Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xilka-Qaadista Boobe Yoosuf Ducaale Waa Mid Xaqdaro ah Oo aan Laga Aamusi Karin. By: Abwaan Ahmed Abdi-Aziz


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 01, 2012
Marka hore waxaan salaamayaa Websiteyada Xorta ah ee u heelan sidii ay dadka uga haqabtiri lahaayee wararka iyo Barnaamujyada gaarka ah, ee ay hormuudka ka tahay Hadhwanaagnews intaas kadib

 
 
Marka hore waxaan salaamayaa Websiteyada Xorta ah ee u heelan sidii ay dadka uga haqabtiri lahaayee wararka iyo Barnaamujyada gaarka ah, ee ay hormuudka ka tahay Hadhwanaagnews intaas kadib

Waxaa igu kalifay inaan qalinka uqaato maqaalkan kadib markii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xilka-qaadis kusameeyay Wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdiraxman Yuusuf Ducaale (Boobe) hadaba maanta maaha wax inagu cusub in wasiir xilka laga qaado madaxwaynahana sharciga ayaa awood usiinaya, Balse waxa mudan in

La iswaydiiyo maxaa sababay inxilka laga qaado Boobe waxaa hubaal ah in aan Boobe xilka looga qaadin shaqo xumo iyo xilgudasho la aantoona taasna waxa markhaati ka ah isbedelka wayn iyo waxqabadka aadka ubalaaran ee uu kasameeyay intii uu madaxda ka ahaa wasaaradaas Lakin sababta xilka looga qaaday ay tahay dano shakhsiyaad gaarihi leeyihiin oo danta umada iyo qaranka toona qusayn, islamarkaana madaxwaynuhu faragalin kusameeyay shaqadii uu uxilsaaray.

Run ahaantii waa talaabo aan haboonayn oo wax udhimaysa Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland iyo Dimuqraadiyada curdinka ah ee beesha caalamku maanta indhaha ku hayso.

Maxaad ka taqaan Boobe

Waxaan filayaa inaan maqaalkan kusoo koobi Karin Shakhsiyada Boobe balse aan doonayo inaan waxyar ka iftiimiyo sidaynu wada ogsoonahay Boobe waa Mujaahid usoo halgamay dalka mudo dheerna duurka ugu jiray oo naftiisa uhuray sidii Umada reer Somaliland xoriyadeeda ulasoo noqon lahayd, Boobe waa qoraa aad ugu xeeldheer kuna caanbaxay ururinta taariikhda, waa Hal abuur alifa heesaha, gabayada, iyo maansooyinka oo ku qotoma xaqiiqda iyo wacyiga jira. Boobe waa Shakhsi rabi uu haybad gaar ah kumanaystay oo ubabacdhiga halgana ugu jira habeen iyo maalinba inuu inagadifaaco Cadawga kaxun jiritaan Somaliland taasna waxa kamarkhaati ah doodaha Saxaafada iyo shirarka caalimiga ah ee uu kusoo bandhigo Qadiyada iyo Taariikhda Umada Reer Somaliland, Boobe waa nin go aan adag oo ku dhiiran inuu runta cadeeyo xaaladkasta oo lagu jiro, waa nin sumcad kuleh Bulshada reer Somaliland oo kaga jira kaalin muhiima dhinaca kale waa nin khibrad iyo waayo aragnimo uleh Saxaafada iyo warbaahinta mudo dheerna kasoo shaqaynayay.

Guntii iyo gabagabadii waxaan Madaxwaynaha Somaliland Si sharaf leh uga codsanayaa inuu Aqbalo shuruudaha uu kuxidhay Boobe xil-wareejintiisa oo ah

{ In xilalkii uu magacaabay xil-wareejin rasmiya oo tan wasiirka kahoraysa loo sameeyo}.

By: Abwaan Ahmed Abdi-Aziz Haaji Mohamed

Gaani134@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.