Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maamulka Man United Maxay Ka Yiraahdeen Wararka Sheegaya in ay iska iibinayaan Laacibkooda Weyn ee Weyne Rooneey


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 01, 2012
London-(HWN)- Inkastoo uu xalay suuqa yurub xirmay hadana agaasimaha naadiga Man United David Gill ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna masuulkan shaaca k qaaday in Man United aysan maranaba ku fikirin inay Wayne Rooney iska iibiyaan intii uu suuqa yurub furnaa,

London-(HWN)- Inkastoo uu xalay suuqa yurub xirmay hadana agaasimaha naadiga Man United David Gill ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna masuulkan shaaca k qaaday in Man United aysan maranaba ku fikirin inay Wayne Rooney iska iibiyaan intii uu suuqa yurub furnaa,

Masuulkaan hadalkiisa wuxuu kusoo beegmay xili maal mihii ugu dambeesay la hadal hayay in Man United ay iska iibin doonto Rooney madaama uu xidigan hoos u dhac sameeyay sidoo kalena ay kooxdan soo iibsatay Robin Van Persie.

Wargeysyada dalka England waxaa ay qoreen todobaadkii hore in Man United ay laacibkan ku iibin doonto 50-milyan oo pound balse Mr. Gill

ayaa arintan si kulul uga hadlay wuxuuna yiri.

?Marnaba kuma aanan fikirin inaan Rooney iska iibino mana jiri doonto sabab aan ku iibin doono xidigeena ugu muhiimsan kooxdan hadii aan Rooney iibineyno maxaan kooxda u dhiseynay bilihii ugu dambeeyay waayo hadafkeena wuxuu yahay in Rooney inuu mustaqbalka dheer nala sii joogo?

Rooney oo 26-jir ah wuxuu kooxdiisa Man United kaga maqnaan doonaan dhaawac soo gaaray todobaadkii hore mana la filaayo inuu garoomada dib ugu soo laabto 4-todobaad ee nagu soo fool leh,

David Gill oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri ?Rooney qandaraas dheer ayuu kooxda kula jiraa waxaana hubaa inuu ku faraxsan yahay joogitaanka halkan sidaa darted anagana waan u baahanahay waxaana dooneynaa in xili cayaareedkan aan ku guuleesanp Premiership-ka madaama aan heesano Rooney iyo Van Persie?

Hadhwanaagnews Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudiyaheeda Magaalada Muqdiosho.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.