Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ayaa sheegay in shirkani dabada ku hayo sidii loo Hurumarin lahaa Arimaha Bulshada iyo danaha dadweynaha Reer Awdal isagoo Suldaanku kamid ahaa Salaadiin lagu marti qaadey Shirkan waxaana kamid ahaa hadalkiisa ku bilaabay sidan.
Marka u horeysa waxaan u mahad celinayaa Shabakada Wararka Hadhwanaagnews sida ay had iyo jeer usoo gudbiso wararka iyo dhacdooyinka iyo arimaha kajira Guud haanba Somaliland intaa kadib Shirkani tol ayaa layidhaa waana mid ku yimid arin toleed oo ah Beelaha degan Gobolkan Awdal iyo Salel iyo Gabiley ee (Samaroon) waana mid lagu xalinyao khilaafaad yar oo jirey laguna Hurumarinayo Bulshada oo danaheeda lagu wado, oo ah sidoo Xukuumada loola socon lahaa loola shaqeyn lahaa loolana noolaan lahgaa Beelaha dariska ah si wanaagsan iyo in wixii Gudihiisa ah tolku isa saxo oo wixii khaladaad ah ee jira lagu dhameeyo, waana dood Cilmiyeed socota oo Siyaasad ka madax banaan kuna sahabsan sidii badanaa bulshadau hurumarinta meel uga soo wada jeesan lahaayeen, Xildhibaanadii ayaa jooga oo lagu martiqaadey Salaadiintii, Aqoonyahankii iyo qeybo badan oo kamid ah Bulshada xaley waxa ka Hadley Madaxdii Dowlada Wasiiradii sida Wasiirka Beeraha, Dibudajinta iyo Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada, Gudoomiyihii Gobolka Maayarkii Degmada, dhamaantood waxey sheegeen in Xukuumadu taagereyso oo aanu dhib u laheyn Somaliland, waxaan maqalney in ay rag dhinacyo badan ku xidhiidhiyeen oo ay Shirkan sikale u dhigeen oo ay Xamar yidhaahdeen ayuu ku xidhiidhsan yahey Waxaan u sheegeynaa Bulshada Somaliland in aanay arintaasi waxba ka jirin Shirkani aanu dhaafsiisneyn tolka degan AwdalAyuu yidhi Suldaan Ibraahim.
Mar la weydiiyay Suldaanka in uu ku adkeysanayo in aaney habayraatee jirin cid Reer Awdal ah oo kasoo horjeeda nuxurka Shirkan iyo waliba Su,aal kale oo ku sahabsaneyd maadaama aad Xustey Suldaan in ay joogaan Wasiiradii Xukuumadu sababta uu uga soo qeyb gali waayey Wasiirka Qoyska iyo Arimaha Bulshada iyo Waliba raga Miisaanka culus ku leh Siyaasada Gobolka Awdal ee ay kamid yihiin Madexweyne Kuxigeenkii hore C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Amsador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye waxa uu ku jawaaay Suldaanku sidan.
Anagu war uma hayno koley idinku wariyayaal ayaad tihiin oo waxa laga yaaba ain ay meelahaa qaar idiinku yimaadaan,kuwaana shirku ma oga horta Wasiirka war uma hayo C/raxmaan Aw Calina Hargeysa ayuu joogaa Amsador Nuuriyana wuu joogaa laakiin waa nin weyn oo had iyo jeer ma galo arimaha laakiin anigu garan mayo waxa uu ku diidayo hadii layidhaa tolkaa ayaa shirayaAyuu hadalkiisa kusoogabagabeeyay Suldaan Ibraahim Jaamac Samater.
Waa markii u horeysay ee nooceeda ah oo Shir noocan oo kale ahi ka furmo Boorama iyadoo, aad moodo in aanay dadweynaha Reer Boorama daneyneyn Shirkan Guud ahaanba halka ay shaley ka muuqdeen Gudha Huteelka Rays dhalinyaro kooban oo ka biyo diidsanaa laakiin iyagu ku anadcoonayay in ay Shirkan hogaaminayaan aqlibiyad ahaan ragii kasoo hor jeeday Ugaaska Beelaha Samaroon Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Hadhwanaagnews Gabiley Office