Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dalada Haween Weynaha Somaliland Ee Nagaad Oo Si Adag Uga Soo Hor Jeedsaday Go,aanka Ay Golaha Wakiiladu Ku Laaleen Xeerka Kootada Haweenka.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 01, 2012
Hargeysa(HWN):-Dalada Haweenka Somaliland ee Nagaad ayaa si adag u dhaliilay go,aanka ay golaha wakiiladu Somaliland ku laaleen xeerka kootada u ogolaanaya haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay.

Hargeysa(HWN):-Dalada Haweenka Somaliland ee Nagaad ayaa si adag u dhaliilay go,aanka ay golaha wakiiladu Somaliland ku laaleen  xeerka kootada u ogolaanaya haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay.

Masuuliyiinta dalada haweenka ee Nagaad oo maanta shir jaraa,id ku qabtay  magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inaan loo baahnayn go,aanka ay golaha wakiilada Somaliland ku laaleen xeerka kootada u ogolaanaya haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay,go,aankaas oo ay ku sheegeen inuu yahay mid sharci daro ah.


10pt" class=MsoNormal>Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ka hadashay shirkan jaraa,id ayaa sheegtay in laalista xeerkan ay ka danbeeyeen mudanayaal tiro yar oo gacan ka helaya shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, waxaanay haweenka Somaliland u soo jeedisay inay ka midoobaan xuquuqdooda la duudsiyey waxaana hadaladeedii ka mid ahaa ?;haweenka Somaliland iyo caruurtu waa dadka ugu badan ee ka qayb qaata doorashada ,waana kuwa ugu badan ee codeeya, waxa nasiib daro ah in maanta mudanayaasha golaha wakiiladu doorteen inay laalaan xeerka kootada u ogolaanaya haweenka, waanu ka xunahay inay sidaa u galaan haweenkii soo doortay ee codkooda ku soo saaray, waxanan u rajaynayaa haween weynaha Somaliland inay u midoobaan sidii ay u raadsan lahaayeen xuquuqdooda.?ayey tidhi xildhibaan Baar Siciid.

Dhinaca kale gudoomiyaha dalada Haweenka ee Nagaad Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo iyaduna shirkan jaraa,id ka hadashay ayaa tilmaantay sida ay uga xun yihiin in la laalo  kootada haweenka ee madaxweynaha Somaliland ugu tala galay haweenka  waxaana hadaladeedii ka mid ahaa ?; waanu ka xunahay in wixii dadweynaha Somaliland oo dhan laga soo ururiyey inay tiro yar oo xildhibaano ahi ay diidaan, arintan kootada haweenka bulshada Somaliland dhalinyaro,cuqaal,haween iyo madaxba way soo ogolaadeen, waxaana nasiib daro ah inay xildhibaanada wakiiladu hor istaagan.?

Go,aanka ay golaha wakiilada Somaliland ku laaleen xeerka kootada u ogolaanaya haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay ayaa inta badan haween weynaha Somaliland sid adag uga soo hor jeesteen iyaga oo mudanayaasha golaha wakiiladana u arkaya inay iyagu ka soo hor jeesteen kootadii loo ogolaaday ee madaxweynaha Somaliland-na ugu tala galay.

Hadhwanaagnews.com

Contact@hadhwanaagnews.com

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.