Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Balaadhan Ku Qaabilay Musharax Cabdi Cali Yuusuf Oo Uga Tartami Doona Caasimada Hargeysa.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Hargeysa(HWN):-Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ayaa Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Mid ka Mid Ah Musharixiinta Golaha Deeganka ee uga Tartamaysay Magalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ayaa Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Mid ka Mid Ah Musharixiinta Golaha Deeganka ee uga Tartamaysay Magalada Hargeysa.

 Munaasibada lagu soo Dhaweynayey  Musharax Cabdi Cali Yuusuf oo ka dhacday Hotel Casaloma ee magaalada Hargeysa  ayaa waxa ka soo qabgalay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamud Axmed Garaad, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxmed Kaahin,  Suldaan Axmed Cumar, Suldaan Mawliid Ibraahin Cali, Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xassan (Xawaareye), Aqoonayhano, Haween, Dhalinyaro, iyo Taageerayasha Musharaaxasi  oo aad u badnaa.


FONT-SIZE: 14pt">Ugu Horeyn wax Munaasibaasi ka hadlay Guddomiyaha Beesha Cabdalle Sacad Maxamud Cabdi Daa?ud, waxanu tilmaamay in beeshu ay isku raacaday in ay musharaaxasi soo saarto?Beesha Cabdalla Sacad waxay isku raacday in Halmusharax oo kali ah oo badhigto, kana SharaxAan Xisbiga Kulmiye, waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii hanka siyaasadeed hayey ee ka tanaasulay, una daayey walaakood, beeshu  Guud ahaa waxay isku raaceen in codkooda ay siiyaan Musharaxan.Ayuu yidhi.
Wax kale oo iyaguna Halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Cumar, Suldaan Mawliid Ibraahin Cali, Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xassan (Xawaareye) Waxayna Sheegen in ay soo dhaweynayaan Musharaaaxasi.
Waxa kale oo isna halkasi ka hadley Wassiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxmuud Barre Garaad ayaa wax uu soo dhaweyey musharaxasi isaga oo Tilmaamay in uu musharaxani uu u qalmo in codka la siiyo, si uu wax ugu qabto Bulshadiisa, waxanu sheegay in inbadan laga cawday Golaha deeganka balse uu filay in Musharaxani uu yahay raggii wax ka tarri lahaa Tabashooyinka Bulshada.
Musharax Cabdi Cali Yusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu wax badan uu ka qabandoono  Baahiyaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa haddii uu ku soo baxo doorashada golaha deeganka ?Walaalayaal Haddii aad idoortan waxaan wax ka qabandoona Qashiinka Buux Dhafiyey Magalada Hargeysa ee aad ka naxaysid markaad jidadka magalada iyo Xafadaha dhex mareysid, wax qashin ah ee ka buuxa, Runtii wax loo bahan yahay ciddii wax ka qaban lahay waxaas oo daranyo ah, anigu waxaan u adeegidoona baahiyihiin sidii aan u daryeeli lahaa, Waxaan idinka Codsanayaa in aad codkiina aad I siisan, Aniga iyo Xisbiga Kulmiye ee aan ka oo jeednaba?Ayuu yidhi Cabdi Cali
Guddomiyaha xisbiga kulmiye Muuse biixi Cabdi oo Gabogabadii ka hadlay Munaasibaasi ayaa   soo dhaweyey Musharaxnimada Cabdi Cali, Waxanu tilmaamay in ay Hubaan in uu soo baxayo Musharaxaasi. Noqondonana musharax ugu codka badan caasimada Hargeysa.

Waxanu yidhi?Waxaanu Guddoonay oo Noo Sharaf ah, oo Noo Qadarin ah, tageersanahayna abaalweyn ugu haynaa, Musharax Cabdi Cali Yuusuf ee aad soo gudbiseen, waxanu si rasmi ah u yahay musharax Kulmiye ah oo u tartamidoona Golaha Deeganka ee Magaalada Hargeysa, Runtii Werwer kama qabbo shakina igama jiro, in uu soo baxayo, oo waliba kuwa ugu tirro badan noqonaayo,?.?yuu yidhi Muuse Biixi.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.