salaan bahda hadhwanaag-news, intaa kadib waxaa maal maahan kasocda somaliland dhaqdhaqaaq xukuumadan usha-boocda ah kutukubaysa
iyo dhalinyaro qiiraysan, oo waxba reebanaynin, markastana odhanaya adeero aan sax iyo khaladba kutaageerno.
maah maah carabiya ayaa tidhaahda (khayr hasamayn sharba kuuma yimaadee) walow maah maah daasi aanay sax ahayn 80%.
labaatanka soo hadhay ayaa maah maahdaasi ay dul istaagaysa ama ay qusaysa,
dawladan imika xukunka haysa waynu wada xasuusanayhay markii ay ololaha doorashada kujirtay
ee meel walba ayka odhan jirtay walaala layaal hadaad idoorataan wax badan oo udub ay idinka xistiday ayaan samaynaya.
ilaa xadna ay is dhul dhigi jirtay maalin ayaan xasuusta siilaanyo oo oodwayne tegay xiligi doorashada
makhaayad dhinaceen ayuu jawaab kufadhiistay hadhuub caano geel ahna ayaa lookeenay.
taasoo
ay kaqumanayd inuu kursi kufashiisto meeqaan sarena isgeeyo wixii hadal ubanaana uu yidhaahdo
laakiin halkaa waxaa kacadaanaysa inuu kursiga wax walba usamayn jiray.
arinta labaad waxay tahay oday maalma dhawayto hadhwanaag lagusoo daabacay oo yidhi 90 jir ayaan ahay oo reer berbera ah
yidhina gurigaygii ayaa habeen madow loosoo dhacay iyadoo lagu mar marsoonaya argagixiso ayaan kashakinay.
afkiisa ayuu kaqirtay waxaan garanaya markii madaxwaynaha iskuulka lagu darayay ee hawd lagasoo kaxeeyay.
in badana saaxiib ayaanu hayn, barigii doorashadana gurigayga ayuu markasta igu soo booqan jiray
madaxiisana rag badan ayaanu isku seegnay, aakhirkiina waakaa habeen madow gurigaygii askar usoo diray.
dadka madaxwaynaha ilaa xadka taageersan, ayaa dhawr meelood laga eegay waxaa la ogaaday inay beeshiisa ubadan yihiin
marka laga reebo qaybta buur-madow.
hadaba qaybta aadka utaageersan ayaa is urursigooda waxaa ugu wacan iyaga oo in mudo ah kutaamayay inay adeero mar uun meesha
fadhiisiyaan xisbiga kulmiyana isugu wada yimi.
halka beelaha kale miisaankoodu uu ururada ukala qayb sana,
halka waxaa lagala soo baxaya in dadka ilaahay aanu wada simin maskax ahaan, iyo fikir ahaanba.
hadaba su,aashu waxay tahay maxaa dad meel isugukeena ama hal fikir ay uwada qaataan?
jawaabta dhawr meelood ayaa laga dooni karaa.
1, in marka quruub laga tira badan yahay ay isasoo saaraan sida (xabuusho)
2, udhasho ah in dadku qabiilaysiga kukala dheereeyaan.
3, marka in mudo ah qoomiyad ama dad madax lagaga taagnaado ama la cadaadiyo waxay keenta inay is urursadaan.
arimahan caadifada qabiilku waxay saamaysay xitaa qaar losers ah oo aan marfash yada kakicin,
hawadana wax kaduulinaya danahoodii khaaska u ahaana ay bari hore ilaaween.
website yada gaarka looleeyahayna ama beeleedka ah, qaarkoodna waxaaba waxkusoo qora dhalinyaro
aan khibrad lahayn daaqadana kaga soobooday yidhina waa keeni kani ee shaqo iga siiya.
gabagabadii hadii somaliland ay sidan kusii socoto waxay qarka usaaran tahay inay uqaraxdo sida
bamb oo kale maxaayeelay hadii meesha uu qabiilaysigu kubato waad nacaysa oo adna adeerka ayaad jeebka kalasoo baxaysa.
wabilaahi towfiiq
by haaruun
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga