Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Burco: Xisbiga NEW UCID oo Dhoolatuskii ugu ballaadhnaa ka wada Gobolka Togdheer iyo Munasibado is daba joog ah oo uu ku soo Bandhigayo Murashaxintii Golaha deeganka Burco (SAWIRO)


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 01, 2012
Xisbiga UCID ayaa xalay madal kulmisay Dhalinyaro, haween, cuqaal, xildhibaano iyo aqoon yahan tiro badan ku qabtay Hotel cigaal ee magaalada Burco kuna soo bandhigay 4 Murashax oo ka mid ah Murashaxiinta Golaha deegaanka Uga sharraxan xisbiga UCID

Burco: Xisbiga NEW UCID oo Dhoolatuskii ugu ballaadhnaa ka wada Gobolka Togdheer iyo Munasibado is daba joog ah oo uu ku soo Bandhigayo Murashaxintii Golaha deeganka Burco (SAWIRO)

Xisbiga UCID ayaa xalay madal kulmisay Dhalinyaro, haween, cuqaal, xildhibaano iyo aqoon yahan tiro badan ku qabtay Hotel cigaal ee magaalada Burco kuna soo bandhigay 4 Murashax oo ka mid ah Murashaxiinta Golaha

deegaanka Uga sharraxan xisbiga UCID.
 

Munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqonyahan Jamal Ali Hussein, xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga, xildhibaano ka kala tirsan Guurtida iyo wakiilada, taageerayaasha xisbiga iyo murashaxiintani cusub.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay murashaxiintan 4ta ah ee xalay la soo bandhigay kana warramay sida ay u taageersan yihiin xisbiga UCID, waxyaabaha ay ku doorteen inay xisbigan iska soo sharraxaan iyo inaanay ahayn murashaxin u soo shaqo tegay xilka iyo xisbiga ee ay yihiin kuwo u shaqaynaya qaranka iyo deegaanka laga soo doortay.

Saynab Kacaan, Xirsi Raabi Diiriye, foosiya Maxed C/laahi iyo Farxaan Muuse xasan oo ahaa murashaxiinta xalay la soo bandhigay ayaa siyaabo isku mid ah uga warbixiyey aqoonta , waayo aragnimada iyo kartida aqoonyahan Jamaal Ali Hussein , waxay sheegeen in xisbiga UCID Dhiig cusub lagu shubay isla markaasna uu yahay xisbi weyn oo wakhtigan ay isugu yimaadeen aqoonyahankii Dalku.

Xildhiban Maxed Faarax Qabille ayaa isaguna munasibadad ka sheekay in murashaxiinta caawa ay yihiin Ardaydiisii, isla markaasna uu isagu caawa guul taagan yahay maadaama ardaydiisii ay isku soo gaadheen siyaasadda, wuxu sheegay in dhaqamada macalimka ay ka mid tahay inu macalinku jecelyahay horumarka ardaygiisa maadaama guushiisa libta ugu badan uu helayo macalinku, wuxu aad u ammaanay Murashax Xirsi Raabi Diiriye oo uu sheegay in sannadkii 1982 ? 1983 uu ahaa Ardaygii kaalinta koowaad u galay Dugsiga sare ee Sh. Bashiir Form four kii xilligaasna uu ka qalinjebiyey Dugsiga,isago Murashax Saynab kacaan ku sheegay inay isla wakhtiyaadaas uu n ka baxday dugsiga balse ay ka mid ahayd xidigihii pasket ball ka ama kubada koleyka ee Burco, guulo waaweyna u soo hoysay tartan ciyaareedadii ay gobolka uga qaybgashay, wuxu xildhibaanku sheegay in murashaxiintani yihiin kuwo xul ah, qof walbana indhihiisa uu ku arki karo kaalinta ay bulshada ku lahaayeen murashaxiinta caawa la soo bandhigay .

Caqil Cabdi Maxed Cigaal ayaa isaguna Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga, iyo murashaxiintanba u soo jeediyey in haddii ilaahay ku guuleeyo xilkani si weyn uga hawlgalaan sidii ay u qaban lahaayeen biyaha habeen iyo maalin ka soconaya Togga Burco, waxaana uu sheegay in biyahaasi marna si fudud inoo dhaafayaan marka laba bilood la waayona la odhan harraad baa jira iyo abaaro oo qaylo dhaantu cirka qabanayso, caqil ku wuxu kaloo sheegay in dhowaan gabadh iyo saddex carruur ah oo ay dhashay Daadku soo qaaday, halka uu habeen dhoweydna wiil yar iyo xayn adhi ah ka soo qaaday Duleedka Qoyta.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa Dadweynaha reer Togdheer ka codsaday inay murashaxiintan so saaraan, waxaanu sheegay in ay yihiin dad xul ah oo horumarka bulshadani u baahantahay wax weyn ka qaban kara.

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonayahan Jamaal Ali Hussein oo isaguna khudbad dheer halkaas ka jeediyey ayaa ka warbixiyey Taariikhda ay gobolka ku leeyihiin qaar ka mid ah murashaxiinta xalay la soo bandhigay, waxaanu sheegay in Saynab kacaan ay isku Sports ka gobolka ahaayeen , waxaanu sheegay in dadaal badan gelin doonaan sidii ay bulshada Gobol walba iyo degmo walba u hor keeni lahaayeen dad ay soo xuleen oo aqoon iyo karti lagu hubo, Aqoonyahan Jamal ali hussen wuxu dhinaca kale dadafeeyey isagoo kaftamaya dhalinyarnimada lagu sheego iyo da? yaraanta mar walba loo isticmaalo , waxaanu yidhi ?illaa Maalintii aan Airportka ka soo degay ereyga yaraanta waan maqlayey inkastoo imminka la ii macaaneeyey oo la yidhaa Aqoonyahanka Da?da yar, lakin berigii aanu UDUB ku jirney wuxunba la odhan jirey inankii yaraa, markaa maalin baan ka gilgishoo markaasaan idhi, waar ninkan Somaliya Madaxweynaha ka ah ee Sh. Shariif 2 Sanno ayaan ka weynahay ee Aniguna Ma koofiyad baan idiin soo gashadaa aan isku weyneeyo, hadaad doonaysaan koofiyad baan idin soo xidhan doonaa an isku weyneeyo aniguna ayaan ku idhi ? ayu yidhi Jamal ali husein.

Aqonyahan Jamaal ali Hussein wuxu kaloo ballan qaaday inu soo xuli doono haddii uu guuleysto dad waddanka lexejeclo ka qaba oo dan ka leh, oo an ka shaqaysanayn ee u shaqaynaya, aqoona lagu tuhmayo ? waxan idhi mar hore waar ha la kala daayo, horumar, wanaag iyo wax qabad baan doonayaa, haddana qof baan dhinaca saarayaa oo qabyaalad ku dooranayaa, labadaasi laba is gelaya maaha, waxan u malaynayaa inaynu soo gaadhnay xilligii aynu eegi lahayn waar bal yaa wax Inoo qaban karaaya, in badan bay ina rafaadisay qabyaaladdu, in badan bay ina rafaadisay qof jeclaysi, in badan bay ina rafaadisay waa markiinii, imminka waxaynu u baahanay inaynu eegno runtii yaa wax inagu kordhin karaya, markaad taa eegaysidna waxa la eegaa waar horta qofkan aad wax ka doonayso ee aad is leedahay wax ha kuu qabto oo Bulshada wax ha u qabto bal dib u dheego oo eeg waayo aragnimadiisii, xagguu ka soo shaqeeyey, waxyaabaha mucjisada leh ee aad arkayso waxa ka mid ah hebel hebel oo la garanayo, oo ina hebel ah oo la wada yaqaano oo intu dadka soo hor istaago isagoo Tuug ahaa odhanaya murashax baan ahay, waar dadka ha la kala eego isku wada mid maaha, hebel hebel waad garanaysaa, wasaaraduu soo maamulay, murashax xisbi hebel buu soo ahaa, waar dad ku goormuu toosayaa oo uu kala garanayaa dadka kii wax ku kordhin lahaa? ayu yidhi jamal ali Hussein

Wuxu gebogabadii Aqonyahan jamal ali husein sheegay inaanu wax ballanqaad ah samaynaynin laakin uu wax ka sheegi doono qorshahisa wax qabad ? annagu odhan mayno waxaasaanu ballanqaadayna iyo cirkaanu rinjiyeynaa,iyo baddaanu macaanaynaa, ee waxaanu leenahay wuxu qorshahayagu yahay in si daacad ah oo ilaahay nagu ogyahay u shaqayno, waanu kallahaynaa , waanu xiiqaynaa, waanu dadaalaynaa, waddankana waxaanu u soo xulaynaa dad wanaagsan oo waddanka dan ka leh? ayu yidhi Aqoonyahan Jamaal ali Hussein.

Ugu danbayntii Xisbiga UCID oo sida mawjadda xawli ku soconaya kuna soo bandhigay degmooyin iyo gobolo badan murashxiintiisii oodhan ayaa xalay iyo habeen horeba munaasibado aad uballaadhan oo dhoolatus ah ku qabtay hotel cigaal ee Burco, kuna soo bandhigay 14 murashax oo uga sharraxan golaha deegaanka Degmada Burco, iyadoo isla todobaadkan gudihiisana uu magaalada Laascaanood ku soo bandhigay 21 kii murashax ee golaha deegaanka, waxaana Dadweynaha intooda badan ka yaabisay xawliga xisbiga UCID ku soconayo iyo xawaaraha uu jarayo.

 

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.