Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Sucuudiga Oo Dil Qoorta Seef Lagaga Jaray Ku Fuliyay Laba Nin Oo Tuugonimo Lagu Soo Eedeeyay


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Riyadh, (HWN/SPA):- Wakaalada Wararka u faafisa dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa shaacisay in dil qoor gooyo ah lagu fuliyay, laba tuug oo dhac u gaystay muwaadin dalkaas u dhashay, kuwaas oo inta meel fagaare ah la keenay

 
Riyadh, (HWN/SPA):- Wakaalada Wararka u faafisa dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa shaacisay in dil qoor gooyo ah lagu fuliyay, laba tuug oo dhac u gaystay muwaadin dalkaas u dhashay, kuwaas oo inta meel fagaare ah la keenay seef qoorta lagaga jaray.

Wargeyska [The Daily Telegraph], ee ka soo baxa dalka Britain oo warkan ka soo xigtay wakaalada wararka Sucuudi arabiya ee [Saudi Press agency], ayaa ciwaanada hore ee bogeeda

wararka ku soo daabacday, warkaas ay ka soo xigatay ee qoor gooyada lagu fuliyay labadan tuug oo sida garsoorihii xukumay ku waramay, jid gooyo u galay nin shaqaale ah oo u dhashay dalkaas, kaas oo sida warbaahintu sheegtay ay ka qaateen lacag shirkad uu ka hawl galaa lahayd oo uu xiligaas siday.

Warbaahinta ayaa sheegtay in labadan nin oo lagu kala magacaabo, Mohammed bin Ahmed Kherma iyo Moussa bin Mohsen Kherma, ay ninkaas rasaas ooda kaga qaadeen, sidaa awgeedna ay maxkamadu ugu xukuntay in qoorta seef lagaga jaro, iyada oo laga duulayo halista uu leeyahay ficilkaas ay ku kaceen oo ah mid halis badan.

Jariirada [The Daily Telegraph], ayaa sheegtay in xukunka lagu fuliyay labadaas nin oo ah kii ugu danbeeyay, ee dalkaas maxkamadi ku xukunto lana fuliyay uu noqonay kii lix iyo kontonaad ee qoorta seef lagaga jaro, dad danbiyo kala duwan lagu soo eedeeyay, kuwaas oo si deg deg ah loo fuliyo.

Waxa go?aankan maxkamadda Sucuudi Arabiya gaadhay ka qaylisay isla markaana ku tilmaantay, mid u baahan in dunidu ka hawl gasho sidii loo joojin lahaa, hayada xuquuqda aadamaha u qaabilsan dunida ee [Amnesty International] sida wargeysyada ka soo baxa magaalada London oo xarunta hay?adani ku taalo ay ku warameen waxa ay masuuliyiinta hay?adaasi ku doodayaan in tiradu inta la shaaciyay ka badan tahay oo ay gaadhayso inta qof ee seefta qoorta lagaga gooyay sanadkan oo kaliya 79-qof dad tiradooda lagu qiyaasay.

Dalka Sucuudi Arabiya waxa uu ka mid yahay waddamada lagaga dhaqmo dilka qoor gooyada ah, waxaanu dalkaasi sheegaa in xukunkani yahay mid ku salaysan Shareecada diinta Islaamka, hasa yeeshee waxa mararka qaarkood la sheegaa in danbiyo aan gaadhsiisnayn in qoorta lagaga jaro qofka ay maxkamadduhu u adeegsadaan xukunada qoor gooyada ah, waxa kale oo jira aragtiyo sheegaya in xukunada adadag badankooda lagu fuliyo dadka ajaanibka ah ee dalkaas u xoogsiga taga.

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.