Bismilaahi Raxmaani Raxiim Ilaahay baa mahada leh
CIID MUBAARIK DHAMAAN UMADA NABI MAXAMED SALAWAATUL LAAHI WA SALAMUHU CALAYHI
Waxaan halkan mahadnaq gaar ah umarinayaa dhamaan warbaahinta sida hufan wararka noo so gaadhsiisa .
Dalka waa loo simanyahay waana loo wada dhashay hanaankii iyo musuuliyadiina masuul baa loo igmady si loogu gudbiyo tabalooyinka iyo cabashada shacabka.
Arintaa waynu isla garanay, waxa se aynu isla garan lanahay ee marwalba isfaham la aantu
ka dhalataa , waa hufanaan la aanta iyo dhinac u liica hafiyey fidraddii wanaagsanayd ee bani aadamka Ilaahay ku abuuray markuu dhasho waxuu nabigeenu calayhi salaatu wa salaam yidhi (( kulu mawluudin yuuladu calal fidra fa abawaahu yuhawidaanihi aw umajisaanihii aw yunasiraanihi)) oo macnaheedu yahay qofwaliba wuu ku dhashaa fidrada wanaagsan lakin abaha iyo hooyada dhalay ayaa ka leexiya kuna barbaariya tay iyagu ku dhaqmaan.
Qofka mudan ee hufan ee wanaaga u dhasha fidrad wanaagsana lagu so kocbiyo waxa dareema fidrada wanaagsan ee aan wali la leexin halka ta laqalociya ama fidrada laga leexiyaa ay wanaaga kadhimato
Waxaan leeyahay Ninka labaxay Cusmaan maxaa kaa leexiyay fidradii wanaagsanayd ee ilaahay kugu munaystay malintaad dhalatay ee aad beeldhan u aflagadaysay.
Waxaad tidhi mashruuc bay wataan ay somaliland ku burburinayaa oo loo so dhiibay maxaa waxaas oo dhan keenay ee aad fitnad aasan u nolaynaysaa Maad ku ekaatid wasiirkaaga iyo xildhibanada.
Wamaxay waxan idhaha iyo maankaba ka daboolay.
mawaxaad garan wayday ninkan wasiirka ah ee ay xildhibaanadu kacabanayaan ciday uga cabanayaan inaytahay dawlada uu madaxwayne siilaanyo madaxda kayahay oo waliba ay isku hayb yihiin madaxwaynaha Maxaa keenay Habaryonis, Ilaahay baan ku dhartee maangaab baad tahay.
hadii qofka laga cabanayaa iyo qofka loo cabanayaa ay beeshaada kasojeedaan maxaa ku waalay ee aad beeldhan u aflagadaysay.
Hadalkayga waxaan ku so gabagabaynayaa Osmaanaw hadii aad kabaqayso in wasiirkaga macdanta xilka lagaqaado waxaad ogataa in garsoorka garta qadaya uu yahay nin ay wasiirkaga macdanta isku beelyihiin haday taasi kugu filaanwaydo waxaad ogataa in fidradii wanaagsanayd ee ilaaahy kugu abuuray laga leexiyay sida lo tosiyaana ay adagtahay.
Ilaahay baa mahadleh.
Maxamed Ismail
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga