Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xukuumadda Oo Berri Dalka Djabouti U Qaadaysa Xildhibaan Cabdi Waraabe Oo Maalmihii U Dambeeyay Hargeysa Xanuun U Jiifay


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 08, 2012
Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo maalmihii ugu dambeeyay u jiifay xanuun asiibay, ayay xukumadda somaliland dedaal badan u gashay sidii dhakhsiyo loogu geyn lahaa cusbitaal ku yaala Magaaladda Djabouti.

Hargeysa (HWN) Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa lagu wadaa in maalinta Berri ah loo qaado dalka Djabouti, halkaas oo xaalad caafimaad loo geyn doono.

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe
Narrow´,´sans-serif´; COLOR: #222222; FONT-SIZE: 14pt; mso-bidi-font-family: Arial; mso-ansi-language: EN" lang=EN>)  oo maalmihii ugu dambeeyay u jiifay xanuun asiibay, ayay xukumadda somaliland dedaal badan u gashay sidii dhakhsiyo loogu geyn lahaa cusbitaal ku yaala Magaaladda Djabouti.

Xildhibaan Cabdikariin oo ka mid ah  hal doorka waxgaradka somaliland, ayaa Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la soo xidhiidhay Hadhwanaagnews uu u xaqiijiyay in diyaarad khaas ah oo ay xukuumaddu tunka u ridatay ay u qaadi doonto Magaaladda Djabouti ?Waxa aan kuu sheegayaa in Xaaji Cabdikarii Xuseen oo ka mid ah golaha guurtida somaliland  oo maalmihii ugu dambeeyay u jiifay xanuun asiibay maalinta Berri ah loo qaadi doono  Magaaladda Djabouti, halkaas oo lagu soo daweyn doono? ayuu yidhi.

Waxa lagu wadaa in uu dalka Djabouti u sii raaco Guddoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha guurtida Muxumed Aw Axmed iyo xubno ka mid ah qoyskiisu.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu ilaahay uga baryay Xildhibaan Cabdikariin Xuseen in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), ka sokow golaha guurtida waxa uu ka mid yahay waxgaradkii dhidibadda u taagay adkaynta qaranimada 21 jirsatay ee Somaliland.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.