tukadeen ahayd Garoonka Kubadda Cagta ee Almzay stadium Burco.
Waxa garoonkaasi Dadweynaha Kula Tukaday Masuuliyiinta, heer Gobol iyo heer Degmo, saraakiisha ciidanka Booliska iyo milleteriga, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladaa, Culimo Awdiinka u waaweyn Gobolka, Saraakiisha Guddiga wanaagfarista iyo xumaan reebista iyo Masuliiyiin kale.
Waxa halkaasi Dadweynihii Tirada badnaa ee ku tukaday Khudbad dheer oo diini ah uga soo jeediyey Muftiga weyn Sh. Cali warsame, waxa uu si weyn uga hadlay fadliga bishii aynu soo dhaafnay ee Ramadaan iyo sida Dadweyne badani uga faaideysteen, waxan uu uga Digey in Dadku ay dib ula saaxiibaan shaydaankii laga xidhxidhay bishaa barakaysan ee maanta la soo daayey, Sheekhu wuxu si weyn ugu duceeyey ummada muslimiinta ah munasibadda ciida Awgeed, dhinaca kale wuxu sheekhu Dadweynaha Reer Burco u soo jeediyey inay ka qaybqaataan dhismaha dib u dhiska madaarka Burco.
Waxa isaguna Halkaas Dadweynaha kala hadlay Guddomiyaha Guddiga WAnaag farista iyo xumaan reebista Dr. C/raxman Axmed Raage, waxa uu ka sheekeeyey waxqabadka hayaddooda iyo waxyaabaha ugu badan ee ay wax ka qabteen, wuxu sheegay inay Dabargooyeen dhalinyaro ay u bixiyeen isla joog, sidoo kale wuxu sheegay in Goobaha mukhaadaaraadka iyo khamriga lagu iibiyo ay baabiiyeen, isla markaasna ay xidheen Video tiro badan oo habeenkii saacadaha danbe laga sii daayo filmaan aad u xun xun, Dr. Raage wuxu sheegay in iyagoo kaashanaya awooda dawladda, iyo awooda booliska ay wax badan wax ka qabteen fawaaxishta Gobolka inta ay arkaan ee banaanka u soo baxda, wuxu ka codsaday dadweynaha reer Burco inay la shaqeeyaan , oo ay ka saacidaan dhinacyo badan, isago xusay inaanay hayaddu miisaaniyad ku lahayn wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ay hoos yimaadaan sidaas darteedna loo baahan yahay in awood dhaqaale ay ku saacidan shacabka iyo ganacsatada reer Burco si hayaddu u sii shaqayso oo aanay xumaantii u soo noqon.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaalada Somaliland Cawil Galaydh ayaa isaguna Dadweynaha reer Burco ku hambalyeeyey waxqabadkooda iyo sida ay Nabadda u jecel yihiin, wuxu wax ka taabtay dhinaca Caddaalada oo uu sheegay in xukuumadda siilanyo ay ka Goantahay mar walba wax ka qabashada iyo kobcinta garsoorka Dalka.
Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer Saleban Dhegocade ayaa isna shacab reer Togdheer ku canaan tay wada shaqayn laaan iyaga iyo Booliska ka dhaxaysa, waxa uu ka codsaday inay Booliska la shaqeeyaan, isla markaasna qofka denbi gala ama xumaan lagu qabto aan la garab istaagin oo la difaacin ee loo dhiibo ciidanka Booliska markiiba, wuxu ku waaniyey inay nabadgelyada ka wada shaqeeyaan.
Badhasabka Togdheer Cabdo Aayir ayaa shacabka reer Togdheer isna Hambalyo u diray Munasibadda Ciida Awgeed, Badhasaabka oo ku hadlayey afkii xukuumadda Somaliland ahaan masuulkii ugu sarreeyey ee saaka Dadweynaha kala hadla Meel fagaare oo lagu tukanayo salaadda ciida ay in badan ka sheekeeyey Xaaladda Nabadgelyo ee Gobolka, Badhasabku wuxu sidoo kale ka warbixiyey waxyaabo badan oo Gobolka u qabsoomay iyo hawlo badan oo ay fuliyeen, waxaanu Reer Togdheer u soo jeediyey inay Gacan ka geystaan Dhismaha Madaarka Burco iyo wadada Isku xidha Burco iyo Hargaysa.
Gebo gabadii waxa Ciidani ay noqonaysaa ciidii ugu saxmadda badnayd ee Dhammaan dadku si siman ay u ciidaan, waxaana muuqanaysa Bilicda Dhammaan ba Dadka tirada badan ee jidadka Magaalada Qulqulayey waxyna Dadku iskugu hambalyaynayeen Ciid Mubaarik, iyo Macal Ciideyn.
WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW
Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com