Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Burco: Ganacsatada Gobolka Togdheer ayaa maanta markii ugu horeysay ku dhawaaqay Guddi loo Bixiyey Guddiga Ganacsatada Gobolka Togdheer(GGGT) + SAWIRO.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Xaflad ballaadhan oo lagu daahfurayey Guddi cusub oo laga sameeyey Gobolka Togdheer isla markaasna loo bixiyey Guddiga Ganacsatada Gobolka Togdheer(GGGT), ayaa Maanta lagu Qabtay Hotel Ciy palaza ee Magaalada Burco.

Burco: Ganacsatada Gobolka Togdheer ayaa maanta markii ugu horeysay ku dhawaaqay Guddi loo Bixiyey Guddiga Ganacsatada Gobolka Togdheer(GGGT).

Xaflad ballaadhan oo lagu daahfurayey Guddi cusub oo laga sameeyey Gobolka Togdheer isla markaasna loo bixiyey Guddiga Ganacsatada Gobolka Togdheer(GGGT), ayaa Maanta lagu Qabtay Hotel Ciy palaza ee Magaalada Burco.

DAAWO WARKAN OO VIDEO AH

Munasibadda waxa ka soo qaybgalay inta  badan Ganacsatada Gobolka Togdheer, Cuilmo awdiin , Guddomiyaha jaamacadda Burco, Masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga Somaliland, Isuduwaha

Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Togdheer, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer iyo weliba  Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir.

Ugu horeyn Waxa munasibadda  khudbad dheer oo uu kaga hadlayo ujeedooyinka loo aasaasay Guddiga iyo baahiyaha keenayba ka jeediyey  Guddomiyaha Guddigaasi Axmed Cali Maxamuud.

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka dalkuba uu ku yimaado midow iyo isu tag ama iskaashi sidaas darteed ganacsatadu ay garteen inay iskaashadaan oo guddi samaystaan, Guddoomiyuhu wuxu kaloo xusay in Ganacsatada Gobolka Togdheer ay mar walba qayb ka tahay Horumarka Dalka ee Dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo Danaha caamka ah oo dhan.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Axmed Ismaciil Gaariye, Baashe Muuse, iyo weliba Xuseen Qabille oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Togdheer,  waxayna sheegeen in guddigani yihiin Guddi Ganacsatada Gobolka oo dhan ka kooban, iyago xusay in sannadkii 2000 oo ay ka soo wareegtay 12 sanno ay mar abuureen guddi ganacsato balse dhowr bilood kadib hawlihiisii socon waayeen sababo jirey awgood.

Nuur Ducaale oo ahaa Sarkaal ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Togdheer aya iyaguna si isku mid ah u soo dhoweeyey  Guddigani ay samaysteen Ganacsatada Gobolka  Togdheer, waxay sheegeen inay ka wasaarad ahaan iyo ka rug ahaanba guul weyn u tahay isla markaasna ay hoos imanayaan guddigani wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga Somaliland.

Maamulaha Xawaaladda Dahabshiil Burco Maxed Yusuf Axmed iyo Maamulaha Telesom Burco Maxamud Xaji Ibrahin  oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inaanay hore ula socon Qorshihii iyo shirarkii lagu sameynayey Guddigan balse ay sharaf weyn u tahay in Xafladdii daahfurka lagu soo casuumo, waxan gacansiinaynaa oo caawinaynaa intii itaalkayaga ahbay yidhaahdeen Guddiga Ganacsatada Gobolka Togdheer oo ganacsato ahaan iyo Gobol ahaanba sharaf weyn inoo ah ayay yidhaahdeen masuliyiintani.

Guddomiyaha Jaamacadda Burco Prof Saleban Dirir Abdi ayaa isaguna Ganacsatada ku ammaanay fikradda ay ku abuureen guddigan, waxanu xusay in ay muhiim tahay in ganacsatada halkii xabbad xabbad loo raadin lahaa ay maanta guddi samaysteen oo iyaga uun lala xidhiidhayo, waxa uu kula kaftamay guddoomiyuhu ganacsatada Gobolka Bakhaylnimo inay yara gacan adag yihiin, waxaanu sheegay in meelaha Danta guud ee jaamacaddu ka mid tahay marka loogu yeedho ama qaadhaan la ururinayo aanay soo jeesan ee dhabarka jeediyaan.

Sh. Faysal cali faarax oo ka mid ah Culimadii Xafladda Daahfurka lagu soo casuumay ayaa wacdi diini ah halkaasi uga jeediyey Ganacsatada Guddiga samaysatay, waxaanu sheegay inaan mar walba la hilmaamin alle ka cabsiga iyo taqwada ilaahay, sheekhu wuxu ganacsatada ku booriyey in ganacsigu uu yahay waxyaabaha ugu dhibka badan ee shar iyo khayrba kuu keeni kara, balse haddii qofku ikhlaas iyo daacada ilaahay la yimaado uu ka gaashaaman karo wax kasta oo ku yimaada.

Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Togdheer ayaa isna dhinciisa ganacsatada u soo jeediyey in amniga gobolka ay kala shaqeeyaan, wuxu sheegay in la iska ilaaliyo hub lagu dhex sito suuqa.

Gebogabadii Waxa munasibadda soo xidhay Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo sheegay inu aad u soo dhoweynayo guddigan isl amarkaasna uu isagu ahaa shakhsigii fikirkan ku dhaliyey Ganacsatada Gobolka kadib markii dhowr jeer oo loo baahday la waayey cid lagala xidhiidho,wuxu guddoomiyuhu sheegay in ganacsatada Gobolku ay yihiin laf dhabarta Gobolka , isla markaasna hawlo badan looga baahan yahay imminkana si toos ah ay ula xidhiidhi doonaan guddiga.

Guddigan oo ka kooban 29 xubnood ayaa  7 ka mid ahi yihiin Guddiga Fulinta halka 22 ka kalena yihiin Guddiga Guud ee Ururka.

 

HALKAN GUJI OO KA DHEGAYSO KHUDBADIHII Q1aad 

 
 
 
 

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.