Muqdisho-(HWN)- iyadoo dhibaatada lagu hayo suxufiyinta Soomaaliyeed ay cirka isku sii shareereyso ayaa hada waxa ka hadlay Qaramada Midoobay .
Irina Bokova oo ah Agaasimaha guud ee UNESCO ayaa xafiiskiisa maanta ka soo saaray War murtiyeed uu kaga hadlayo arimaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Khatara ay ku jiraan sida looga bad baadinaro.
Irina Bokova waxaa uu Warsaxaafdeedkiis ku sheegay in dowlada Soomaaliya laga doonayo in ay keento qorshe dhab ah oo lagu xalinkaro dhibaatada heysato Wariyayasha ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo markasta dilal loo geysto.
Agaasimaha guud ee UNESCO
waxaa uu sheegay in goobaha ay dagan yihiin suxufiyiintaa ay tahay meel ay maamulaan dowlada Soomaaliya waxaana maamulkasta laga doonayaa in uu damaan qaado amaanka suxufiyiinta halkaasi ku nool.
Sanadkaan ayno ku jirno ee 2012 waxaa ilaa iyo haatan dil loo geystay ilaa 8 suxufi waxaana Mrs. Bokova uu sheegay in uu si xun ucambaareynayo dilalka suxufiyiinta Soomaaliyeed iyadoona bishii hore Augost Muqdisho lagu dilay Wariye Maxamed Cali Khayre oo kamid ah wariyayaasha ka howl gala caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Xasankuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
kuuriya@hadhwanaag.org