Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa lagu wadaa in uu maalinta Berri ah ku Waabariisto Magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle.
Socdaalka Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo qaban qaabadiisa si aad ah looga dareemayo Magaaladda Baligubadle iyo Hargeysa oo ah laba isku lamaan, ayaa loo badinayaa in marka uu gaadho uu ka qayb geli doono qaar ka mid ah murashaxiinta Golaha deegaanka ee Magaalada Baligubadle uga sharaxan xisbiga Kulmiye oo lagu dhawaaqi doono.
10pt" class=MsoNormal>Sidoo kale marka uu dhamaysto Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ujeedada socdaalkiisa ayaa waxa la filayaa in uu dadka gobolka Hawd kala hadlo sidii ay uga shaqayn lahaayeen nabadda iyo dimuqraadiyadda.
Waxa kale oo uu dhagaha shacabka Magaaladda Baligubadle Maqashiin doonaa wax qabadka tiradda badan ee ay xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.
Dhinaca kale waxgaradka Gobolka Hawd oo iyagu isu arka in ay yihiin meelihii guusha xisbiga kulmiye uu ka gaadhay doorashadii dalka ka dhacday sanadkii 2010-ka dabayaaqadiisii ayaa diyaarsaday garnaqsi xoogan, kaas oo ay uga gol leeyihiin in ay xukuumada weydiiyaan balamo hore oo ay u qaadeen wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen.
Wax-qabado badan oo ay u balanqaadeen wakhtigii ay xukunka dibadda ka joogeen ayaa waxa ka hir galay taalo laga bineeyay xarunta gobolka Hawd, halka aanay jirin wax soo raaca.
Magaaladda Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd ayaan haba yaraatee lahayn wax cusbitaal ah iyada oo taas bedelkeedana Magaaladdu uu ku yaalo Hal MCH, oo culays ba´an ay ku qabaan dadka Magaaladda iyo kuwa ku hareeraysani.
Marka laga yimaado waxqabad la?aanta laba jirsaday ee Magaaladda Baligubadle ay ka tirsanayso xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa u barbar socota wadada isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa oo ku jirtay balanqaadka soo raagay ee ay dhagaha reer Baligubadle ka qaadeen xisbiga Kulmiye ee guusha codadka ay bixiyeen kursiga saaray Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa berri tagi doono Magaaladda Baligubadle isaga oo maanka ku haya Garnaqsiga Reer Baligubadle.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com