Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Washington,D.C(HWN):Maxaa Ka jira In Qoyska Koowaad Ee Somaliland ay Dowlada Kenya Ku Qabatay $2,000,000?Warbixin Uu Diyaariyay Weriye Saciidjamaal.


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 18, 2012
Warbaahinta somaliland qaar ka mid ah ayaa dhawaan qortay war nuxurkiisu ahaa in la gu qabtay madaarka magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya marwada koowaad Aamina

 Washington,D.C(HWN):Warbaahinta somaliland qaar ka mid ah ayaa dhawaan qortay war nuxurkiisu ahaa in la gu qabtay madaarka magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya marwada koowaad Aamina Weris iyo Md Baashe Cawil X.Cumar oo ah wiil qaba gabadh uu dhalay m/weyne A. Silaanyo la gu qabtay madaarka magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,iyagoo wata lacag dhan $2.000.000(laba million oo dolar).

Waxa kale oo ay saxaafadaasi sheegtay in Marwo Amina-weris oo la socotay wiilka ay sodohda u tahay,ay kaga tagtay goobtii lagu qabtay,markii ay ogaatay in boolisku ku qabteen lacagtii ay wateen,iyadoo gashay safkale oo dadka

rakaabka ahi ku sugayeen shaabada dukhuulka ee dal ku gelista,waxaanay saxaafadasi tidhi iyadoo arinkaa ka hadlaysa"baadhistii oo socota ayey Amina Weris iska dhigtay sidii qof aan shandadaha wax ku lahayn waxayna gashay linekii baasaboorada( passport checking)sidaasi ayey Amina Weris ku badbaaday."

Hadaba,waa muhiim in shacabku ilfeejig ku eegaan xukuumada iyo howlaha ay ku foolantahay,waana waajib saaran qofkasta oo muwaadina,laakiin waxaa la iswaydiin karaa weriyaha warkan siiyay qoray miyuu taagnaa meesha marka arimahani dhacayeen,waayo meeshaas oo kale waxaa loo ogolyahay shaqaalaha madaarka iyo dadka rakaabka ah oo keliya,su´aasha kale waxay noqonka kartaa miyuu weriyuhu arkayay Marwo Aaminaoo laynka bedelanaysa,hadii uu weriyuhu yidhaahdomeesha ayaan taagnaa,waa inuu kamid noqdaa rakaabkii diyaarada ka soo degay,taana kumay xusin warkooda,cadayna maykeenin ,Somaliduna waxay ku maahmaahdaa"Waran kugu soo noqondoona lama rido."waa sida ay yidhaahdeen dad arimahan aan wax ka waydiinay, iyagoo Nairobi jooga.

Waxaa iyana su’aalo badani ka dhalan karaan,hadal ay mareegahaasi sheegeen oo ahaa meeshii la dhigay lacagta-ay sheegeen inuu sitay Md Bashe-iyagoo yidhi "lacagtii waxaa la dhigay xafiiska securitiga ee giroonka."

Waxaana lawaydiinkaraa qofka warkan soo qoray,xagee kale oo boolisku dhigi lahaa lacagta-waa hadiiba ay jirtee-ma qolka jeelkaa lala gelinlahaa.waxaan kaloo iyana aan laga maarmayn in markale la soo celiyo su’aashii ay hore isu waydiiyeen dadkii shabakada hadhwanaag waraysatay oo ahayd goobta miyaad joogteen.hadaadse joogteen ma diyaaradaad idina ka soo degteen?!

Waxaa kale oo cadayn u baahnaa hadalkan ay yidhaahdeen oo ahaa"Waxayku dhex dhacday Marwo Aamina Weris dad Kenyati-somalinder ah iyo Safiir Sifir oo ah nin xariifa,booliiskii markii ay la haadleena waxba way ka dhegaysan waayeen,kadibna wuxuu la xidhiidhay safiirka Ingiriiska Kenya u fadhiya,isagiibaana siidaayay baashe iyo lacagtiisii."

Marka hore maxay ugajeedaan “ Sifir waa xariifmay sharxin mareegtu weedhaas,su´aasha kale ee meeshan ku habooni waxa weeye,ma safiirka dowlada Ingiriiska ayaa kala shaqeeyey marwo Aamin iyo Md Baashe sidii gacanta dib loogu soo gelin lahaa lacagta(musuqmaasuqa ah) ay ku sheegeen mareegahaasi?taana waxa inooga jawaabi iyaga.

Xidhiidh aan la samaynay safiirka J.Somaliland ee dalka Kenya Md Maxamuud Sifir,wuxuu noogu sheegay inaan habayaraatee wax ka jirin warkaa,waxaanu ku tilmaamay mid looga goleeyahay in lagu gaadho ujeedooyin guracan,sida in shacabka laga horkeeno xukuumadiisa iyo iyagoo is leh waxaad ku gaadhi kartaan haadafyo siyaasadeed,wuxuu kaloo sheegay in warka aan jirin yahay FIDNO,taas oo loobaahan yahay inlayska ilaaliyo dadka adeegsada.Isagoo ku tilmaamay xukuumada uu ka tirsanyahay mida ugu hufan ee ugu daacadsan intii xukuumado soo martay dalka tan iyo markii la asaasay Somaliland,taasna uu shacabku ka marag kacayo.

Eedaha ay Soo jeedisay saxaafadaasi waxaa kaloo ka mid ahayd in "Hore Baashe iyo gabadha ina Siilanyo waxay Nairoobi ka iibsadeen guri weyn oo nooca raaxda ah oo lagu qiyaasay ( 450.000$)afar boqol iyo konton kun oo dolar.)”

Arinkan oo ay shabakada hadhwanaagnews baadhitaan qoto dheer ku samaysay,ayaa waxaa u soo baxay runta iy xaqiiqda dhabta ah ee arinkani leeyahay.Dadaal badan kadib waxaanu helnay oo arimahan wax ka waydiinay prof. Cali Geedi oo ah ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Somalia ahna mulkiilaha guriga la sheegay in ay qoyska koowaad ee Somaliland iibsadeen iyo weliba dad aad ugu dhow isaga.

Prof.Geedi oo ka jawaabayay su´aal ahayd bal inuu gurigan ka iibiyay qoyska talada dalka Somaliland haya iyo in kale wuxuu yidhi”Adeer warkaas waxba kama jiraan gurigaygana maan iibin,isagiibaanan hada kaala hadlayaa oo aan joogaa,war noocaan oo kale ahna in la abuuraa waa qalad iyo denbi.”wuxuukale oo uu yidhi” Maalmahan wax kasta waa la maqli mar hadii gurigaygii aan degenaa la sheegay inuu iibsaday M/weyne Siilaanyo.”

Mar shabakada hadhwanaag waydiisay bal inuu ku hamiyayo xiligan inuu iibiyo gurigiisa wuxuu yidhi”Maya,ma iibinayo gurugayga mana aha fikirkaasi mid marnaba maskaxdayda ku soo dhacay,tan kale gurigani waa guri taariikhi ah oo waxaan ka gatay gudoomiyihii hore ee jabhadii SPLA John Garang oo u dagaalamijirtay xornimada koonfurta Sudan,markaa waa guri taariikhdaa leh aan rabona inaan haysto anigu.”

Ugu danbayntii wuxuu ugu baaqay saxaafada gaar ahaan kuwa warkan qoray inay hubsadaan waxa ay shacabka u soo gudbinayaan,hadii kale ay dhibaatada Somalida qayb wayn ka qaadanayaan,taas oo ah wax aan loobaahnayn.





Fariin warkan waxa uu gaar u yahay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.
wariyaha Shabakada ee Arimaha Siyaasada Dibada
Saciidjamaal Xaaji Cali Saciid/Saciid-jamaal
saciid-jamaal@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.