Burco(HWN):-Ururr-siyaasadeedka Waddani ayaa maanta xaflad balaadhan ku soo bandhigay 21-ka musharax ee ururkaas uga tartami doona magaalada Burco ee xarunta Gobalka Togdheer,munaasidan oo si cajiib ah loo soo agaasimay isla markaana lagu maamuusayey dhoolo tuska munadayaasha cusub iyo awoodda siyaasadeed ee uu ururrkaasi ku leeyahay Gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay Hotelka RAMAD ee waqooyiga magaalada Burco.
Dad badan oo ka mida taageerayasha urur siyaasadeedka Waddani iyo musharaxiinta u tartamaya doorashada golaha deegaanka ee magaalada Burco kuwaas oo u tartami doona ururka Waddani ayaa soo buux dhaafiyey
madasha ay munaasibadu ka dhacaysay.
Munaasibadan waxa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirr] iyo xubnaha kale ee wafdi balaadhan ah kuwaas oo isugu jira xildhibaanada Golaha wakiilada ee ururrkaasi dhawaan ku biiray iyo taageerayaal farabadan oo ka socday Gobolada Togdheer,Oodweyne iyo Maroodijeex.
Maayarka magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan [Dhagalaab] ayaa ka mid ah musharaxiinta ururka Waddani uga tartamaya deegaanka Gobalka Togdheer, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee ururka Waddani Xuseen Kaahin Xayd oo ugu horayn ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey sharaxiintan gobolka Togdheer uga tartamaya ururka Wadaani
sharafbay ii tahay maanta inaan hortiina ku soo bandhigo xildbibaanada cusub ee ururrka Waddani uga sharaxan Gobalka Togdheer, kuwaas oo aan filayo inay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha ka jira gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco,waanan soo dhawaynaynaa musharaxiinta.
Waxa kale oo isaguna munaasibadan ka hadlay Cismaan Afgaab oo ka mida musharaxiinta ururka Waddani uga tartamaya doorashada golaha deegaanka ee magaalada Burco waxaanu sheegay inay maanta tahay maalin qiimi badan isla markaana lawada sugayey maanta waa maalintii qaaliga ahayd ee aynu wada sugaynay, taas oo aynu ku soo bandhigayno musharaxiinta ururka Waddani uga qayb galaya doorashada golaha deegaanka ee magaalada Burco ayuu yidhi Mr Afgaab.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Maayarka magaalada Burco Maxamuud Xasan Dhagalaab oo ka sharaxan ururka Waddani waxaanu sheegay inuu kamid ahaa Xisbigii laga guulaystay ee UDUB imikana uu ka tirsan yahay urur siyaasadeedka Waddani waxaanu yidhi anigu waxaan ka tirsanaa Xisbigii UDUB markii uu xisbigii burburayna waxaanu aniga iyo rag kalaba go;aansanay inaanu ku soo biirno ururka Waddani, oo aan musharax ka noqdo si aan ugu tartamo doorashada golaha deegaanka ee magaalada Burco ayuu yidhi Mr Dhagalaab.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Cabdirisaaq Maxamed Jaamac oo ahaa maayar ku xigeenka magaalada Burco kana mida musharixiinta cusub ee Magaalada Burco waxaanu sheegay inay uga baahan yihiin shacabka reer Togdheer inay taageero dhaqaale u fadiyaan.
Yuusuf Haybe oo isaguna ka mida musharaxiinta xafladdaasi loo qabtay oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay markii ay si balaadhan ugu qanceen hogaaminta iyo siyaasad wanaagga hogaanka sare ee ururrka Waddani inay hoosta ka xariiqeen inay iska soo sharaxaan ururrka Wadani markii aanu ku qanacnay hogaaminta wanaagsan ee hogaanka ururrka Waddani waxaanu goaansanay inaanu ku soo biirro ururka Waddani isla markaana iska soo sharaxno ayuu yidhi Mr Haybe.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Xirsi Salaax Axmed oo kamida musharixiintaasi waxaanu sheegay inuu ka tirsanaa ururrkii burburay ee Badbaado balse uu ku doortay hankiisa siyaasdeed inuu ka dhex hilaaco Waddani Mr Xirsi waxa uu sheegay inuu waxbadan ka muujin doono hawlaha looga fadhiyo anigu waxaan ka tirsanaa ururkii Babdaado ee burburay waxaanan goaansaday inaan himiladaydii siyaasadeed ka dhex bilaabo ururrka Waddani,hadii aan ku guulaysto xildhibaanimada golaha deegaanka ee magaalada Burco wax badan ayaan qaban doonaa. ayuu yidhi Mr Xisri Saalax.Oday.
.waxaa iyana madashaasi ka hadashay Marwo Faadumo Shaacib oo ah Gudoomiyaha heer qaran ee garabka haweenka urur siyaasaddeedka Waddani waxaanay sheegtay inay ururrada iyo Xisbiyadii hore ee sii jiray ku tartamayaan saaxadda siyaasadda balse ay ciyaartaasi tahay mid saaxiibtinimo oo aan cadawad iyo saxarad toona lahayn.
Dhanka kalana waxay si balaadhan u amaantay hogaamiyaha ururrkaasi Mr Cirro waxaanay tidhi maanta waxaan haysanaa hogaamiye aqoon leh oo daacad ah waana mida aynu ku wada raacnay ee ilaahay haynagu guuleeyo kursiga Madaxweyne-nimadaayey tidhi Marwo Faadumo Shaacib Gudoomiyaha garabka Haweenka ee ururrkaasi Waddani.
Cabdi Aw siciid Xaali Cawaale oo ka mida musharixiinta Gobalka Maroodijeex ee ururka Waddani oo isaguna ka hadlay munaasibadan waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dadka reer Somaliland isku duubnaadan gaar ahaan kuwa reer Togdheer balse waxa uu dadka xasuusiyey inay lagama maarmaan tahay inay markastaba codeeyaan si ay qiimo badan ugu soo jiido qaranimada Somaliland.
Axmed Cali Ubaxle oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay inay soo bandhigeen dad aqoon iyoi karti lagu hubo kuwaas oo ururka Waddani uga tartami doona doorashada golaha deegaanka ee magaalada Burco,waxaanu yidhi maanta waxaad ogtihiin inay dadka qaarkii leeyihiin Waddani waxaa taageersan Gobalada Somaliland oo dhan iyo Xukuumadda aan dhisanay waar waxaan idin waydiiyey hadii ay dadka intii waxgaradka lahayd ee beelaha Somaliland oo dhan iyo xukuumaddii aynu dhisayba taageereen oo ay Xukuumaddiina leedahay annagu ururrkaasi wax dhibaato ah uma haysano waa wax lagu farxeeayuu ydihi Axmed Cali Ubaxle.
Dhanka kalana waxa uu soo sheegay inay nasiib darro weyn tahay xiligan oo la gaadahay.xiligii xadaaradda inay wali jirto naanaysta ah Bariga Burco iyo Galbeedka Buro,Gudoomiyaha ururrkaasi Wadani waxa uu sheegay inay dhaqan iyo akhlaaqba u tahay inuu walaalo layahay dhamaan ururada kale iyo Xisbiyada kale ee uu tartanku kala dhexeeyo.
Dhanka kalana waxa uu si weyn ugu dhoolo cadeeyey isla markaana si cad ugu dhawaaqay inay Waddani Farxad u tahay inuu ku soo biiray Maayarkii magaalada Burco maanta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu Maayarkii Burco oo berigii uu ciyaartoyga ahaa ugu goolal dhalinta bandanaa inuu ku ka sharaxan yahay urur siyaasadeedka Waddani maantana waxa looga fadhiyaa inuu noqdo ninka ugu siyaasada fiican ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada golaha deegaanka ee dalka.
Ugud danbayntii gudoomiyaha urur siyasaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey musharaxiinta ururka Waddani uga tartami doona xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco kuwaas oo uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan horu marka magaalada Burco hadii ay ku guulaystaan xildhibaanimada golaha deegaanka ee magaalada Burco.
Hadhwanaagnews.com