Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ganacsadde Axmed Xasan Oo Si Kulul U Beeniyey In Wasiirka Maaliyadu Cashuur Dhaaf U Sameeyay Shirkadiisa Seed General Trading Co.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, August 28, 2012
Anigana waxa laygu yidhi mudo laba cisho dabadeed soo noqo inta la soo hubsanayo,Wasiirku wax cashuur dhaaf ah nooma samayn, kaliyaata waxa uu qabtay shaqadii uu qaranka u hayay.

Hargeysa (HWN) - Mulkiilaha Shiradda Seed General Trading Co. Ganacsade Axmed Xasan Seed ayaa Maanta Si adag u beeniyay War ku Soo baxay Wargeyska Hubaal Cadadkiisii 27-aad, taasi oo sheegaysay in Wasiirka Maaliyadu Cashuur Dhaaf u sameeyay Shirkadda Seed Co.

Ganacsade Axmed Xasan Seed oo maanta Shir Jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Magaalada

Hargeysa ayaa Waxba kama jiraan ku Tilmaamay in Wasaarada Maaliyadu Cashuur Dhaaf usamaysay isaga oo soo bandhigay Decomenti cadaynaya Tacriifadaha Cashuuraha lagu bixiyo iyo Qaabka Bil walba shirkadu u bixiso Cashuuraha ku Waajibay iyo macaashal macaashkaba.

Ganacsade Axmed Xasan Seed oo Waxyaabo badan kaga hadlay shirkiisa jaraa’id ayaa waxa uu ku bilaabay sida tan Anigoo ah Ganacsade Ahmed Hassan  Seed, mulkiilaha shirkada SEED General Trading Co. waxaan halkan ku beeninayaa war kusoo baxay jariidada Hubaal. Oo ku saabsan in wasiirka maaliyadu qiima dhimis sharci daro ah noo sameeyay Waxaan qoray Arji aan ku codsanayno laba shay oo aan ku jirin buuga tacriifada in lagu soo daro buuga tacriifada,si loo cashuuro,  labadaas shay oo kala ah Madiibado dhoobo yar yar iyo madiibado dhoobo dhexe. Waxa kaliyaata oo buuga ku jira madiibada dhoobada ah ee waawayn.  Taasi oo aan u aragnay faaiido dalka aan u soo kordhinay. Maalin walba wixii cusub een tacriifada kujirin sifo sharciya ayaa loo maraa si loogu soo daro.  Aduunkana maalin walba wax cusub ayaa soo kordha waana lagu daraa, waana mid aan kala simanahay dunida inteeda kale.

 

Haddaba anigoo arintaa kaduulaya ,waxaan sifo sharciya ugu tagay agaasimaha waaxda kastamada  isna wuxuu si toosa ugu gudbiyay  wasiirka maaliyada,   wasiirkuna wuxuu  agaasimaha ku amray  in sharciga lawaafajiyo hadii aanay kujirin  buuga tacriifadana lagu daro sidii caadada ahayd.

 

Haddaba  Agaasimaha waaxda kastamadu wuxuu gudi sadex sarkaal kakooban  u saaray inay soo qiimeeyaan  si loogu soo daro buuga tacriifada, sadexdaas sarkaal oo kala ahaa Maxamuud Gahayr, Maxamed Ducaale, Ahmed  C/laahi  oomaar.

 

Anigana waxa laygu yidhi mudo laba cisho dabadeed soo noqo inta la soo hubsanayo,Wasiirku wax cashuur dhaaf ah nooma samayn, kaliyaata waxa uu qabtay shaqadii uu qaranka u hayay.

 

Waxaan kamid ahay ganacsatada dakhliga soo galisa wadanka, oo mudan sharaf. Sifo sharciyana wax ku cashuurta.

Haddaba, waxaan leeyahay ninka wasiirka sharafta iyo maamuuska kamudan qaranka ee kadoonayay sifihii hore ee lacagta lagu cuni jiray, waxba yaanu xagxaganin anagana naga dhiganin salaan been abuur ah oo wasiirka loo maro, wasiirku maaha nin qabiil  meesha u fadhiya ee waa nin qaran u fadhiya.

 

Haddaba, waxaan leenahay wargayska Hubaal iyo cida kadanbaysa inay kasoo baxaan daaha dabadiisa oo ay usoo badheedhaan wasiirka iyo xukuumada.Sidaa daraadeed, Jaraa idka HUBAAL  iyo cida kusoo qortayba waxaan latiigsan doonaa maxkamad sharci ah, Kamana hadhayo,  waxaanan karabnaa cadayntii iyo halkay ka keeneen been abuurkaas.

 

Waxaanan aaminsanahay cida qoraalkaas been abuurka ah samaysay inay wasaarada maaliyada hore uga tirsanaan jireen, kuwaasi oo ah kuwii ku mamay hantida umada.Haddaba markaan maxkamada sharciga ah latiigsano ayay cadaan doontaa cida waxaa kadanbaysaa.

Cashuurta dalka lagu maamulo anagaa bixina oo ganacsatada ah, tusaale ahaan sanadkii ugu danbeeyay ee 2011, waxaan bixiyay billions, wax nagu baaqdaanaa majirto, wixii aanu bixinay cadaynteedii oo u record garaysan wasaarada maaliyada iyo company ahaanba, waan haynaa.  Ee nin hadal madhan oo bilaa xaqiiqa cidla lafadhiyaa mahaboona inuu  dadka xajiimeeyo oo isku qaado waxaanu xaqiiqadeeda ogayn.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.