ka qaaday Magaaladda Dhexdeeda in ay laban laabaan hawlahooda isla markaana ay u hagar baxaan,
Xoghaye Mawliid Waris oo warbaahinta caawa kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in ay amaan mudan yihiin Taliyaha guud ee ciidamadda Booliska iyo Wasiirka arrimaha gudaha kuwaas oo uu tilmaamay in ay nabadgalyadda wax badan ka qabteen.
Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shacabka Reer Somaliland munaasibadda ciidul Fidriga, waxaanu
ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan
Waxaan ugu horeyn Hambaliyo iyo Bogaadin u dirayaanMunaasibada Ciida awgeed Umadda Muslimiinta iyo Shacabka reer Somalilandmeelkasta oo ay joogaan, waxaana leeyahay Ciid Wanaagsan, ILLAAHAYNA SWT waxaanka baryayaa inuu ciida ciideeda inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, intaaska bacdi mudooyinkii ugu danbeyey waxaanu wadnay olole aad u balaadhan oodhinaca Nadaafada ah iyo ururinta qashinka maadama oo aanu ku jirnay Ramadaantii oo aynu ognahay inay suuqyadu aad u mashquul badan yihiin oo ay mihiim tahay in marba suuqyada laga ilaaliyo Xashiishka iyo Nadaafad darada.
,waxaana aad ugu mahadnaqaya Shirkadaha Xashiisha oo iyagu mar walba heegan u ahinay hawsha aanu u xilsaarnay qabtaan oo Qashinka ururiyaan, waxaana siidhiirgelinaya inay hawsha halkaas ka sii wadaan, waxaana Caawa (Xalay) kuamraya in aanay seexan oo ay heegan ahaadan maadama ay Suuqyadu mashquul yihiinoo ay camirayan yihiin dadkuna mashquulsan yihiin,
waxaana ugu baaqaya in aanay arintaas iska xilsaaranoo bilicda Caasimadda ilaaliyaan,sababtoo ah Ciid waliba Ciida ay ka danbeysowey ka sii mashquul iyo hawl badanaysa waxaana dhinaca kale bulshada ugu baaqayain ay iyaguna dhinacooda ka ilaaliyaan bilicda iyo nadaafada Magaalada.Xoghayaha fulinta Dawladda hoose Hargeysa Mawliid Waris Cabdillaah ayaa amaanbalaadhan u soo jeediyey Wasiirka iyo Taliyaha Booliska waxaanu yidhi isaga ooarintaas ka hadlaya Waxaan amaan iyo mahadnaq aad u balaadhan u soo jeedinayaWasiirka Arrimaha Guddaha iyo TaliyahaBooliska oo dhab ahaan si xilkasnimo, dadnimo iyo daacadnimo ku dheehan tahay uga shaqeeyey Amaanka iyoNabadgeliyada dalka gaar ahaan Caasimadda, taas oo xaqiiqdii mar walba WasiirkaArrimaha Guddaha iyo Taliyaha Boolisku si joogta ah uga shaqeeya sugidaXasiloonida iyo ilaalinta amaanka shacabkooda reer Somaliland, taasina waa arindhab ahaan mudan in lagu amaano, maadana ay dadkoodii si daacadnimo ku dheehantahay ugu shaqeeynayaan.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland