Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Munaasibad Lagu Soo Dhawaynayo Musharaxnimada Rooda Cabdi Muuse Oo Ka Sharaxan Magaalada Berbera Oo Lagu Qabtay Hargeysa.+Daawo Sawirada.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 08, 2012
Hargeysa(HWN):-munaasibad lagu soo dhawaynayey musharaxnimada Rooda Cabdi Muuse oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Umadda uga qayb galaya doorashada golaha deegaanka ee gobolka Saaxil gaar ahaana degmada Berbera ayaa lagu qabtay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-munaasibad lagu soo dhawaynayey musharaxnimada Rooda Cabdi Muuse oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Umadda uga qayb galaya doorashada golaha deegaanka ee gobolka Saaxil gaar ahaana degmada Berbera ayaa lagu qabtay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mida madax dhaqameedka Somaliland iyo dadweyne u badnaa qurba jooga reer Somaliland ee ku dhaqan wadamda Yurub.


border=1 cellSpacing=0 cellPadding=0 width=100 align=center>
Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadashay Hoodo Saleebaan Jaamac waxaanay sheegtay inay  soo dhawaynayso musharaxadan u tartamaysa doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera,iyada oo haweenka Somaliland kula dardaarantay inay soo saareen haweenka u sharaxan doorashada golaha deegaanka ee dalka.

 Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Hibo Cabdilaahi Ismaaciil oo ka mida qurba jooga Somaliland waxaanay sheegtay inay taageersan tahay musharaxadan u taagan doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,  iyada oo dadweynihii ka soo qayb galay munaasibadana kula dardaarantay inay codka siiyaan musharaxadan, u tartamaysa doorashada golaha deegaanka.

Rood Cabdi Muuse oo ah musharaxada u taagan doorashada golaha deegaanka ee degmadda Berbera oo iyaduna munaasibadan ka hadashay ayaa sheegtay inay wax badan ka qaban doonto adeegyada nolosha bulshada lagama maarmaanka u ah, iyada oo xustay inaanay doorashada u galayn sidii ay xoolo uga heli lahayd balse ay ku dedaalayso inay dadkeeda iyo dalkeeda wax u qabato , waxaana hadaladeedii ka mid ahaa ? waxaan halkan ka soo jeedinayaa inaan u sharaxanahay doorashada golaha deegaanka Berber, qofku inuu isku soo taago doorasho waxa ku kalifaya inuu magac iyo manfac ka helo, laakiin waxaan anigu idiin cadaynayaa inaanan magac iyo manfac midna u doonayn balse aan u tagayo  inaan bulshada reer Berbera uga tamariyo xilka aan u qaaday.

Musharax Rooda Cabdi Muuse oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas ku dartay ? haddii aan ku guulaysto doorashada golaha deegaanka waxaan wax ka qaban doonaa, waxbarashada,ciyaaraha,iyo bilicda magaalada Berbera, runtiina uma baahna in lacag badan arimahaas lagu fuliyo laakiin waxay u baahan yihiin dedaal iyo daacadnimo in lagu maamula.?

Sidoo kale Xasan Goodaad oo ka mida xubnaha guddida fulinta ee urur siyaasadeedka Umadda oo isaguna munaasibadan ka hadlay aayaa sheegay in urur siyaasadeedka Umaddu soo dhaweeyey musharaxnimada Rooda Cabdi Muuse,isaga oo xusay  inay lagama maarmaan tahay inay taageero ka hesho dadweynaha ku dhaqan degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil si ay uga mid noqoto xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaas.

Dhinaca kale waxa munaasibadan ka hadlay Caaqil Cabdi Wali Maxamuud  oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland kaas oo soo dhaweeyey musharaxadan cusub ee u taagan doorashada golaha deegaanka ee Berbera isaga oo ilaahay uga baryey inuu ku guuleeyo doorashadaas ay galayso.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.