Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Urur Siyaasadeedkii Hadhay Ee Jamhuuriga Oo Si Rasmiya Ugu Biiray Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 08, 2012
Hargeysa(HWN):-urur siyaasadeedka Jamhuuriga oo ka mid ahaa ururadii ku hadhay qiimayntii guddida diwaan galintu ay ku samaysay ururada siyaasada ayaa maaanta si rasmiya ugu biiray xisbiga Ucid.

Hargeysa(HWN):-urur siyaasadeedka Jamhuuriga oo ka mid ahaa ururadii ku hadhay qiimayntii guddida diwaan galintu ay ku samaysay ururada siyaasada ayaa maaanta si rasmiya ugu biiray xisbiga Ucid.

Shir jaraa,id oo ay maanta masuuliyiinta labada dhinac ku qabteen xarunta xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee Ucid ee magaalada Hargeysa  ayey si wada jira ugu shaaciyaan in urur siyaasadeedka Jamhuurigu uu ku biiray xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid.

Ugu horayn waxa shirkan jaraa,id ka hadlay gudoomiye

ku xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucdi Cali Maxamed yuusuf(Cali Guray) waxaanu sheegay in xisbiga Ucid soo dhawaynayo ururkan ku soo biiray waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ? waxaynu ku guda jirnaa tartanka doorashada golaha deegaanka,taas oo iskugu jirta laba doorasho oo kala ah, mida lagu dooranayo sadexda xisbi ee tobanka sano ee soo socda saaxada siyaasada Somaliland ku jiri doona iyo xildhibaanada golaha deegaanka.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in wada hadal u socday xisbiga Ucid iyo ururka Jamhuuriga oo iskugu jiray sadex urur siyaasadeedka kuwaas oo kala ahaa Damal,Jamhuuriga iyo Nuur, waxaanu ugu danbayn ku heshiinay inay ku soo biiraan xisbiga Ucid,qodobada heshiiskayaga waanu dhamaystiranay, waxaanan rajaynaynaa inaanu soo dhamays tirno heshiiska.

Sidaas  darteed waxaanu soo dhawaynaynaa ururkan Jamhuuriga eek u soo biiray xisbiga Ucid,waxaanan leeenahay soo dhawaada waxbana kala yeelan mayno ee wax baynu wada yeelan doonaa.?

Dhinaca kale waxa urur siyaasadeedka Jamhuuriga ee ku biiray xisbiga Ucid u hadlay  Siciid Xariir oo ka mida masuuliyiinta urur siyaasadeedka Jamhuuriga kaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiiska ay la galeen xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ?aniga oo ku hadlaya magaca urur siyaadeedka Jamhuuriga inaanu la midawno oo aanu hiil iyo hooba la garab istaagno xisbiga Ucid,?ayuu yidhi Siciid Xariir.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.