Cabdilaahi cukuse miyaa la casilay mise waa la dalacsiiyay.
cabdilaahi maxamed daahir cukuse, oo ah nin inbadan la soo kifaaxay xisbiga
kulmiye isla markaana gorgortan wayn u soo galay, guushii xisbiga kulmiye ku hantay
maamulka guud ee dalka, waxaanu inta badan ku suntanyahay dagaalkii dhinaca afka
iyo saxaafada ahaa ee uu la soo galay xisbiga kulmiye. waxaan marnaba la ilaawi
karahayn jariidadiisii saxansaxo iyo meeqaamkii ay ku lahayd xisbiga kulmiye.
Kifaaxaas iyo dadaalkaas uu la soo galay xisbiga kulmiye, waxaa uu madaxwayne
siiraanyo ugu abaal guday inuu noqdo afhayeenka madaxtooyada jamhuuriyada
somaliland, taas oo dad badan oo quudaraynayay jagadaas ka cadhaysiisay.
Tan iyo maalintii jagadaas loo magacaabay cabdilaahi cukuse wuxuu ku dadaalayay
sidii uu xejisan lahaa kursigii qiimakasta oo ay ku kacayso, waxaanu xisbiga
kulmiye iyo