Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xaalada dalku maraayo/Is it the beginning of end of Somaliland by Axmed Maxamed Saleebaan


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 09, 2012
Waxa caawa qoraalkan iigeeye waxa dalka ka socda iyo xaalada uu maraayo, oo aad moodo in dadkii biyo

Waxa caawa qoraalkan iigeeye waxa dalka ka socda iyo xaalada uu maraayo,  oo aad moodo in dadkii biyo qabow lagu shubay oo wax ka hadlayaaba aan la hayn waxa wadanka ka socda.  Waxa xaqiiq ah oo cambaarayn mudan xildhibaan isku sheegayaasha  labada gole oo gabay waajibkoodii  shaqo ee loo igmaday oo aad moodo in ay ku mashquulsanyihiin danahooda gaar ka ah.

Taaso keentay in xukuumadii Kulmiye ay cidla ka heshay oo ay kubada dhinaca ay doontaba u laado.

 


10pt" class=MsoNormal align=justify>Waxa aynu aragnaa siyaasada arimaha debeda oo aan meel loogu hagaago lahayn oo imika u eeg in himiladii iyo naawilkii gooni isku taagu uu hog ku sii dhacaayo oo Dawladii Soomaaliland ay ku dhex milantay Soomaaliye oo ay gaadhay in uu wasiirkii arimaha debedu ku hambalyeeyo Soomaliya distoorkii ay ansixiyeen isaga oo og in distoorkaasi qeexayo in Soomaaliland ka mid tahay maamul goboleedyada Soomaliya.  Waa arin laga yaxyaxay oo fajaciso iyo amakaag ku noqotay umadii reer Soomaaliland.  Hase yeeshee aan cidi ka hadlin.

Bal arimahan dhowrkii bilood ee u dambeeyey dhacay eega;

1-      Hambalyada Wasiirka debeda Soomaaliland u diray xukuumada Somaliya iyada oo aynu ognahay in uu distoorkaasi ka mid dhigaayo xuduudaha Somaaliland kuwa ka mid ah Somaaliya. Hamalyadii

       xukuumada ee ay u dirtay markii baarlamaanka la ansaxiyey

2-      Ururka xagjirka ah ee Al-Islaax ee Hargaysa lagaga dhawaaqay, lana garankarin in ay dawladu wax lug ah ku lahayd ama wax ka ogayd.

 

3-      Madaxda TFGiiga ee sida caadiga ah wadanka ku soo galaysa iyo soo dhawaynta xuxuumada.

 

4-    Fashilaadii shirkii Turkiga ee wasiirada dawladu kaga qaybgaleen.  Shirkaasoo ay markii hore qaadaceen oo ay yidhaahdeen labada maalmood,  maalinta hore ee arimaha horumarinta iyo dhaqaalaha lagaga

       hadlaayo ayaanu tagaynaa, oo markii dambena laga war helay in ay kii ay diidayeen ka qaybgaleen.  Ku andacoodkii wasiir Xaabsade lagaga reebay ee la yidhi baasaboorka Soomaaliland ayaa lagaga reebay.

       Taas oo ah mid aan caqliga saliimka ahi aanu qaadan Karin. Waxa isqaban wayday macsuumad ayaa na loo fidiyey iyo baasaboorkii Soomaaliland ayaa la diiday. Baasaboorku miyaanu ahayn kii uu wasiir

       Xaabsade iyo saraalkii kaleba ay Ingriiska ku galeen. Takale,  kaba soo qaad in laynoo diiday, miyaanay sharaftu iyo karaamadu ku jirin in aad adiguna diidid oo mar hadii jiritaankaaga la diidanyahay aad

      adiguna diidid, shilimaad yarina xitaa ha kugu seegeene . Soomaalidaa hore uga maahmaaday, ?waan baqtiyayaa looma bahala cuno?, labaatankii sono ee horeba waynu nooleen Turkina maynaan aqoon, ee

      side wax u jiraan? Waa su?aale u baahan faaladeeda.

 

5-   Bayntii laga yaabay ee wasiirka arimaha debedu saxaafada ugu sheegay markii uu gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kiiniya iyo wasiirku ay diyaarad soo wada raaceen iyagoo ka soo kicitimay Nayroobi, oo

     uu wasiirku yidhi gudoomiye ku xigeenka Nayroobi ayaanu kuwada kulanay, gudoomiye ku xigeenkuna yidhi diyaaradaanu kuwada kulanay. ?Go figure?.

 

6-  Tii ugu dambaysay ee kulankii wasiirada lagu ansaxiyey in xujaajta reer Soomaaliland sanadkan ku dhoofaan baasaboorkii Somaaliya.  Arinkaas oo aan la garanaynin u jeedasiisa iyo cida lagu raaligalinaayo ama

     lagu naas nuujino. Waxayse ka mid tahay siyaasada guracan ee wadanka ka socota.

 

7-Dawlada Norway oo wadanka keentay odayaa dhaqmeed lagu sheegay in ay Puntland iyo Somaaliya ka socdaan.  Taasoo laba arimood laga dheehan karo. Ta hore oo la odhan karo nimankani wadanka waxay ku soo galeen

    kalsooni iyo ogolaansho ay ka haysteen xukuumada iyo wasaarada arimaha debedda. Ta labaad ee lagu sifaynkaraana waxa weeyey, nimankan cidiba may ogeen ee sida ay kuwa kaleba ku soo galaan ayey kuwana ku soo galeen.

   Laakiin anigu shakhsiyan waxaan qabaa in ay dawladu ogayd wafdigan Soomaliya ka socda oo aanay dawladu islahayn sidii ay ku fashilantay ayuu arinku ku fashilmi doonaa.

 

8- Ku dhawaaqidii wasiirka arimaha debedda ee uu saxaafada ugu waramayy in Soomaaliland la siiyey derejo loo aqoonsaday(special status or observers)  in ay kaga qaybgasho ururka IGAD, taas oo noqotay mid aan waxba ka jirin

    fadeexad iyo siyaasad xumana wadanka iyo dawladaba u soo jiiday, cidina aanay wax ka odhan.

 

9-Waxa waxaasoo dhan isku fuuqsaday arinkii waxan oo dhan dhalay ee ahaa in dabarkii laga jaro shakhsiyaadka shirarka Soomaaliya taga ee ku andacooda in ay Somaaliland metelaan, taasoo  manta dhiirin galisay in saraalkiil

    xukuumada Soomaaliland mansabyo u hayey ay ku biiraan baarlamaanka Somaaliya, aan waxbana ku ahayn in xiligay doonaan soo noqdaan.

 

10- Ugu dambayntii waa kawada war hayseen ardaydii reer Soomaaliland ee Moqdisho ku basbeeshay ee dhibaatadii halkaa kaga dhacday u soo jiiday wadankeena iyo qaranimadeenaba fadeexad wayn.

 

Lama soo koobi karo waxa dalka ka socda, waxa intaa dheer siyaasada gudaha ee wadanka ka socota oo iyaduna maqaal gooniya u baahan.

 

Wa bilaahi Tawfiiq

Axmed Maxamed Saleebaan

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.