qabto Bulshada Allaybaday waxaanu kulankaasi ku qabsoomay Xarunta Maamulka Degmada Allaybaday, Kulanaasi oo socday 3 maalmood oo xidhiidh ah waxa si wada jir ah loogu sameeyay Guddiyo ka shaqayn doona Arimaha Danta Guud sida
1. Guddida Amniga iyo Arimaha Dhulka
2. Guddida Arimaha Bulshada
3. Guddida Dhaqaalaha
4. Guddida Beeraha iyo Xoolaha
Gudoomiyaha Degmada Allaybaday waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in ay kulano danbe isugu iman doonaan isaga oo yidhi waxa lagama huraan ah in aan waxa iska waydiino sidda ugu haboon ee aan wax uga qaban karno Waddada isku xidha Hargaysa iyo Allaybaday oo ah waxa inoogu mihiimsan haddii aynu nahay Bulshada Degmada Allaybaday, maantana waa ilaahay mahadii mar haddii aynu wada fadhino intii badan Duqaydii ,Odayaashii, Waxgaradkii, Dhalinyaradii, Cuqaashii iyo Culimo awdiinkiiba, inta dhimana waxa aan ku dadaali doonaa in aan ula kulmo sida ugu dhakhsaha badan haddii Aleh yidhaahdo,balse inaga waxa la inooga baahan yahay in aynu iskaashano oo aan wax wadda qabsano Guddo iyo Dibadba markaasi ayaynu ka doonan doonaa wixii kale inaga Xidhma Dawlada iyo Cidii kale ee inaga Caawinaysaba Waddaasi,
dhanka kale waxa uu Gudoomiye Axmed Kulankaasi ka sheegay in uu diyaar u yahay in kolba wixii Degmada kazoo baxa ee Dakhliya uu kala tashan doono Odayaasha Magaalada wixii lagu qabanaayo oo aanu kaligii talo ka gaadhayn, isaga oo yidhi anigu idinka ayaan idinka mid ahay goÂ’aanka aan gaadhayaana waa in ay noqdaan kuwa aad idinku raali ka tihiin, Ayuu kusoo koobay hadalkiisii Gudoomiye Axmed.
Hadaba Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Allaybaday waxa uu bilaabay Talaabooyin muuqda oo ah siddii loo horumarin lahaa Degmada Allaybaday gaar ahaan Adeegyada Bulshada iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, waana Gudoomiyihii ugu horeeyay ee kulamo socday 3 maalmood isugu yeedhay qaybaha bulshada Degmada Allaybaday, sidoo kalena Sameeya Guddiyo waxayna noqotay talaabo horumar ah dadwaynuhuna ku dhaqan Degmada Allaybadayna ay aad soo dhaweeyaan.
Wariye; Ismaaciil Cabdi Muxumed
Allaybaday.
Hadhwanaagnews Gabiley Office