dhigata ama ka qalinjebiyey wakhtiyo hore.
Waxa uu maamuluhu sheegay in maanta loo fadhiyo xafladdii dib u furka Dugsiga ee sannaddugsiyaadka cusub 2012 ? 2013, waxaanu xusay in Ardayda Dugsigan qaybihiisa kala Duwan ka qalinjebisay ay kor u dhaafayaan 200 Arday, wuxu dhinaca kale maamuluhu ka cawday dhul yaraan haysata iyo Ardayda Dugsiga oo aad u tiro badan.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Saleban Darroor oo ka mid ah Guddiga waalidinta Dugsiga waxaanu sheegay in dugsigani yahay Dugsiga ugu tayada wanaagsan dugsiyada Gobolka Togdheer.
Caqil Xasan Dhuux yare oo k amid ah cuqaasha Gobolka Togdheer ayaa isaguna Dugsiga Sh, ibraahin ku ammaanay Dadaal badan oo dhinaca maamulka ka yimid, isagoo si gaar ahna u ammaanay Guddoonka waxbarasahda gobolka, Caaqilku wuxu ku dheeraaday faaidada waxbarashadu leedahay, waxaanu xusay in tacliintu marba heer taagantahay maantana ay ugu wanaagsantahay, wuxu dhalinyarada ka waaniyey waxyaabaha aan micnaha badan ugu fadhiyin ee ay jaaniska iskaga lumiyaan, waxaanu waaldiinta u soo jeediyey in ubadkooda ay Tvga Daawashadiisa ka ilaaliyaan ama ku kaantaroolaan.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay mid ka mid ah Ardayda Dugsigani Sh.ibraahin iyo weliba Xoghayaha Gobolka Togdheer labadooduba waxay siyaabo isku dhow u sharraxeen muhiimada aqoontu leedahay iyo sida qofka binii aadamka ah ay u dhisto, waxay sheegeen in Baaxadda Ardaydani ay ku tusayso sida Dadku imminka u fahmeen waxbarashada iyo weliba Tayada Dugsigan oo aad mooddo inay Dadka Badankiisu xusheen ayay yidhaahdeen.
Guddonka Waxbarashada Gobolka Cabdi Axmed Siciid oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa khudbad dheer kula dardaarmayA rdayda, isagoo dhanka kalena sheegay in Ballanqaadkii xukuumadad madaxweyne siilaanyo ee ahaa in dugsiyada H/dhexe bilaasha laga dhigo oo Gobolkan ka hirgalay oo Aan wax lacag ah laga qaadin Ardayda Dugsiyada Aaasaasiga ah.
GUddoomiyuhu wuxu u soo jeediyey Dad uu ku sheegay warxumo t ashiil dacaayado la daba socda wasaaradda waxbarashada inay ka feejignaadaan wax ay sheegayaan oo mar walba isku dayaan inay aqoonta iyo waxbarrashada dhiirigeliyaan ee aanay Caqabad ku noqonin, sidoo kale Guddoomiyuhu wuxu Dugsigan ku ammaanay maamul wanaag iyo arday badnaan, waxaanu sheegay inDugsigan oo Ardayda ugu badani dhigato uu kukasbaday Ardayda Tiradaas leeg maamul wanaag, waxaanu aad ugu mahadceliyey maamulaha Dugsiga Sh.ibraahin C/raxman Axmed Cawed.
Gebo gabadii waxa abaalmarino la guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore u gashay Guud ahaanba Dugsiga iyo gaar ahaan Class yada, waxaana waalidka, macaliiminta, maamulka iyo Guddoonka waxbarashaduba ugu duceeyeen Ardaydaas in ilaahay cilmiga iyo aqoonta u siyaadiyo, iyago mid walba kuboorinayey inay halkaas ka sii wadaan ee aanay dib u noqon.