Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dadka aynu uuso xulayno golayaasha deeganku ma yihiin kuwo ku haboon?


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 01, 2012
Waxan salamayaa Websiteka Hadhwanaagnews, waxanan ku hambalyeynayaa adeega hufan ee ay dadka u hayaan.

Waxan salamayaa  Websiteka Hadhwanaagnews,  waxanan ku hambalyeynayaa adeega hufan ee ay dadka u hayaan.

 Intanan gudo gelin  aan qalinka u qaatay. anigu ma ihii siyaasi mana ihii aqoonyahan ee waxan ahay mid kamid ah bulshada rayidka ah kuna nool magala madaxda G/togdheer ee burco.

 

Waxan Qormadaydan kaga hadlayaa arin bulshadu sahashatay laakin aniga iila muuqatay mid taxadir iyo kafiirsasho u baahan, waa xulista dadka ka qayb gelaya doorashaada  dawladaha hoose ama xildhibanada loo

soo xulayo golayaasha deeganka ee dhaman degmooyinka dalka jamhuriyada Somaliland.

Waxay iila muuqata Dadka bulshadu badiba usoo xulatay inay uga soo qaybgalan  doorashada golayaasha deeganku inanay ahayn dadkii ku haboona  marka laga eego xaga aqoonta, sumcada ay bulshada ku dhex leyihiin iyo xaga haynta hanida.

Waxay ila tahay surto gal maha adigoo doonaya inaad beerato bariis inaad meeshi aad ku beeraysay ku rido hadhuudh isla markaana aad ka sugto in bariiskaaga soo boxo.

Waxa lamid ah hadii aynu soo xulano dadka inoogu tayo liita xaga aqoonta iyo haynta iyo weliba sumcada inaynu soo doorano isla markaana aynu ka sugno inay wax inoo qabtaan . waa arin aan surto gal ahayn. Waxan ku baraarujinlahaa bulshada hadii aynaan qofka ku dooranayn waxa qabadkiisa hore, aqoontiisa, inuu hanti leyahay(sii aanu inooqa shaqaysan hanta cusub) iyo waya aragnimada uu leyahay oo aynu qofka ku dooranayno inuu inala qabiilyahay iyo in kale, bal maysku daynaa inaynu reerkeena kasoo xulano qofka aynu ku tuhmayno intaan sare kusoo sheegay si aynu uga filno waxqabad wanaagsan oo midho dhal ah.

 

Ilahayba Mahadleh

 

Ahmed Abdi Ismail

00252-24312040

Ahmedabdi20111@live.com

 ********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.