Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kor Meer KU Soo Maray Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa.+Sawiro.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 01, 2012
Hargeysa(HWN):-madaxweyne ku xigeenka Somaliland md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta kormeer ku soo maray halka ay marayso hawsha dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-madaxweyne ku xigeenka Somaliland md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta kormeer ku soo maray halka ay marayso hawsha dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Kormeerka uu madaxweyne ku xigeenku ku  soo maray garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa oo uu ku wehelinayey wasiirka duulista iyo hawada Md.Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale ayaa waxa uu ugu kuur galay sida ay u socoto hawsha dhismaha garoonka.

Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi

oo madaxweynaha ku xigeenka warbixin ka siiyey sida ay u socoto hawsha dhismaha garoonka ayaa waxa uu sheegay inay dhawaan bilaabmi doonta wajiga labaad ee dhismaha garoonka isla markaana la dhamaystiray wajigii koowaad ee dhismaha garoonka.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa warbixintiisa ku bilaabay  sidan ; “mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxa uu u qaybsan yahay Run-way ah 2km kaas oo la goynayo meelaha uu ka jilicsan yahay, ka dibna waxa lagu kabayaa qalab laysku qooshay oo adag, waxaanu rajanaynaaa inuu mashruucani dhamaan doono bisha septenber, ka dibna waxa la bilaabi doonaa wajigii rasmiga aha ee Run-way-ga kaas oo ah in la sameeyo laba lakab oo kala sareeya markaa wuxuu noqonaya mid cusub,kan horana lama wada qaadayo waayo wuu adag yahay.”ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in heshiiska ay la galeen shirkada gacanta ku  haysa dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa uu yahay in sanadka cusub la furo garoonka wakhtigaas oo dhismihiiu dhamaanayo waxaanu yidhi wasiirku “;Sida aanu heshiiska ku galnay shirkada wada dhismaha garoonka waa inuu mashruuca dhismaha garoonku dhamaado 31/12/2012, kaas oo uu Run-wayga cusubina bilaabmi doona sanadka cusub..”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariic kale oo laga fulin doono garoonka caasimada Hargeysa waxaanu yidhi “; “Garoonka shaqo ayaa ka socota,garoon aanay shaqo ka soconina ma jiro, runtiina way qurux badnayd in mashruuca la daba mariyo xiliga xagaaga ee ay dadku imanayeen hase yeeshee dadkii ina siiyey mashruucan ayaa wakhtigan ugu tala galay in la dhiso garoonka,waxa kale oo dhismaha garoonka xigi doona mashruuc kale oo lagu balaadhin doono dhismaha garoonka ee qolalka VIP-da ,waxaana weheliya mashruuc kale oo ay fulinayso hay,adda US-Aid ee maraykanka ah kaas oo ah in dab laga dhaliyo dabaysha mashruucaas  oo madaarka ka haqab tiri doona inuu  helo laydh ku filan, waxaana hada la dhamaystiray qurxintii terminal-lada garoonka kuwas oo ay fulinaysay dawlada Somaliland.”

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

 
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.