Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciida Kala Qayb Galay Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Iyo Nuxurka Khudbad Uu U jeediyey Shacabka Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 19, 2012
Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta kala qayb galay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa tukashada salaada Ciida isaga oo kula tukaday Masjidka Mustijaamaca eek u yaala magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta kala qayb galay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa tukashada salaada Ciida isaga oo kula tukaday Masjidka Mustijaamaca ee ku yaala magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirada ,hogaanka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale ayaa ayaa shacabka magaalada Hargeysa waxay kala qayb galeen tukashada salaada Ciidal Fidriga.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey masaajidka Mustijaamaca ka dib salaadii Ciida ayaa

waxa uu shacabka Somaliland ku hanbalyeeyey munaasibada Ciida isla markaana waxa uu u duceeyey wadanka ay dhibaatadu ka taagan tahay ee Somaliya isaga oo sidoo kalana xusay inaan gooni isu taaga Somaliland marna gorgortan gali Karin, madaxweynaha waxa hadaladisii ka mid ahaa ; umada reer Somaliland waxaan leeyahay  Ciid Mubaarak ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu khayrkeeda ina siiyo bishii barakaysnayd  ee Ramadaan ,waxaan ilaahay waydisanaynaa inuu nabad galyo iyo wada jir siiyo guud ahaan umada muslimiinta ah.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi;waxaan umada Somaliland meel kasta oo ay joogto u soo jeedinayaa inay ogaadaan nabad galyada wada jirka,dawladnimada iyo midnimada oo uu dadkeenu isku xidhnaado.”

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya gooni isutaaga Somaliland iyo sida aanay marna gorgortana u gali karin ayaa waxa uu yidhi ;”waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo  oo aan dunida u sheego inay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo aan cidna marti uga ahayn dawladnimadeeda iyo madaxbanaanideeda,waxaan doonayaa inaan caalamka u cadayno inay dadka Somaliland yihiin dad mudo dheer u soo halgamay  madaxbaanidooda oo aanay jirin wax ka hor imanaya iyo wax ay uga gabanayaan toona,.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u duceeyey wadanka Somaliya ; waxaan jecelnahay in wadanka Somaliya ilaahay dhibaatada ka qaado oo ay nabad galyo iyo dawlad fiican samaystaan, oo aanu noqono dad jaara oo walaalo ah.”

Ugu danbayntii madaxweynaha Somaliland waxa uu shacabka kula dardaarmay inay ilaaliyaan wada jirkooda iyo nabadgalyadaba isla markaana meel uga soo wada jeestaan wixii wax u dhimaya wada jirka umada iyo nabad galyadaba.

 

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland.

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.