Sheekh(HWN):-Alle ha u naxariiste Marxuum Macalin Qaasim Xaaji Maxamed Xaaji Cali ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.kadib markii uu shalay ku geeriyooday Magaaladaasi
Jinaasada Aaska oo ay ka qeybgaleen Marwada kowaad ee Somaliland Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris), Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Uruka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,Mujaahid Dhagaweyne,Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), hogaanka iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan UCID-da cusub, oo uu horkacayo
Xoghayaha arrimaha gudaha UCID-da cusub Migiste,Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif,badhasaabyada Gobolada Saaxil iyo Togdheer dhamaan dadweynaha reer Sheekh qeybihiisa kala duwan.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Waaberi, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed, Badhasaabka Gobolka Saaxil Ramaax, Maayarka Gobolka Saaxil Cabdale Sandheere, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si qoto dheer uga sheekeeyeen taariikhda iyo doorkii uu ku lahaa horumarinta waxbarashada Alle ha u naxariiste Macalin Qaasim Xaaji Maxamed Xaaji Cali oo uu wax baddan wax baray oo uu soo saarey.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamed Warsame (Xasan Gadhweyne) ayaa waxa uu ka sheekeeyey taariikhda iyo aqoontii uu u lahaa Alle ha u naxariiste Marxuum Macalin Qaasim, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi?Macalinku waxa uu da?aan boqol iyo dhowr toban, waxaanu ahaa Siyaasi ka tirsanaan jirey Xisbiga SYL wakhtigii gobonimo doonka ee loo halgamayey xorrinimada, waxaanu ka mid ahaa guddiyadiisi sarsare, waxa uu ahaa nin ehlu diina oo macalina oo ubadka barra diinta Islaamka, gaar ahaan Qur?aanka Kariimka ah, waxa uu malcaamado ka furey Somaliland wakhtiyadii hore, iyo luuqada Carabiga?
?Waxa uu wax barey kumanaan ardey oo dunida dacaladooda ku kala nool, ardeyda uu waxbaraana waxay ahaayeen kuwo aflaxa oo ardeyda ugu cad-cad noqda, ILAAHAY waxaan marxuumkauga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii, qoyskii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo?.Ayuu yidhi Xasan Gadhweyne.
Alle ha u naxariiste Mraxuumu waxa uu ku dhashay Magaalada Sheekh sanadkii ugu dhawaan 1904-kii, waxa uu wax ku bartey dariiqada Sheekh isaga oo yar ayuu ka bilaabay inuu dadka waxbaro, waxa uu yaraantiisi ilaa imika ku hawlanaa la dagaalanka Jahliga iyo sidii umadda wax u bari lahaa.
Sidoo kale, waxa uu ka door laxaad leh ka soo qaatey halgankii xornimo-doonka Somaliland, waxaanu ka tirsanaan jirey Ururkii la odhan jirey SYL.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: Janaale94@gmail.com