Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Yusuf Garaad: Hoggaamin Soomaaliya u baahan tahay! Fuad Ahmed Nuh – Aqoon-yahan Madaxbannaan


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 18, 2012
waayo-aragnimadooda iyo guulihii uuhore qofkaasi uga soo sameeyay shaqooyinkii uu soo qabtay ama waxbarashadiisii,si uu qofkaasi inoogu hillaadin (tilmaami)

Haa,waa madaxii hore ee Laanta Afsoomaaliga Idaacadda BBCda Yusuf Garaad CumarAxmed, wuxuu ku dhawaaqay bishan August 2012 bilawgeedii inuu ka tegay shaqadiiiyo xilkii uu ka hayey BBC Somali Service si uu gacan uga gaysto xal u helidamushkiladda daba dheeraatay ee Soomaaliya, waxaanu maalmo kooban kadib uamba-baxay magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan shirarka ansixinta Dastuurka,xulista xubnaha Baarlamaanka, kadibna doorashada Madaxweynaha cusub eeSoomaaliya August 20, 2012 wixii ka dambeeya. 

Waxahubaal ah in siyaasiyiinta Soomaalida ee had iyo jeer isu soo taaga inayhoggaamiyiaan ama wax ka qabtaan geedi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya aanmarnaba loo eegin si ku filan aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo guulihii


uuhore qofkaasi uga soo sameeyay shaqooyinkii uu soo qabtay ama waxbarashadiisii,si uu qofkaasi inoogu hillaadin (tilmaami) karo guusha uu ka keeni karomansabka uu u tartamayo ama loo dhiibayo, taasina waxay inoo horseeday inaysiyaasadda Soomaalida oo dhan hor-boodaan dad aan tayo lahayn oo khayrbeelayaal ah sida keliya ee ay ku bad-baadi karaanna ay tahay qabyaalad marhaddii aanay lahayn Hal-abuurnimo kale iyo hoggaamin ay dadka ku maamulikaraan.

 

Taariikh-nololeedka Yusuf Garaad ookooban:

Wuxuuku dhashay magaalada Muqdisho 1960, halkaasoo uu ku soo qaatay waxbarashadiisiiAassaasiga ahayd ilaa tii Degree-giisii 1aad ee Heer Jaamacaddeed oo uu kaqaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Somali National University), waxaanuwaxbarasho sare (post graduate) u tegay dalalka France, Italy iyo USA, waxaanushahaadada Master of Arts (focused on International Affairs) ka qaatay TheFletcher School of Law and Diplomacy @Tufts University in Greater Boston, USA.Waxa kale oo uu si wanaaagsan ugu hadli karaa Luqadaha English, Franceiyo Swahili.

 

Shaqaddiiugu horreysay waxa uu ka bilaabey Radio Muqdisho sannadkii sideetamaadkii oo uuka howl-galayey ilaa laga gaadhayey burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya,1990kii ayuu u wareegay dhinaca Hay’addaha Samafalka waxaanu la shaqeeyayHay’adda ICRC, kadib waxa uu waxbarasho u tegay Italy isagoo dhinacna kalashaqeynayey BBC Flagship Magazine iyo Focus On Africa. Sannadkii 1992 ayuu sirasmi ah uga mid noqday BBC-da waxaanu ka gacan weyn ku lahaa barnaamij BBC-duku tababartay Boqolaal Suxufiyiin Soomaaliyeed ah oo ay maal-gelisay MidowgaYurub wakhti dowladdii dhexe ee Soomaaliya burbursan tahay WarbaahintaSoomaaliyeedna si weyn ugu baahnayd.

 

Sannadkii1999kii waxa uu noqday Madaxa BBCda Laanta Af-Soomaaliga iyada oo wakhtigaasLaantu ku jirtay xaallad adag oo u baahan wax ka bedel. Yusuf Garaad waxa uu siweyn wax uga bedelay hab-socodkii barnaamijyada Idaacadda halkii ay ku koobnaydwararka siyaasadda iyo barnaamijyo guud oo toddobaadle ah waxa uu ka dhigay inBBCda qaybta Af-Soomaaligu noqoto hay’adda Warbaahineed ee ugu weyn waxaAfsoomaali ku hadla isla markaana qofkasta oo Soomaaliyeed ku kalsoonaan karokana heli karo wararka iyo macluumaadka uu u baahan yahay xagga Siyaasadda,Caafimaadka, Waxbarashada, Tiknoolojiyada iyo madadaalloba, iyadoo wakhtiyaddiiIdaacaddu bixi jirtay la kordhiyey inta jeer ee Idaacaddu soo gasho maalintii.

 

Muddadiiuu madaxda ka ahaa Yusuf Garaad qaybta Afsoomaaliga ee BBCda waxay Laantu kabadbaaday laamo fara badan oo BBC du xidhay kadib markii la qiimeeyay tayadabarnaamijyadooda iyo baaxadda dhegaystayaasha ay leeyihiin. Waxaanay BBC SomaliSection ka mid noqotay Laamaha ugu tayada wanaagsan xagga barnaamijyada, isla markaanaah isha keliya ee Soomaalidu ka qaadato wararka lagu kalsoonaan karo, maadaamadalku galey dagaalo sokeeye dadkiina u kala baxeen qabaa’il kalsoonidiidhexdooduna luntay. Laanta Soomaaliga ee BBCda waxa lagu soo kordhiyeymuddadaas Website ka BBCSomali.com oo noqday mid dadka Soomaaliyeed aad uguxidhan yihiin ugalana socdaan wararka Soomaalida.

 

16July, 2002 Yusuf Garaad waxa loo magacaabey Madaxa Laamaha Africa ee BBC-dakadib markii ay howlo waxbarasho u baxday Kari Blackburn oo ahayd Haweenaydiihaysay jagadaas, waxaanu Yusuf Garaad xilkaa sii hayey ilaa intii ay ka soonoqoneysay waxbarashaddaasi.

 

Yusuf Garaad, siduu u maareeyayIdaacadda iyo Siyaasadihii gudaha Soomaaliya?

Kadibburburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii waxa dalku u kala qaybsameyGobolladdii Waqooyi-galbeed oo ku dhowaaqay Madaxbannaani (Somaliland) iyoGobolladdii Koonfurta Soomaaliya oo u kala baxay Maamul-gobolleedyo Qabiil kudhisan iyo Deegaamo ay ka taliyaan qab-qablayaal dagaal, waxaana hubaal ah insiyaasadihii ka socday dhammaan gudaha Soomaaliya laga soo bilaabo wakhtigaasiay salka ku hayeen Qabiil, isla markaana qof kasta oo Soomaaliyeed uu ugudambeynta noqonayo qolo uu ka dhashey (qabiil fulaan), sidaa awgeed layaabmalaha haddii aad marar badan maqasho Cabasho ay ka cabanayaan Yusuf Garaad iyoIdaacadda BBCda si isku mid ah Somaliland, Puntland iyo Qab-qablayaashii dagaalee Muqdisho. Si gaar ah haddaan u soo qaato cabashada ay ka cowdaan reerSomaliland Yusuf Garaad waxa uu si fiican ugaga jawaabey wareysiga uu bixiyeymaalintii uu ka tegay shaqada Idaacadda (eeg/dhegayso/daawo Link-ga hoose),hase yeeshee haddii aynu inaguba si dhex-dhexaadnimo iyo aqoonba leh u qiimeynowaxa aynu ognahay in BBCda qaybta Soomaaligu ka tirsan tahay Idaacadda weyn eeBBCda oo adduunka oo dhan la hadasha Siyaasadda lagu hagaana ay tahaySiyaasadda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, sidaa awgeed Yusuf Garaad iyo qofkale toona uma suuro-geli karto ilaa xad inuu ka fushado hay’ad intaa leeg aragtisiyaasadeed oo u gaar ah, maadaama aynu ognahay in Hay’addaha waaweyn ee dunidahorumartay ay leeyihiin Xeerar iyo nidaamyo Iskantaroolaya oo lagu ilaaliyohab-socodka shaqada iyo siyaasadihii u degsanaa.

 

Gabogabo

Ugudambeyntii Yusuf Garaad waa Hoggaamiyaha Soomaaliya u baahan tahay marxalladancusub ee laga baxayo Ku-meelgaadhnimada, Aqoon, Waayo-aragnimo iyo kartihoggaamineed oo la tijaabiyey.

 

 

AllaaMahad Leh,

 

 

Fuad Ahmed Nuh

Somali Politics Commentator

Hargeisa, Somaliland

Email: hoodaale2003@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.