Hargeysa(HWN):- Xisbiga Kulmiye ayaa maanta Xaflad ay ku shaacinayaan Musharaxnimada Hodan Axmed Cabdillaahi oo ah gabadhii ugu horeysay ee iska soo sharaxda ilaa hadda xisbiyada iyo Ururada siyaasiga ah ee ku tartamaya doorashada golayaasha deegaanka ku qabtay Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan Waxa Ka Soo Qayb-galay Wasiiro , Xildhibaano, Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga Kulmiye, Madax Dhaqameedyo , Iyo Haween aad u tiro badan.
MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibbada Ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar waxaana musharaxad hodan u rajeeyey guul iyo in ay ka mid noqoto xidhibaanada soo socda ee golaha deegaanka waxaana uu intaasi ku daray in Hodan Axmed ay ka mid ahayd haweenka ugu cad-cad xisbiga kulmiye wakhtiga doorashada .
Dhanka kale wasiirka Arimaha Dibbada ayaa ka tacsiyadeeyey shacabka iyo xukumada Itoobiya geerida ku timi raysal wasaarihii dalkaasi .
Waxa kale oo uu ka hadlay wasiirka arimaha dibbada ee Somaliland arinta dastuurka somalia oo sheeganaya dalka Somaliland waxaana uu masuliyiinta Somalia ugu baaqay in ka waantoobaan arimaha noocaas oo kale ah oo uu ku tilmaamay in ay keeni karaan deganaansho la,aan ka dhaca Mandaqada.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay wasiirk ku Xiggeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xusseen Qawdhan waxaana ay ku tilmaantay Musharax Hodan in ay tahay qof ku astaysan karti badan una qalanta in la doorto iyadoo ugu danbayntii ugu baaqday haweenka Somaliland in ay u tafaxaytaan sidii ay u soo saari lahaayeen Musharax Hodan Axmed Cabdillaahi iyagoo u huraya Cududooda , iyo Dhaqaalahoodaba.
La Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Haweenka ayaa waxa ay iyana ka sheekaysay in sababta kaliftay in ay hodan isa soo sharaxdo ay ka dambaysay markii haween ahaan ay ula tageen dalabka ah in ay ka mid noqoto haweenka u taagan doorashada golaha deegaanka isla markaana ay ka aqbashay iyaduna waxaana ay haweenka Somaliland ugu baaqday in dhigaan rikoodh aan hore loo arag .
Geesta kale waxa halkaasi ka hadashay Amran Bile oo ku hadlaysay Afka Qurbo Jooga dalka waxaana hadaladeedii ka mid ahaa :-Hodan mudo kooban ayaan aqaanay, balse waxaan jecelahay inay tahay gabadh karti badan oo wax badana qaban karta. Aniga oo Jaamacadda dhigta ayaan idhi anigu hogaamiye ayaan ahay dabadeedna Macalinkayagii ayaa I waydiiyey, waxaan ku idhi 6 Caruura iyo Aabahood ayaan Maamullaa, markaa waxaan filayaa Hodanna waxay igu soo laban-laabmaysaa, waxaanay Masuul ka tahay 12 Caruur ah iyo Aabahood, markaa waxaan qabbaa inay hogaamiye tahay, waxaanan balan ku qaadayaa hadii aan noqdo inaan Hodan u soo olalayn doono oo aan Facebook iyo goobaha kale ee bulshadu ku kulantabba aan uga soo olalayn doono. Dumarku waa warshad wax walba qaban kara, markaa dumarow codkiina ugu deeqa Hodan garab is taaga.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf , Guddoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye , Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, Maxamuud Jaamac Warfa Guddoomiye Ku Xiggeenka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye , Guddoomiyaha Dallada Nagaad Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi waxaana ay dhamaantoodba gacmo furan ku soo dhaweyeen Musharaxad Hodan Axmed Cabdillaahi oo ay sheegeen in ay codkooda ugu deeqi doonaan .
Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye oo Munaasibadaasi Ka Hadlay ayaa xusay in uu si aada ugu Faraxsan yihiin in ay arkaan dumar u taagan doorashada golaha deegaanka waxaana uu bogaadiyey gacmo furana ku soo dhaweeyey musharaxadan maanta ka mid noqotay Musharixiinta ka tartamaysa xisbiga Kulmiye .
Geesta kale waxa uu haweenka reer Somaliland u soo jeediyey in ay is taageeraan oo ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay isu soo saari lahaayeen maadaama oo ay yihiin maanta quwada ugu badan ee dalka.
Gabagabadii waxa halkaasi ka hadashay Musharax Hodan Axmed C/laahi waxaana ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka haysta dumarka haddii ay ku guulaysato xilka ay u sharaxan tahay isla markaana ay wax badan ka qaban doonto arimaha horumarinta Magaalada sida soo celinta bilicda, waxaana ay aad ugu mahadnaqday Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha goob jooga ka ahaa Munaasibadaasi .
Musharaxad Hodan Axmed Cabdillaahi waxa ay in muddo ah ka shaqaynaysay Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa .
Hadhwanaagnews.com
Hargeysa/Somaliland
C/casiis Caydiid Cilmi(Yemeni)
abdiaziiz@hadhwanaag.org