Melbourne, (HWN/Agencies):- Haweenay u dhalatay dalka Australia oo muddo sodon sanadood ka hor ah wayday mid ka mid ah indhaheeda, ayaa nasiib u heshay inay noqoto qofkii ugu horeeyay ee lagu beero ama loo galiyo il sanaaci ah oo hab tignoolaji ah oo sare loo farsameeyo sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Diana Ashworth (54-jir) ah waxa ay mid ka mid ah indhaheeda ku wayday, xanuun la iska dhaxlo oo dhibaateeya qaybta muraayada isha ama bu?da sida Somalidu
u taqaano, waxaanay muddo sodon sanadood ah, la?ayd kana qatanayd nimcada arag ee isheeda, ka hor intaan shalay qaliin lagu sameeyay oo loogu beeray il sanaaci ah aanay ku kala qaadin iyada oo arkaysa iftiinka sida ay iyada iyo dhakhaatiirtii ku beeray ee cusbitaalka Magaalada Melbourne ku warameen.
Diana Ashworth oo markii ishan lagu rakibay ka dib hadashay ayaa warbaahinta ku tidhi, ?Waa arrin mucjiso ah, waxa ay igu noqotay filan waa iyo wax aanan u fadhiyin waligayna aanan ku fikirin, waxaan arkay ilayskii iyo iftiinkii waxa aan arkay wax kasta oo ag agaarkayka ka jiray, waan u qaadan waayay, laakiin waan ku faraxsanahay.? Ayay tidhi Diana Ashworth.
Haddaba qalabkan elegtarooniga ah ee lagu beerayo indhaha aadamiga ayaa ah, mid awood u leh inuu falaadho elegtaroonig ah u diro, unugyada bu?da isha, kuwaas oo ka shaqaysiinaya xididada iyo neerfayaasha gudaha ee isha, isla markaana awood u siinaya in qulqulka araga sameeya ee kamarada isha oo sida sawirka maskaxda u gaadhsiiya ka shaqaysiiyaan.
Dhakhaatiirta ayaa mar hore darsay in qaybta araga ee ishu waxyaabaha ay sawirto sida kamarada sawir uga qaado, ka dibna u dirto maskaxda oo dabadeedna sifaysa, sidaana ku garata in shayga ay aragtay yahay waxa ishu soo qabatay, hawshaasi waxa ay ku dhacda, qaybo sida elegtariga u socda oo jaraya xawaare sida ilayska u dheereeya, kana deg deg badan boqol jeer falaadhaha ilayska, sidaana ku kala sifeeya waxa uu qofku arkay.
Waxa ay taasi u suura galisay dhakhaatiirtu in ay sameeyaan lakabyo sida qaybaha bu?da isha u samaysan, kuna shaqayna hanaan elegtaroonig ah oo u diraya araga kamarada loo ekaysiiyay ishu soo qabatay maskaxda sidaana ugu gudbinaya sawirka qaybta sifaysa waxyaabaha ishu qabatay ee maskaxda.
Dhakhaatiirta samaysay aaladan cusub ayaa aad ugu rejo wayn inuu qalabkan cusubi noqdo mid wax wayn ka badali doona, habka baadhitaanada indhaha, wax wayna u soo kordhin doona dadka aragooda hore u waayay, waxa ay tilmaameen dhakhaatiirta cusbitaalka indhaha ee magaalada Melbourne in dadka indhahooda waayay ay dib rejadoodu ugu soo noqon doonto.
Qalabkan ayaa ka samaysan kumayaal walxood oo elegtaroonig ah kuwaas oo sida kamarada loo farsameeyay, hasa yeeshee aad ugu muuqaal dhow bu?da indhaha aadamiga isla markaana sidooda u samaysan, waxa ay suura galinayaan in wixii ay sawireen ay u diraan, maskaxda qaybta sifaysa sawirada ishu qaado, taas oo la mid sida indhaha aadimigu u shaqeeyaan oo kale, wallow ilaa wali ay ka gaabinayaan in maskaxdu ula qabsato sida isha caadiga ah oo kale.
Waa talaabo horumar ah oo aadamigu gaadhay cilmiga iyo horumarkuna sameeyay, isla markaana laga yaabo haddii la sii tayeeyo in dad badan oo aragooda hore u waayay ama indhaha wax kaga dhaceen ay dib ugu soo noqdaan aragoodu ugu yaraana ay u suuro gasho in ay wax arkaan, inkasta oo aanay kuwa Rabaaniga ah ee Illaahay inoo sameeyay marnaba gaadhayn.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com